Halkee ku dambeeyay khilaafka Masaajidka Quba ee sababay in lagu mudaharaado Sheekh Mustafa iyo culumo kale?

Xigashada Sawirka, MARKAZ QUBA
Wali waxaa taagan khilaafka ka dhex aloosan dhinacyo Soomaali ah oo isku haya maamulka Masjidka Qubaa ee ku yaalla caasimadda Amsterdam ee dalka Netherlands.
Culimada Soomaalida ayaana siyaabo kala duwan uga hadlay arrinta Masjidka iyagoo ugu baaqay inay gacmahooda hoos u dhaqaan kuna dhammeeyaan si Soomaalinnimo leh.
Sheekh Dr Cumar Axmed Weheliye oo ka mida culimada deggan dalka Netherlands ayaa BBC-da u sheegay in khilaafkan asalkiisu yahay maamulka Masaajidka oo ay isku qabsadeen dhalinyaro iyo Shiikhii masjidka.
Dr Cumar ayaa xusay inuu arkay laba dhinacba kalana hadlay sidii ay u dhammayn lahaayeen khilaafkooda balse ay isag iyo dadkii kale ee howshaa ku jirayba ay ku hungoobeen.
“Waan arkay labada garabba waxaana isku daynay inay si Soomaalinnimo leh ku dhamaystaan waxa ka dhaxeeya balse nooma suura galin inay na maqlaan aakhirkiina waxaaa garabkii dacwoonayey aaday maxkamad,” ayuu yiri Sheekh Cumar.
Dr Cumar oo ka hadlayey sababta soo celcelisa khilaafaadka u dhaxeeya dadka Soomaalida ee maamullada masaajiddada dibadda ayuu sheegay inay ugu weyn tahay inaan marka la bilaabayo la dhisin guddiyo xoog leh oo isla xisaabtama.
“Halka culayskaa waa in hal guddi kaliya loo sameeyo masaajiddada haddii guddigaas is khilaafana waxaa timaaddo arintan foosha xun oo dhacda, laakiin masaajiddada leh guddiyo iskaaba waa yar tahay khilaafkooda,” ayuu yiri Sheekh Cumar.
Heerka khilaafka Masaajidka Quba ayaa gaaray in garab ka mida dhinacyada isku haya ay aadeen maxkamadda laakiin wali waxaa la sugayaa si dhamaystiran go,aanku u soo bixi doono.
Sidee ayay dooddu ku bilaabatay?

Xigashada Sawirka, Google
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dood culus ayaa ka dhalatay masaajid ay dhiseen bulsho Soomaaliyeed, oo lagu magacaabo masjidul Qubaa, isla markaana ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Amsterdam ee dalka Netherlands.
Sanadihii 2012-kii, ilaa 2013-kii ayaa la dhisay masaajidka iyadoo dad kala jooga dal iyo dibadba ay isku dareen qaraashadka ku baxay dhismaha masaajidka Quba.
Haatan waxaa soo ifbaxay muran kadhex aloosan maamulkii hore ee masaajidka iyo maamul cusub ooh adda gacanta ku haya.
Culimaa’uddiin uu yamid yahay Sheikh Mustafa Ismaaciil Haaruun, oo dhowaanahan safarro dacwo ah ku marayay qaar kamida dalalka Yurub ayaa tagay magaalada Amsterdam, iyadoo lagu casuumay masaajidkan uu maamulkiisu muranka ka taaganyahay si ay qudbado diini ah uga jeediyaan.
Casuumaadda culimada kadib ayaa si lama filaan ah waxaa dibad baxyo u sameeyay qaar kamid ah, bulshada Soomaalida ah ee magaalada, iyagoo diiddan habka loo maamulayo masaajidka, waxa ay makaroofanno lasoo istaageen banaanka masaajidka xilli ay si toos ah u socdeen qudbadaha culimada.

Xigashada Sawirka, Quba
Waxa ay ku qaylinayeen,”banaanka usoo baxa nala hadla waa maalintii saddexaad ee aan halkan idiin taagannahay”
Muranka masaajidka ayaa ah mid dhowaahanba soo taagnaa, culimo ku kala sugan dalkaas iyo dalal kale ayaa isku dayay in ay xalliyaan khilaafka maamulka masaajidka soo kala dhex galay hase yeeshee waa ay suuroobi weyday.
Sidoo kale dadka Soomaalida ah ee reer Netherlands, ayaa isku dayay in ay dhex dhexaadiyaan culimada masaajidka hase yeeshee arrinta ayaa faraha ka baxday iyadoo u gudubtay ilaa heer maxkamadeed iyo in ay go’aan ka gaarto dowladda dalkaas.
Abdullahi Maxamed Taajirow oo ah wariye ku nool dalka Netherlands, ayaa BBC-da uga warramay halka ay kasoo bilaabatay dooddan uu xalkeedu adkaaday isagoo yiri, “Masjidka waxaa gacanta ku hayay saddex qof oo uga diiwan gashanaa xagga dowladda, waxa ay kala ahaayeen wadaad la yiraahdo Sheikh Suldaan, sheikh Ibraahim iyo Sheikh Guuleed, kadibna khilaaf kadib waxaa meesha laga saaray Sheikh Suldaan, oo ahaa wadaadka ugu sarreeya masjidka.
Khilaafka ayaa sii kordhay, dadkii magaaladana wey xallin waayeen, kadib waxaa dhacday in masjidka ay dhowr mar hor yimaadaan dad taageersan sheikh Suldaan, iyagoo halkaas ku bannaan baxay”.

Xigashada Sawirka, Taajirow
Taajiroow oof aah faahiyay sida culimada la casuumay loogu sheegay in ay soo baxaan ayaa yiri, “Dadkii banaan baxa u yimid intii ay socotay muxaadarada wadaadda martida ahaa, waxa ay codsanayeen in ay la kulmaan culimada si ay ugu sheegaan khilaafka Meesha ka taagan kaas oo ka dhashay habka maamulka ee masaajidka”.
“Dadka Soomaalida ah ee ku nool magaalada ayey layaab ku noqotay arrintan, waxaana ay noqotay mid fadeexo ah, waxaa jirta in kiiska doodad iyo khilaafka loo gudbiyay dowladda oo la gaarsiiyay ilaa heer maxkamaeed, haddana waxaa muuqata in jawaabta iyo go’aankaba maxkamadda laga sugayo” ayuu sii raaciyay Taajiro.
Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay muuqaallo, lagasoo duubay bannaan baxayaasha hor taagan masaajidka Quba ee Amsterdam, iyadoo ay dhalisay caro, waxaana bannaan baxayaasha lagu eedeeyay in ay xushmeyn waayeen culimada martida ah, iyadoo waliba ay dibad baxyadu dhacayeen xilli ay socdeen muxaadarooyin toos ah.
Waa markii ugu horreysay oo kiis noocani uoo kale uu gaaray ilaa heer maxkamadeed, iyo waliba in khilaaf dheeraaday uu kadhex dhasho culimada heysa maamulka masaajidda.
Lama oga waxa kasoo bixi doona maxkamadda walow markii horaba ay dowladda Netherlands, qayb ka ahayd sameynta maamulka masaajidka.













