Sababtii qoyskii beeraleyda ahaa ay gabadhooda ugu diideen madaxweyne Waare

Waare

Xigashada Sawirka, Waare

Saddex sano iyo dheeraad ayuu ahaa madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabelle, oo ah kan ugu faca yar dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Waare ayaa markii labaad oo uu tartamay, waana markii loo doortay in uu noqdo madaxweynihii labaad ee maamulkaas bishii September 2017kii.

Waare oo ah mid ka mid ah kuwa ugu afka adag, uguna hadalka badan madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa mudadaas saddexda sano ee uu xilka hayay ku tilmaamay in uu ku jiray cadaab yar, iyada oo dusha loo saaray masuuliyad ka culus inta wax laga qaban karay.

Waxa uu xilka ka bedelay madaxweynihii ugu horreeyay Hirshabelle Cabdulaahi Cali Cosoble, oo baarlamaanka maamulkaasi ay shaqada ka eryeen isaga oo xilka haya wax ka yar sanad.

Cosoble ayaa ku eedeeyay xil-ka-qaadistiisa inay ka dambeeyeen dowladdii madaxweyne Farmaajo, isaga oo markii horena sharcidarro ku tilmaamay go’aanka baarlamaanka.

Waare oo ka qalinjabiyay jaamacadda heerkeedu sarreeyo ee Indiana ee dalka Mareykanka ayaa ka hor doorashadiisa, kana soo shaqeeyay hay’addo caalami ah oo ay ku jiraan kuwo Qaramada Midoobay, iyo hay’adda dowladda.

Warbixino cusub oo xiiso leh

Nolosha Madaxweynenimada iyo maalinkii ugu horreeyay ee uu xilka qabtay

Waare

Xigashada Sawirka, Waare

Aragtida guud ee laga heysto nolosha madaxweynenimada iyo xilalka sare ee siyaasadda waxaa laga yaabaa inay tahay kuwa raaxo leh, iyo shaqo qabow oo dhib yar. Laakiin waa mid xaqiiqada ka fog, si gaar ah marka laga shaqeeynayo dal iyo deegaan kasoo kabanaya dagaalo sokeeye iyo daruufo dowlad xumo, si la mid ah Soomaaliya.

Se, marka xil-doon la yahay ee olelaha lagu jiro ma dhib yara, oo ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiwali Gaas oo markii dambe madaxweyne ka noqday Puntland waxa uu ku tilmaamay xilliga lagu jiro tartanka iyo ololaha in uu dadka ka tago miyirka, oo xitaa aysan laheyn dhago ay ku maqlaan iyo indho ay ku arkaan waxa u fiican iyo waxa u daran.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Laakiin ka warran marka la helo xilkii loo baratamayo ee loo miyir belay? Waxaa ka sheekeynaya Maxamed Cabdi Waare, madaxweynihii hore ee Hirshabelle.

Hurdadii uu la dhacay saacado kadib markii la doortay, waxaa aroornimadii ugu horreysay isaga oo madaxweyne ah ka toosiyay qof ka mid ah dadkii la shaqeynayay. Waxaa hurdada, kahor xilliga salaada subax loo kaco, looga toosiyay war baas leh, oo haddana la doonayo in uu isaga wax ka qabto. Waa deegaanka kalbaydh oo Al-shabaab, ay dad ku dileen, waana mid ka mid ah dhulka loo doortay in uu madaxweyne ka noqdo. Dad badan ayaa la dilay, kuwa kalena waa lagu dhaawacay.

"Caawa markii la doortay, isla subxii xigayba anigoon weli tukan oo aan kicin ayaa warkaas dhiilada leh hurdada la igaga toosiyay," ayuu yidhi Waare oo la hadlay BBC Somali. Waxa uu tilmaamay in laga doonayo in uu xaliyo isaga oo aan hadda haynin awood ciidan iyo mid dhaqaale oo uu wax uga qabto arrinkaas. Waxaa taas u wehlisay in shaqada maamulka dowladnimada uu ku cusbaa oo aysan xitaa jirin dad ka caawiya hoggaanka ciidanka, isagu na uusan aqoon u lahayn.

