Daawo: Waa sidee xaaladda dadka ay saameysay fatahaadda Beledweyne?

Magaalada Beledweyne waxaa wali ka socda barakac ballaaran oo ka dhashay fatahaadda ku dhufatay magaalada.
Boqollaal qoys ayaa tagaya dhulka taagga ah iyo daafaha magaalada. Waxaa jira xaafaddo aan horey looga barakicin fatahaadihii hore oo iminka biyuhu qaadeen.
Tirada rasmiga ah ee illaa hadda qaxday lama hayo, waxase la saadaalinayaa in inta badan dadkii magaalada dagganaa ay ka baxeen guryahooda.
Halkan ka daawo saameynta fatahaaddan, oo mar kale sanado kadib ku dhufatay Beledweyne:









