Maxay Xisbullah ka samaynaysaa dalka Brazil?

hogaamiyaha Xisbullah

Xigashada Sawirka, REUTERS

Qoraalka sawirka, hogaamiyaha Xisbullah

Xarigga labo nin oo u dhashay dalka Brazil oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan, isla markaana qorsheynayey weerarro ay ku qaadaan dadka Israa’iiliyiinta ah ee ku dhaqan dalka Brazil, ayaa soo shaac bixiyay joogitanka kooxdan ku sugan dalkaas.

Xogo ay iska kaashadeen hay’adaha sirdoonka Maraykanka iyo Israa’iil, ayaa muujinaya in koox ka kooban ugu yaraan afar qof ay wadeen qorshe weerarro ah oo ay ku bartilmaamsanayaan meelo kala duwan oo Brazil ah, oo ay ku jirto safaaradda Israa’iil .

BBC ayaa ogaatay in howlgalkii lagu xiray dadkaas ay iska kaashadeen laamaha ammaanka Israa'iil, iyo hay'adaha ammaanka Mareykanka.

Sida ay BBC u sheegeen ilo ka tirsan laamaha ammaanka shirqoollada lagu beegsanayo dadka Israa’iil u dhashay ee ku sugan Brazil ayaa kordhay tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil ee Marinka Qasa.

Joogitaanka Xisbullah ee dalka Brazil

taageerayaasha xisbullah

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Taageerayaash xisbullah

Tan iyo sanadkii 1980-kii dalka Brazil waxaa gaaray dad badan oo u dhashay dalka Lubnaan, kuwaas oo ka qaxay dagaalkii sokeeye ee dalkaasi ka dhacay, waxaan xilligaasi wixii ka dambeeyay kordhay joogitaanka Xisbullah ee halkaasi sida uu sharraxayo Jorge Lasmar, oo ah bare sare oo ku takhasusay xiriirka caalamiga ah ee Jjaamacadda.

Ururka ayaa waxaa uu dalalka Brazil, Argentina iyo Paraguay ka hirgaliyay ganacsi iyo xarumo waxbarsho, ayaga oo si weyn ugu faafiyay madhabka Shiicada .

Jorge Lasmar, ayaa sheegay in garabka milateriga ee Xisbullah ay sanadihii u dambeeyay aad ugu faafeen Koonfurta Ameerika, isla markaana ay xoogga saareen falal dambiyeedyo ay ka mid yihiin ka ganacsiga maandooriyaha, iyo ka ganacsiga dadka iyo lacagaha la dhaqo, halkii ay ka sameyn lahaayeen falal argagixiso.

Koonfurta Ameerika waa mid ka mid ah meelaha ay Xisbullah u dooratay inay ku maalgeliso laanteeda milateriga.

Dalalka ayaa noqday kuwo muhiim ah ka dib markii cunaqabataynta reer galbeedka ay ku soo rogeen a, oo ah taageeraha ugu weyn ee Hezbollah iyo xulafadeeda, waxayna ku adkeysatay kooxda inay xawilaan lacagaha kooxda la siiyo.

Sannadkii 2002-dii, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanku waxay billawday barnaamijka Ssaddex-geesoodka ah oo ku saabsan amniga dalalka Brazil iyo Argentina iyo Paraguay.

Xukuumadda Arjentin ayaa sidoo kale ku eedaysay Xisbullah inay ku lug lahayd weerarradii ugu waaweynaa ee koonfurta Ameerika ka dhaca, kuwaas oo ah qaraxii safaaradda Israa'iil ee Buenos Aires 1992 iyo kuwa kale oo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof.

Xisbullah iyo ka ganacsiga daroogada

Xusbullah

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, nin hubeeysan
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Mid ka mid ah waxyaabaha walwalka ku haya dadka reer Brazil iyo madaxda dalalka kale ayaa ah dhaqdhaqaaqyada ay Xisbullah ka wadaan dalka Brazil iyo aagga xuduudda saddexda dal, iyo suurtogalnimada in kooxdan ay xariir la leedahay kooxaha dembiilayaasha ah ee ka jira dalalka Laatiin Ameerika iyo shabakadaha kale ee ganacsiga daroogada ee caalamiga ah.

Warbixin ay soo saartay Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay suuragalnimada ah in ay jiraan xariir ka dhaxeeya kooxda Xisbullah iyo shabakadaha kale ganacsiga daroogada ee caalamiga ah.

Sida laga soo xigtay baadhitaan uu sameeyay booliiska dalka Brazil, dadka ugu muhiimsan ee ururka la leeyihiin xariirka ee ka ganacsada darooga waxaa ka mid ah Elton Leonel Ruminish.

Tan iyo 11 Siteembar, 2001 ee al-Qaacida ay weerarrada ku qaadeen Maraykanka ayaa maamulayaasha Maraykanku waxay kordhiyeen inay isha ku hayaan dhaqdhaqaaqyada kooxaha Islaamiyiinta ah ee dunid a oo dhan, ayadoo walwal laga qabo inay suurt ogal tahay inay weerarro qaadaan.