Sida la yaabka leh ee uu ku badbaaday ninkii Ruushka u xaday sirta hubka Nukliyeerka Mareykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Agoosto 29, 1949 Markii la sameeyay bamka atomiga plutonium, RDS One, Midowga Soofiyeeti wuxuu noqday waddankii labaad ee haysta hubka nukliyeerka.
CIA-da waxay ku qiyaastay in Midowga Soofiyeeti uusan awoodin inuu helo hubka nukliyeerka ka hor 1953, laakiin Ruushka ayaa ka yaabiyay quwadaha reer galbeedka markii uu ku guuleystay tijaabinta hubka nukliyeerka 1949.
Arinta ugu yaabka badan ayaa ah in Theodore Hall oo ah saynis yahan Mareykan ah uu sidoo kale ku lug lahaa in Ruushka uu ka dhigo quwad Nukliyeer ah, kaasoo xog sir ah oo ku saabsan hubka Nukliyeerka u gudbiyay Midowga Soofiyeeti.
Waxa kale oo xaqiiqo ah in marka laga reebo Theodore Hall, qaar ka mid ah saynisyahano kale oo Maraykan ah ay sidoo kale ku wareejiyeen sirta nukliyeerka Midowga Soofiyeeti.
Su'aasha dhabta ah waxay tahay, sidee buu nin New York ku dhashay, oo Harvard wax ku bartay gaar ahaan cilmiga Nukliyeerka ku noqday basaas Midowgii Soofiyeeti u shaqeeya?
Bakhtiya nasiib ma ahayn in tijaabadii ugu horaysay ee Nukliyeerka ee Midowgii Soofiyeeti ay la mid ahayd bamkii Atoomikada ahaa ee uu Maraykanku u adeegsaday magaalada Nagasaki ee Japan bishii August 9, 1945-kii.
Naqshadeynta bamka atomikada ee Mareykanka waxaa lagu wareejiyay Midowga Soofiyeeti taas oo lagu magacaabay 'Manhattan Project'. Mashruuca Manhattan wuxuu ahaa magaca sirta ah ee barnaamijka hubka nukliyeerka ee Maraykanku abuuray isagoo kaashanaya Ingiriiska iyo Kanada.
Qarsoonaanta barnaamijka hubka nukliyeerka ayaa ahaa mid muhiim ah. Marka laga reebo dhowr iyo toban qof oo dalka oo dhan ah, qofna ma ogeyn waxa uu yahay Mashruuca Manhattan. Theodore Hall wuxuu kaloo ahaa mid ka mid ah dhowr iyo tobanka qof oo ogaa Mashruuca Manhattan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Theodore Hall wuxuu 20 Oktoobar 1925 ku dhashay New York waxaana dhalay nin ganacsade ahaa. Hooyadii waxay ahayd guri-joogto.
Inkastoo markaas ay Mareykanka ka jirtay xaalad dhaqaale oo adag hadana Theodore Hall waxa uu helay waxbarasho sare oo dhanka xisaabta iyo fiisigiska ah.
Markii uu da'diisu ahayd lix iyo toban jir, Theodore Hall waxa uu helay jaamacadda Harvard, halkaas oo uu ka qalin-jabiyay sannadkii 1944-kii.
Dadaalkiisii iyo wax qabadkiisii quruxda badnaa ee Jaamacadda Harvard, Theodore Hall ayaa waxay u horseedday in saraakiil Maraykan ah ay soo raadiyaan, kuwaas oo raadinayay dad karti u leh barnaamijkooda nukliyeerka.
Theodore Hall ayaa markii ugu horreysay waxaa wareystay saraakiil Mareykan ah oo ku sugan Shaybaadhka Los Alamos.
Sarkaalkii Maraykanka ah ee waraystay Theodore Hall kama uusan warqabin in Theodore Hall uu cidkale la shaqeeyo.
Theodore Hall waxa uu xubin ka ahaa ururka ardayda ee Marxist, saaxiibkiisna waxa uu ahaa Savile Sachs, oo uu dhalay soo galooti Ruush ah.
Savile Sachs wuxuu ku dhashay New York laakiin wuxuu ahaa shuuci. Savile Sachs wuxuu ku qanciyay Theodore Hall inuu u shaqeeyo Midowga Soofiyeeti iyo si uu ula wadaago dhammaan macluumaadka sirta ah ee ku saabsan hubka nukliyeerka iyada oo loo marinayo Savile Sachs.
