Ninkii 40-ka sano keligii ku noolaa duurka

The Hermit of Treig Ken Smith

Xigashada Sawirka, Uruna Productions

Qoraalka sawirka, Ken ayaa sheegay in madaxbannaanidu ku jirto in aad kalluumaysato.

Ku dhawaad 40 sano ninka lagu magacaabo Ken Smith waxa uu ka fogaaday nolosha caadiga ah waxa uuna ku noolaa koronto la'aan, isaga oo ku jiray qol alwaax ah oo gacanta lagu sameeyey, kaas oo ku yaal bannaanka fog ee Scotland Highlands.

"Waa nolol wanaagsan," ayuu yidhi Ken. "Qof walba wuxuu jeclaan lahaa inuu sameeyo laakiin qofna weligiis ma samaynayo."

Qof kastaa ma aqbali doono in Ken qaab nololeedkiisa goonni u goosadka ah ee ku dhisan calafka iyo kalluumaysiga iyo sidoo kale ururinta xaabada ee bannaanka ay tahay tan ugu habboon.

Qolkiisa looxa ah ayaa socod laba saacadood ah u jira waddada ugu dhow ee ku taal cidhifka Rannoch Moor, ee Loch Treig.

Filim sameeye Lizzie McKenzie ayaa markii ugu horreysay xidhiidh la sameysay Ken sagaal sano ka hor, labadii sano ee la soo dhaafay waxay laga duubay dukumenti ay samaysay BBC Scotland ee The Hermit of Treig.

Ken, oo asal ahaan ka soo jeeda degmada Derbyshire, ayaa u sheegay barnaamijka laga duubay sida uu ku bilaabay shaqadan uu wado isaga oo 15 jir ah.

Balse noloshiisii ayaa is bedeshay isagoo 26 jir ah markii ay garaaceen koox tuugo ah xilli habeennimo ah.

Habeenkaas maskaxda dhiig ayaa kaga furmay oo waa uu miyir beelay muddo 23 maalmood ah.

Ken Smith ayaa ku noolaa goobtan 40

Xigashada Sawirka, Uruna Productions

Qoraalka sawirka, Ken Smith ayaa ku noolaa goobtan 40

"Waxa ay igu yidhaadeen, mar danbe ma soo kaban doontid sida oo kalena ma hadli doontid" ayuu yidhi.

"Xataa, sida oo kale ma socon doontid ayay igu yidhaahdeen"

"Taasi waa markii aan go'aansaday in aanan waligey ku noolaan doonin shuruudaha qof kale uu dajiyay, laakiin aniga qudhaydu aan nolol ii gaar ah samaysto" ayuu yidhi.

Ken wuxuu bilaabay inuu safro oo uu xiiseeyo fikradda ah cidlo ku noolaanshaha

Mid ka mid ah sawirrada Ken laga qaaday

Xigashada Sawirka, Ken Smith

Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah sawirrada Ken laga qaaday

Muddo badan oo uu gaafwareeg ahaa, isla mar ahaantaana raadinayey goob uu dego, waxa uu markii danbe helay kayn ah oo cidlo ah, taas oo uu ka dhex arkay astaamaha goobtii uu raadineyey.

Ken, waalidkii waxa ay dhinteen intii uu ku jirey raadinta, isagana goor dambe ayuu ogaaday.

"Tan iyo markii geeridooda aan ogaaday waan ooyay, waxaan aamusay markii aan halkan soo gaadhay" ayuu u sheegay BBC-da qaybta Scotland.

Halkaas, ayaa uu ka bilaabay in uu dhiso qolal ka samaysan alwaax, isaga oo marka hore tijaabiyay nashqadihii uu u samayn lahaa isaga oo isticmaalayau ulo yaryar.

Ken oo kus ugan aqalkiisa uu dhistay 1980

Xigashada Sawirka, Ken Smith

Qoraalka sawirka, Ken oo kus ugan aqalkiisa uu dhistay 1980

Afartan sano ka dib, qolkiisu wuxuu leeyahay qayb uu dadabka ku shito, gaas ama biyo socda midna malaha - xaqiiqdiina ma jirto calaamad muujinaysa isticmaalka taleefoonka gacanta.

Xaabada ayaa uu ka soo gurtaa meel fog oo keenaa hoygiisa, si uu wax ugu karsado.

Waxa uu beeraa khudaar kala duwan oo uu ka mid yahay khudaarta loo yaqaan berry-ga ee cascas, laakiin isha ugu weyn ee cuntadiisu waxa ay ka timaadaa harada.

"Haddii aad rabto inaad barato sida loo noolaado nolol madaxbannaan, waxa ay tahay inaad sameyso oo aad barataa sida loo kalluumeysto," ayuu yidhi.

Toban maalmood ka dib markii agaasimaha filimka Lizzie uu ugu tagay qolkiisa, Febraayo 2019, waxaa ku dhuftay xanuunka wadnaha.

Waxa uu isticmaalay qalab gaar ah oo leh GPS, kaas oo la siiyay maalmo ka hor, si uu ugu baaqo haddii ay wax gaadhaan xarunta gargaarka degdega ah ee Houston, Texas.

Waxaana arrintii la sii ogeysiisay ilaalada xeebaha ee Boqortooyada Ingiriiska waxaana Ken loo duuliyay isbitaal ku yaal Fort William halkaas oo uu ku qaatay todobo toddobaad oo soo kabasho ah.

Shaqaaluhu waxay sameeyeen wixii ay awoodaan si ay u hubiyaan inuu ku soo laaban karo noloshiisii madaxbannaanayd, waxayna dhakhaatiirtu isku dayeen inay ku soo celiyaan nolosha ilbaxnimada ah ee magaalada halkaas oo uu ku yeelan doono guri iyo daryeelayaal u gaar ah.

Laakin Ken waxa uu markasta rabay in uu ku laabto qolkiisacidlada ku yaallay.

Ken Smith

Xigashada Sawirka, Uruna Productions

Si kastaba ha ahaatee xanuunka wadnaha ee ku dhuftay iyo xasuusta oo ka guurtay awgeed ayaa ka dhigan in Ken uu aqbalay caawimo ka badan intii uu hore ugu baahnaa.

Madaxa daba-galka estate-ka, ee ilaaliya kaynta uu Ken ku nool yahay, ayaa u keeni jiray cunto labadii toddobaadba mar, taasoo uu ka bixiyo lacagta hawlgabkiisa.

"Dadku maalmahan aad bay iigu fiicnaayeen," aya uu Ken sheegay.

Sannad ka dib samatabbixintiisii ugu horreysay, Ken ayaa mar kale lagu soo qaaday dayuurad ka dib markii uu dhaawacmay xilli uu ku dhex dhacay looxaan taallay gurigiisa.

Balse waxa uu sheegay in aanu ka walaacsanayn mustaqbalkiisa, uuna rajaynayo in uu la halgamo nolosha, isla mar ahaantaana uu rajeynayo in noloshiisu gaadho illaa da'aadda 102.