Wixii uu caqliga iyo khayraadka Soomaalida ka yiri Jeneralkii awoodda badnaa ee Soofiyeetka

Xigashada Sawirka, Wikipedia
Wuxuu ahaa sarkaal kii labaad ee ugu sareeyey Midowgi Soofiyeeti ee booqasho aan caadi ahayn ku yimid Soomaaliya sanadkii 1974-tii, xiligaas oo Xukuumadii malaterigu ay xiriir wanaagsan la lahayd dowladihii shuuciga ahaa ee ka tirsanaa Soofiyeetka.
Dowladdii Soomaaliya ayaa xiligaas diyaarisay soo dhawayn u qalantay Andrei Grechko oo ahaa Taliyihii Ciidamadii Soofiyeetka oo ka koobnaa 15 dal, wasiirkii gaashandhiga iyo ninka ugu sareeyey Isbahaysigii gaashaanbuurka milatari ee Warso oo xiligaas u dhigmay NATO, kaas oo booqashadiisu la xirirtay xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya.
Soomaaliya ayaana xiligaas ahayd dowladda ku taal bariga Afrika ee Xiriirka la lahayd Midowgii Soofiyeetka marka la eego dalalka ay xaduudaha wadaagaan oo dhamantood xiriir la lahaa wadamadii Reer galbeedka.
Gen Maxamuud Muuse Xirsi ‘Cade’ oo xiligaas ahaa kornayl ayaa loo xilsaaray hab maamuuska marti soorka waftiga iyadoo uu uga hooseeyey Jeneral Cali Ismaaciil oo xiligaas ahaa gaashaanle, wuxuuna cali Ismaaciil uga warramay booqashadasi Dr. Saadiq Eenow oo ah taariikhyahan iyo siyaasi Soomaaliyeed.
Gen Cali Ismaaciil oo allah u naxariistee uu ka af qaaday sheekadaasi Dr. Saadiq Maxamed Axmed Eenow ayaa xusay in arrinta xiisaha leh ay ahayd in markii ay diyaariyeen halkii uu dagi lahaa Marshal Grechno oo ahayd Villa Baydhabo oo markaas dhismihiisa la dhamaystiray.
Markaas ka dib waxaa uu sheegay in uu u yimid Sarkaalki Safaaradda Ruushka ee Muqdisho u qaabilsanaa Arrimaha milatariga si uu wax uga waydiiyo halka la dajinayo ee loo diyaariyey waftiga Midowga Soofiyeeti.
Jen Cali ayaa xusay inay tuseen qolkii gaarka ahaa ee loo diyaariyey Marshal Grechko laakiin uu kala kulmay arin uusan filanayn.
Safarka waqtiga waxaa xiligaas ka dhiman waqti kooban inay yimaadan Muqdisho
“Wuxuu I waydiiyey Sarkaalkii Ruushka ahaa 'waligaa miyaa aragtay Grechko, maya ayaan ugu jawaabay' ayuu yiri ‘Jeneral Cali’ waxaana u raaciyey sida uu sheegay inuu arkay sawirkiisa isagoo fadhiya oo kaliya. Intaas ka dib wuxuu Igu yiri Grechko waa nin dheer oo xooggan mana deeqdo sariirtan. Jen. Cali wuxuu sheegay inay ka dib ay diyaareen sariir ka weyn tii markii hore” ayuu u sheegay hadalkaas Dr Saadiq Eenow.

Xigashada Sawirka, IDIL NEWS
Laba hadal oo Soomaaliya ka yiri Grechko
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Jen Cali Ismaaciil oo Taariikhdaas ugu warramay Dr Saaqid eenow ayaa xusay imaatinkiisa iyo qaabilaadii madaxda dowladda ee waftiga ka dib markii Marshal Andrei Grechno uu codsaday in la geeyo badweynta hindiya si uu ugu soo dabaasho.
Saraakiisha Soomaalida oo ay ka mid ahayen Kornayl Cadde Muuse iyo Jen Cali Ismaaciil ayaa u raacay xeebo Liido.
Wuxuu ku orday xeebta Liido Grechko wasiirkii gaashandhiga ee Midowgii Soofiyeeti intii uuusan galin biyaha badda. Markii uu cabaar dabaashay oo uu biyaha quusay oo madaxda la soo baxay ayuu si cod dhawaaqa ku yiri "NATO miyey ogtahay in maanta Marshal Grechno ku dabaalanayo Biyaha badweynta Hindiya.”ayuu yiri Jen Cali Ismaaciil oo ka tirsanaa Ciidankii Milatariga Soomaaliya.
Dr. Saadiq Eenow ayaa xusay in hadalkaasi ahaa mid uu fariin ugu dirayey Marshal Grencho dowladihii Reer galbeedka oo loolan xoogan ka dhaxeeyey.
“Hadalkan uu kor ugu dhawaaqay Marshal Grenchko waxaa ka keenay in Soomaaliya, gaar Xeebta badweynta hindiya ee uu biyaheeda lugaha galin karay ay ahayd tan Soomaaliya sababtoo ah dhamaan dalalka Badweynta Hindiya ay marto laga soo bilaabo cirifka Australia ilaa Qaarada Aasiya, ilaa bariga Afrika ilaa dhanka Carabta waxa haystay Quwadihii reer galbeedka oo awood uma lahayn inuu tago” ayuu yiri Dr Eenow.
Mar BBC-du waydiisay Dr Eenow in Dowladii Soomaalida ama saraakiisha hadalkan maqlayey ay inaba fahmeen ujeedka ayuu sheegay inaysan u sheegin sarakiishii wax dhaafsiisan inay maqlayeen kaliya.
Jen Maxmuud Muuse Xirsi ayaa mar kale u sheegay Saadiq Eenow hadalkii labaad ee ay la yaabeen ee ay ka maqleen Ninkii hogaaminayey waftigii Midowgii Soofiyeeti kaas oo ahaa ‘Soomaliya waligeed ma heli doonto xasilooni Siyaasadeed’.
Sida uu sheegay Jen Cadde Muuse wuu sababeeyey sida aysan Soomaaliya ku heli doonin isagoo ku macneeyey ilaa saddex qodob oo waaweyn.
Wasiirkii difaaca ee Midowgii Soofiyeeti ayaa xusay in tan koowaad ay tahay meesha ay ku taallo Juquraafi ahaan Soomaaliya oo diidaysa in xasisho, tan labaad oo ahayd inay Soomaaliya ay leedahay wax kasta oo aadanahu u baahan yahay oo khayraad ah iyo tan ugu danbaysay oo uu sheegay in Soomaalidu lahayn garaad ilaashada dhamaan arimahaasi oo dhan.
Marka laga soo tago hadalkaa Taariikhiga ee laga reebay wasiirkii gaashandhiga ee Midowgii Soofiyeeti booqashadiisa Soomaaliya dhamaadkii todobaataneyadii, Soomaaliya ayaa ku taala marin istaraatiijiya oo dhaca bariga Afrika, badda Cas iyo badweynta Hindiya.
Jeneral Andrei Grechko wuxuu geeriyooday 26 Abriil 1976, Sannad ka dibmarkii uu Soomaaliya yimid, waxaana xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ruushka uu go'ay laba sano ka dib xilligaas oo ku aaddanayd 1978.
