Theodore Hall wuxuu ka baqay in Maraykanku oo keliya uu haysto hubka nukliyeerka.
Sirtii ugu horraysay ee saynis yahanka nukliyeerka ah ee Theodore Hall uu u soo diray Midowga Soofiyeeti isagoo ka soo qaatay Shaybaadhka Los Alamos waxay ahayd xog cusub oo ku saabsan bamka atomiga plutonium, kaas oo uu u gudbiyay Midowga Soofiyeeti isaga oo adeegsanaya saaxiibkiis Savile Sachs.

Xigashada Sawirka, LOS ALAMOS NATIONAL LABORATORY HANDOUT
Qoraal lagu daabacay The New York Times 1997, laba sano ka hor dhimashadiisa, Theodore Hall wuxuu ku sheegay inuu ka baqayay in hubka Nukliyeerka Mareykanka keliya sameysto, sidaas darteed waxa uu ka fakaray in Midowga Soofiyeetina uu sidoo kale u yeesho hubka nukliyeerka si uu u ilaaliyo dheelitirka awoodda. Waa lagama maarmaan in la haysto hubka.
Waqtigaas Midowga Soofiyeeti wuxuu ka mid ahaa xulafadii Mareykanka. Theodore Hall waxa uu yiri, “Midawga Sofiyeeti waxa ay si geesinimo leh ula dagaalameen Naasigii Hitler, waxana ay u geysteen khasaare aad u badan, waxana laga yaabaa in Midowgii Soofiyeeti uu ka badbaadiyay Xulafadii Reer Galbeedka ee jabka kala kulmi lahaa Naasigii Jarmalka.
Saraakiishii Midowgii Soofiyeeti ee uu u soo dirayay xog muhiim ah oo ku saabsan bamkii plutonium ayaa waxayTheodore Hall u yaqaaneen 'The Youngster'.
Bamka atomiga ah ee Maraykanku ku tuuray Nagasaki, Japan wuxuu ahaa plutonium, halka bamkii lagu tuuray Hiroshima uu ahaa uranium.
Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeeti waxay lahaayeen cadow isku mid ah dagaalkii labaad ee adduunka, laakiin taasi macnaheedu ma ahayn in labada waddan aanay is basaasayn.
Dhab ahaantii, sannadkii 1943, Maraykanku wuxuu bilaabay mashruuc la yiraahdo Venona oo loogu talagalay ka-hortagga basaaska ee ka dhanka ah Midowga Soofiyeeti.
Bishii Disembar 1946-kii, Mareykanka waxay ku guuleysteen inay furfuraan isgaarsiinta sirta ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Midowga Soofiyeeti.
Sababtaas awgeed, wuxuu ogaaday in basaasiinta Soofiyeedka ay sidoo kale ku jireen Mashruuca Manhattan.
Theodore Hall waxa uu shahaadadiisa PhD-da ka waday Jaamacadda Chicago sannadkii 1950-kii markii la ogaaday in uu la shaqayn jiray Moscow, wakiilada FBI-dana ay ku raad joogeen.
Saraakiisha Mareykanka ayaa xiriiro badan sameeyay si ay wax uga ogaadaan Moscow taas oo loo soo bandhigi karo caddayn ahaan, laakiin saraakiisha Mareykanka ma aysan rabin in ay u sheegaan maxkamadda in ay si fiican u akhriyeen farriimaha sirta ah ee Midowga Soofiyeeti. Tani waxay ahayd sababta uu Theodore Hall u badbaaday.
Laakiin Theodore Hall iyo xaaskiisa ayaa ka welwelsanaa badqabkooda. Theodore Hall wuxuu ka tagay shaqadiisii cilmi-baare ee cisbitaal ku yaal New York, wuxuu aqbalay shaqo loo soo bandhigay Jaamacadda Cambridge ee England, wuxuuna u guuray Ingiriiska isaga iyo xaaskiisa.
Theodore Hall waxa uu shaqada ka fadhiistay 1984 waxana uu isku dayay in uu buuq la’aan ku qaato waqtigiisa hawlgabka hase yeeshee sannadkii 1996-kii, dukumentiyo ayaa la sii daayay kuwaas oo muujinaya xiriirkii uu la lahaa Midowga Soofiyeeti, laakiin markaas dhammaan markhaatiyadii, oo uu ku jiro Savile Sachs, waa dhinteen.
Theodore Hall wuxuu u dhintay kansar 1999-kii.
















