Sida uu u dhacay weerarka ay Israa'iil ku qaaday guriga hugaamiyaha Xamaas ee ku nool dalka Qadar

Askarta Israa'iil

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sida ay sheegeen Ciidamada difaaca ee Israa'iil (IDF), waxay weerar ku ekeeyeen guriga uu degan yahay hugaamiyaha sare ee Xamaas Ismail Haniyeh, kaas oo ku yaalla Gaza.

Inkasta oo Ismail Haniyeh, oo ah madaxa garabka siyaasadda ee Xamaas uu ku nool yahay waddanka Qadar, waxay sheegeen ciidamada milatariga Israa'iil in gurigigiisa 'loo isticmaalayay meel ay ku shaqaystaan argagixisada' ayna sidoo kale 'ku kulmaan hugaamiyaasha sare ee ururka'.

Waxay sheegeen milatarigu inay isticmaaleen diyaaradaha dagaalka si ay u duqeeyaan guriga.

Qasaaraha ka dhashay weerarkaas ayaan ilaa iyo hadda cadeyn.

Markii weerarii 7 dii October uu dhacayey, hogaamiyaha siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniyeh, oo ku noolaa Qadar iyo Turkigu, ayaa wuxuu ku sugnaa Istanbul.

Muuqaal uu baahiyay xafiiskiisa waxa uu muujinayay isaga oo ku sugan Dooxa, oo u debaaldegaya weerarka ay kooxdiisu ku qaaday Israel.

IDF

Xigashada Sawirka, IDF

Waxa uu ugu yeeray weerarka ‘Howlgalka daadka ee Qasa’ isaga oo wacad ku maray inay sii xoojinayaan dagaalka ay doonayaan inay ku ‘xoreeyaan dhulkooda iyo dadkooda ku jira xabsiyada Israel’ sida uu sheegay.

Waxa uu intaa ku daray kooxaha kale ee hubeysan ee Falastiin ay dagaalka ku fidin doonaan Daanta Galbeed iyo Qudus.

Waxa uu horey uga badbaaday iskuday shirqool dil oo ay fulisay Israel, isaga oo ka qaxay Qasa 2016kii isaga oo u guuray Qatar.

Israa'iil iyo Maraykankuba waxay sheegeen in Xamaas ay saldhig ku leedahay isbitaalka ugu weyn ee marinka Qasa, arrintaas oo Xamaas ay si joogto ah u beenisay.

Israa'iil waxay sheegtay in saldhiggan uu qayb ka yahay nidaamka qallafsan ee ururka ee dhulka hoostiisa mara.

BBC ayaan si madax banaan u xaqiijin karin sheegashada Israa'iil ee ah weerarkaan.

Haniyeh

Xigashada Sawirka, Reuters

Waa kuma ninkaan gurigiisa la weeraray?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ismail Haniyeh waxaa loo doortay madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas sanadkii 2017 kii, balse wuxuu ku noolaa dalka Qadar muddo dhawr sano ah.

Wuxuu muddo dheer xubin firfircoon ka dhex ahaa gudaha uruka Xamaas, tan iyo sanadkii 1980 tameeyadii, isaga oo tiro saddex jeer ah ay xirtay dawladda Israa'iil.

Sidoo kale sanad ayuu ku muqnaa musaafurin ka hor inta uusan ku soo laaban magaaladiisa Gaza. Sanadkii 1997 dii ayaa loo magacaabay madaxa xafiiska hugaamiyaha ruuxiga ah ee Xamaas, taas oo booskii uu ururka ka joogay sii xoojisay.

Sanadkii 2006 dii madaxweyniha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa u magacaabay ra'iisul wasaaraha Falastiin balse waxaa xilka laga qaaday markii kooxdu ay xisbigii Fatax ee madaxweyne Cabaas ka erisay marinka Gaza kadib todobaad ay socdeen dagaalo dhiig badan ku daatay.

Haniyaha ayaa diiday in xilka laga qaaday, isaga oo u sababeeyay inat ahayd 'mid qayru-dastuuri ah', isaga carabka ku adkeeyay in dawladda uu madaxda ka yahay ''aysan dayici doonin masuuliyadda ka saaran shacabka reerFalastiin', isaga oo sii waday shaqadiisa xukunka marinka Gaza.

Ismaaciil oo 60 jir ah ayaa loo arkayaya xilligii uu xafiiska uu haatan joogo ee Xamaas in uu yahay nin waaqaca fahansan, oo Xamaas ka khafiifin kara go'doominta caalamiga ah ee saaran.

Ururkaa ayaa xilligaas maalmo ka hor shaaciyay siyaasad cusub oo loo arko in uu ku bedelayo qaar ka mid ah afkaartiisa.

Waxaa ka mid ah in markii ugu horaysay ay Xamaas sheegtay in ay diyaar u tahay aqbalida waddan Falastiiniyiintu leeyihiin, kaasoo ku salaysan xuduudihii ka horeeyay dagaalkii 1967-dii, balse aanay aqoonsaneyn Israa'iil.

Waxa ay sidoo kale siyaasada cusub ee Xamaas dhigaysaa in dagaalkooda aanu ku wajahnayn Yuhuuda ee uu ku aaddan yahay "kuwa xoogga ku haysta dhulkooda".

Afhayeen u hadlay ra'iisul wasaaraha Israa'iil xilligaas ayaa sheegay in Xamaas "ay isku dayayso marin habaabinta caalamka, balse aanay ku guulaysan doonin."