Maxay ragga ku nool jasiiradda Papua New Guinea jirkooda u jarjaraan si ay ugu ekaadaan yaxaas?

.

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, .

Jaziiradda Papua New Guinea, oo ku taalla dhanka bari ee dunida ayaa 80% shacabkeedu waxay ku nool yihiin tuulooyin miyi ah, kuwaasoo intooda bandanna sii jira gobollada durugsan ee dalkaas, xiriir badanna lama laha caalamka intiisa kale.

Wariyaha sheekadan qoray ayaa soo ogaaday in ay dadkaas weli haystaan dhaqammo qadiimi ah.

Astaamo kala duwan oo mid kasta ay micno gooni ah leedahay ayay ragga dalkaas ku sameeyaan jirkooda si ay ugu hogaansamaan dhaqan soo jireen ahaa oo ay awooweyaashood ka soo gaareen.

Qaar ka mid ah astaamaha ay jirka ku sameystaan raga ku nool dhinaca waqooyi ee jaziiradda Papua New Guinea ayaa ku saleysan waxyaabo ay diin ahaan u aaminsanyihiin.

Dhaqannadaas mid ka mid ah oo lagu magacaabo Haus Tambaran ayey dadka ku nool deegaannada uu maro wabiga Sepik ugu dabaal degaan xayawaannada iyadoo markaas ay dadku iska soo qaadaan iney xayawaanno yihiin.

.

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, .

Xayawaannada ay aadka u xushmeeyaan waxaa ka mid ah shimbirta nooca loo yaqaanno cassowaries, Gorgorka, doofaarka, masaska iyo yaxaaska.

Hase ahaatee yaxaaska ayaa sida la ogsoon yahay ugu awood badan dhammaan xayawaanaadkaas oo ku nool wabiga Sepik gudihiisa ama agagaarkiisa.

Sidaas awgeedna dadka reer Sepik ayaa yaxaaska ka dhigtay ilaah ay caabudaan.

Mid ka mid ah dabaal degyada ugu yaabka badan caalamka ayay raga ku nool wabigaas agtiisa uga qeyb galaan iyagoo leh muuqaal aad loola fajaco.

Waxay iska sar-saraan qeybo ka mid ah jirkooda sida dhabarka iyo guud ahaan qaarka hore si ay u sameystaan astaamo u ekeysiinaya yaxaasyada, gaar ahaan marka ay isku qarinayaan biyaha wabiga si ay u ugaarsadaan.

"Wiilasha waxaa jirka ka sar-sara abtiyaashood si ay dhaqanka u waafajiyaan. Wakhtiga sar-saritaanka wuxuu noqon karaa hal saac ilaa labo saacadood," waxaa sidaas yiri Aaron Malingi, oo ah guddoomiyaha degmada Parambei.

.

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, .

"Sannado ka hor waxaa sar-saritaanka jirka raggaas loo adeegsan jiray geedo la qoray oo af sakiin ah loo yeelay"

Marki aan fiiriyo jirka jeex jeexan ee ragga, waan dareemi karaa dhibaatada ay leedahay arrintaas.

"Qaar ka mid ah wiilasha way ka gudbeen xanuunka," ayuu yiri Malingi.

"Ragga da'da ah marki la sar-saro waxaa la mariyaa saliid laga soo miiray geedo si looga hortago in ay caabuq qaadaan nabarrada."

Guddoomiyaha ayaa u sheegay wariyaha in sida ay aaminsan yihiin, dhaqankan uu sidoo kale ujeedkiisa yahay in wiilasha ay iska daadiyaan dhiiggii hooyadood, ayna kasbadaan dhiiggooda u gaarka ah - taasoo iyadana ah mid aad uga yaabisay dad fara badan.

Marka wiilasha jirkooda la jar jaro ka dib, waxay muddo bilooyin ah ku jiraan aqalka howshaas lagu fuliyay, si ay u bartaan xirfado ku saabsan maareynta nolosha.

.

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, .

Tababarradaas ayaa waxaa siiya rag loo diyaariyay.

"Waxay bartaan cilmi ku saabsan sidii ay xaafadda ugu noolaan lahaayeen, waxaana waxyaabaha la baro ka mid ah sida loo kalluumeysto, sida geedaha looga goosto xaabada iyo sida loo caawiyo qoyska" ayuu yiri Malingi.

Wariyaha warbixintan diyaarinayay ayaa weydiiyay sida uu yaxaaska ku gaaray heer ay ku caabudaan dadka ku nool gobolka Sepik.

"Yaxaasyadu waxay leeyihiin awood astaan u ah" ayuu yiri Malingi. "Waan ka cabsannaa balse awooddooda ayaan ka helnaa tamar."

.

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, .

Wuxuu guddoomiyaha sheegay in sheeko dhaqameed loo sheegay dadka tuulada ay dhigeyso in dadka halkaas ku nool ay asalkoodi hore ahaan jireen xayawaanno ku jira wabiga oo markii dambe noqday bani'aadam, isla markaana bannaanka u soo baxay.

Taas ayaana sabab u noqotay in ay doortaan yaxaaska oo ay ka dhigtaan wax ay caabudaan.

Hase ahaatee dhaqankaas caabuditaanka iyo isku ekeysiinta Yaxaasyada ayaa ka suulay qeybo ka mid ah bulshooyinka wabiyada ag daggan ee jaziiradda Papua New Guinea.

Inta badan deegaannada ayaa dhaqankaas ka gudbay sannadkii 1943-kii, inkastoo meelaha qaar sida gobolka Sepik uu wali si xooggan uga jiro.