Maxaa u sabab ah in garoonka Beledweyne uu sannad kasta xirmo?

Garoonka Beledweyne

Xigashada Sawirka, Radio Risala

Waxaa in muddo ah xiran garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ee Ugaas Khaliif, tan iyo markii ay biloowdeen roobabka mahiigaanka ah ee isbuucyadii la soo dhaafay ka da’ayay magaaladaasi iyo guud ahaan Soomaaliya.

Billowgii roobabka ka dib waxaa hakad galay dhammaan shaqooyinka garoonkaasi iyo howlihii duulimaadyada ee halkaa ka socday.

Dadka reer Beledweyne ee sida maalin laha ah u isticmaala garoonka ugaas khaliif ayaa dhib weyn ku qaba hakad mar kasta oo roobab da’aan ku yimaada shaqada garoonka, maadaama dib u dhis fiican aan lagu sameeyn garoonka, ayadoo la sheego in lacago badan ay ka soo xaroodaan garoonka ioy guud ahaan dakhliga Magaalada.

Garoonka diyaaradaha Baledweyne ayaa sanad walba xirmO marka la gaaro xilli roobaadka, maadama garoonka ay dhex fariistaan biyaha roobka, wallow dhawr jeer dayactir lagu sameeyay.

Garoonka Beledweyne

Xigashada Sawirka, Hiiraan Online

Dadka ku safari jiray diyaraadaha isticmaal garoonka Ugaas khalif ee magalada baladweyne iyo deeganada kale ee ku xeeran ayaa hadda isticmaal gawaarida, kuwaas oo ayaga laftoodu ahayn ahayn kuwo ay sahlan tahay in la helo, maadaama ay biyo xireen wadooyinka isku xiri Muqdisho Baladweyne .

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullahi Axmed Sufurow oo BBC la hadlay ayaa sheegay in garoonka dayaaradaha ee Beledweyne uusan ahayn garoon caalami ah, balse uu yahay garoon carro ah oo aan laami ahayn, haatanna uu xiran yahay.

Dad badan ayaa aaminsan Garoonka Beledweyne ay ka soo xarooto lacag wax lagu qaban karo, hase yeeshee guddoomiyaha gobolka wuxuu sheegay inlacagtaas ay yar tahay.

“Garoonka ma aha mid 200 ama 300 oo doollar oo dayaaradaha laga qaado ay heerkiisa wax ka beddeli karto ma aha. Garoonku wuxuu rabaa gacan weyn oo gacan dawladeed ah. Dhisme garoon ma helin.

“Carro ayaa lagu shubaa, ruulo ayaa lagu garaacaa, iskamana celin karo wax ka badan dayaaradaha 20ka tan ah” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka.

Waxaa jira dad kale oo kasoo jeeda gobolka, sida xildhibaanno oo aan arrintan ku raacsaneyn maamulka garoonka. Mar aan isku daynay inaan qaarkood la hadalno nooma aysan suurtogalin.

Daadadka Beledweyne
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dadka isticmaala garoonka waxay hadda u wareegeen inay ka baxaan ama ka soo degaan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo magaalada Beledweyne u jirta in ka badan 100 KM.

Inkastoo uu guddoomiyaha gobolka ka gaabsaday inuu toos uga jawaabo lacagta garoonka ka soo xaroota, misna ilo xog ogaal ah oo BBC ay la xiriirtay waxay xaqiijiyeen in dayaarad kasta oo garoonka Ugaas Khaliif ka soo degta uu ka soo xaroodo lacag la yiraahdo (landing fee) ama lacagta soo degidda, taasoo dayaaraddiiba laga qaado $400.

Waxaa intaa dheer in qof kasta oo garoonka ka dhoofaya ama ka soo dagaya laga qaado $3 taasoo ah lacagta lagu raaco basaska dadka ka qaada garoonka oo geeya irridda hore, iyo kuwa dadka halkaa ka soo qaada ee keena gudaha garoonka.

Magaalada Beledweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa waxaa maalin weliba tegi jiray diyaarado dhowr ah oo intooda badan ka bixi jiray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Waxaa intaa dheer in dakhli ahaan magaalada Beledweyne ay leedahay ilo kale oo dhaqaale uu ka soo galo sida canshuuraha ka soo magaalada gudaheeda iyo miisaaniyadda ay qayb ahaan ku leedahay dawlad goboleedka Hirshabeelle.

Garoonka diyaaradaha wuxuu hadda xiran yahay muddo todobaadyo H, mana jirto rajo muujinaysa in dhawaan wax laga qaban doono, ayadoo dad badan ay magaalada ka baxeen sababo la xiriira biyaha soo galay.