Qofkii ugu dambeeyay ee badbaaday: Sheekada ninka "keliya ee keligiis nool"

Muqaalka oo soconaya hal daqiiqo wuxuu muujinaya in ninkan uu badqabo

Xigashada Sawirka, Funai

Qoraalka sawirka, Muqaalka oo soconaya hal daqiiqo wuxuu muujinaya in ninkan uu badqabo

Muddo laba sano ah, waxaa baraha bulshada lagu wadaagayay muuqaallo dhif ah oo muujinaya nin la sheegay inuu yahay qof keligii ah oo ku nool kayn gudaheeda.

Ninkan oo da'diisa lagu qiyaasay 50-iyo-dhowr sano jir, ayaa la sheegay in kaynta Amazon ee dalka Brazil uu kaligiisa ku noolaa muddo 22 sanno ah, kaddib markii la dilay xubno ka tirsanaa qoyskiisa.

Muuqaal ay soo qaaday laanta ilaalinta xuquuqda dadka ku nool halkaasi, ayaa sidoo kale muujinaya ninka oo Masaar ku jaraya geedo dhowr ah ooku yaalla kaynta gudaheeda, waxaana si wayn loogu baahiyay dunida.

Muuqaalkan ayaa ah mid aad naadir u ah, waxaana laga dhex arkayaaninkan oo ah "qofka keliya ee meel ku nool keligiis".

Maxaa loo soo duubay muuqaalka?

Funai oo ahaa qofka la socday dhaqdhaqaaqa ninkan illaa sannadkii 1996-dii ayaa sheegay in uu weli nool yahay, islamarkaasna loo baahan yahay in aan lagu xadgudbin dhulka uu isaga ku dhaqan yahay oo ku yaalla gobolka waqooyi-galbeed ee Rondonia oo ku yaalla dalka Brazil.

Dhulka uu kaligiis ku nool yahay ninkan ayaa ku fadhiya 4,000 hektar, waxaana ku hareeraysan beero gaar loo leeyahay. Digniin ay soo saartay laanta difaaca xaywaanada iyo dadka ku nool kaymaha dalkaasi ayaa lagu sheegay in aanan lo ogolayn in la galo kaymaha oo dhibaato loo gaysto ninkaaasi cidlada ku nool.

Ka bood YouTube boggan
Oggolow Google YouTube macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Google YouTube. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Google YouTube xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka YouTube boggan

Sida ku xusan sharciga waddanka Brazil, dadka lamidka ah ninka oo kalinimada doorbiday, waa in loo difaaco dhulka xaqa ay leeyihiin inay ku noolaadaan.

Fiona Watson oo agaasimaha waaxda darasaadka iyo arrimaha xuquuqda badbaada caalamiga ah ayaa sheegtay in dowladda Brazil ay masuuliyad iska saarto ammaanka ninkan, sii loo ilaaliyo noloshiisa.

Ninka keligii nool ee kaynta AMAZON ku nool.

Xigashada Sawirka, FUNAI

Fiona Watson waxay intaasi ku dartay in soo daynta muuqaalkan ay arrimo siyaasadeed ka dambeeyaan. waxay intaasi ku dartay in weerar lagu hayo dadka iyo xayawaanada ku nool kaymaha dalkaasi.

Muxuu yahay ninkan?

Ninkan waxaa lagu tiriyay inuu yahay qofka kaliya ah ee ka badbaaday kooxo beeralay ah oo weerar lagu qaaday sannadkii 1995-tii. Waxaana la sheegay in weliggiis uusan qof la hadlin ama la xiriirin, wixii ka dambeeyay waaggaasi.

Lama garanayo qowmiyadda uu ninkan ka tirsanyahay, luqadda uu ka hadlana cid garanayso ma jirto.

Guri uu leeyahay Ninkan oo ku dhexyaallo kaynta dhexdeeda

Xigashada Sawirka, Survival

Qoraalka sawirka, Guri uu leeyahay Ninkan oo ku dhexyaallo kaynta dhexdeeda

Wuxuu ninkan horey uga tagay guryo cooshado ah iyo agab kale oo uu kamid yahay Waran.

Muxuu muqaalka naadir uu yahay?

Waxaa laga haya ninka hal sawir oo aan si wanaagsan loo arkaynin.

Muuqaalka waxaa soo qaaday nin filin-qaade ah oo la socday koox kormeer ku soo samaynayay kaymaha, waxaana muuqaalka oo gaaban lagu shaaciyay barnaamij ka baxay telefishinka Brazil, sannadkii 1998-dii.

Rondonia

Dadka u dooda xuquuqul insaanka waxay sheegeen inay ku farxeen inay dib u arkaan ninkan oo caafimaad qabo oo weli keligiis ku nool kaymaha dhexdooda.

Ninkan waxaa la sheegay inuu ku nool yahay ugaarsiga xayawaanada duur joogta ah iyo miraha dhirta qaar.

Laanta u qaabilsan ilaalinta nolosha dadka ku nool kaymaha ayaa sheegtay in ninkan uusan rabin inuu dad kale la xiriiro maadama uu horey waran ku dilay dad doonayay inay isaga la hadlaan.

Muxuu khatar ugu sugan yahay ninkan?

Waxaa la sheegay in inta badan qoyskiisa la laayay intii u dhexeeysay sannadihii 1970-kii iyo 1980-kii, kaddib markii dhul ay deganayeen ay dhexmartay waddo taas oo dhalisay in dhulkooda xoog looga qaato.

Ganacsato iyo beeralay ayaa hadda doonaya inay la wareegaan kaymaha uu ku nool yahay ninkan.