"Waa wixii koowaad ee aan la kowsado. Talo ayaa igu cadaatay, masuuliyadna waa i saaran tahay. Halkee wax ka bilaabaa? Waa arrin culus," ayuu yidhi Waare oo dib u xasuusanaya maalinkii ugu horreysay ee uu waago u baryo isaga oo madaxweyne ah. Saddexda sano ee uu xilka hayay waxa uu ku tilmaamay saddexdii sano ee ugu xumeyd noloshiisa oo dhan, uguna ayaan darneyd ee soo marta lixdan iyo dhowrka sano ee uu jiray.

Warbixino la xiriira dagaalka Xamaas iyo Israel

Markii loo diiday gabadhii uu doontay iyo sababtii ka dambeysay

Waare

Xigashada Sawirka, Waare

Waare oo noloshiisii carruurnimo iyo waxbarasho ku soo qaatay deegaanka Halgan ee ku dhow degmada Buulobarde, Afgooye iyo Muqdisho waxa uu ka mid ahaa ka hor inta uusan waxbarasho sare u aadin Mareykanka kumanaankii qof ay saameeyeen dagaalada sookeeye. Waxa uu aqalgalay isaga oo ka qaxaya dagaaladii jabhada iyo dowladdii kacaanka. Laakiin arooskaas xitaa waxa uu ka soo maray dhib kale oo weyn ka dib markii qoyska gabadhii uu jeclaa uu ka doontay ay ku gacanseydheen inay siiyaan gabadhooda.

Madaxweyne Waare ayaa inanta ay is gacloodeen, waxa ay isku barteen shaqo ay ka wada shaqaynayeen, taasi oo ahayd mashruuca fidinta Beeraha dalka.

Sheekooyinka la xidhiidha in lamaaneyaal is jeclaaday la isu-diiday inay is guursadaan, ma ahan sheeko ku cusub Soomaalida dhexdeeda. Heybsooca guurka, oo badanaa hal dhinac uun ka yimaada, waa dhaqan iyo arrin taariikh weyn leh. Markanse way ka duwan tahay kuwii aad horey u maqli jirteen.

Madaxweyne Waare waxaa gabadha uu diiday qoys beeraley ah oo u arkayay nin geelley reer guuraa ah in uusan u qalmin gabadhooda – inkastoo Waare isagu uusan ahayn reer miyi iyo geelley midna, laakiin waxaa lagu tirinayay dhaqanka guud ee deegaankiisa iyo beeshiisa. Waxay la jeclaayeen inay gabadhoodu u dhaxdo qoys beeraley ah.

Laakiin waa uu diiday in uu ka samro jaceylkiisa iyo quruxleyda uu caashaqay. Wax badan oo uu baroortay, oo uu ilmeeyay isla markaasna odeyaasha gabadha u doonayay uu hadba dhac u jeediyo, ugu dambeyn qoyskii beeraleyda ahaa iyo gabadha aabbeheed waa ay iska aqbaleen inay gabadha siiyaan, iyaga oo aan weli sidaas ugu faraxsanayn. Wuxuuna dadab galay bishii December 1990-kii, labo Todobaad ka hor Dagaalkii iyo qaxii wadanka ka dhacay xiligaasi.

‘‘Markaan guursaday reerkoodu aad ayey u dhibsadeen. Waxay yidhahdeen war wiil fiican ,oo aan naqaano, oo ehelu khayr ah miyeey weeyday," ayuu yidhi Waare.

‘‘Wakhti ayey igu qaadatay in la i aqabalo. Markii ilmo noo dhasheen ayaa la i aqbalay. Sahal layguma ogolaan aniga laftigayga," ayuu sii raaciyay.

Sidaas ayuu ugu dambeyn ku guuleystay jaceylkiisii isaga oo ku tilmaamay jacayl aan loo ooyin in uusan ahayn mid jira. ‘‘qofkii idhaha aniga wax ma jeclaan, aniga warka waan u soo gaabiyaa. Waxaan dhahaa waa geed xididkii qalalay, oo aan caleen yeelanaynin".