Sirta iyo Kalgaceylka: Basaasiintii jacaylka ku badeshay siraha qarankooda

Xigashada Sawirka, BETTMANN
Shabakadda basaasiinta Portland ayaa ka mid waxyaabihii soo ifbaxay ee caanka ahaa xilliggii Dagaalkii Qaboobaa, waxay xadeen xogta nukliyeerka teknooloojiyadda ee badda Britain kuwaas u dusiyay maamulkii Soviet-ka.
Dadka sida weyn loogu xusay sheekadan waa Harry Houghton iyo Ethel Gee oo uu dhexmaray xiriir jaceyl kuwaas oo la sheegay inay xadeen xogta ciidamadda badda ee Britain.
Harry Houghton, oo ka tirsanaa shabakad si qarsoodi ah ula socota sameynta hubka ayaa markii dambe la xiray in ka badan afar jeer bishii Janauary ee sanadkii 1961 isaga iyo xubno ka tirsan shabakad sirdoon oo la yiraahdo Portland.
Waxaana la sheegay in isaga iyo xaaskiisa ay sirta u gudbin jireen sarkaal ka tirsanaan jiray laantii hore ee sirddoonka Ruushka KGB kaas oo lagu magacaabo Gordon Lonsdale.
Houghton iyo xaaskiisa Gee waxaa labadooduba lagu helay dambi ah inay waxay basaasayeen, waxaana lagu xukumay 15 sano oo xarig ah.
Wareysi lala yeeshay Ethel Gee, sanadkii 1961-kii, waxay sheegtay inay laga shakiyay 8 sano ka hor markii seygeeda uu bilaabay safar joogto ah in uu ku yimaado magaalada London.
Waxay sheegtay in mar qaaday bashkhad ay lacag ku jirtay uu isagu lahaa, waxay daadisay lacagtii, waxay markii soo uruurineysay lacagta ay ku dhex aragtay warqado ay ku qoran yihiin 'sirta xooggan'
'Hadalka kasoo baxay xaaskiisa'
Markii ay wax ka weydisay Houghton kamirada yar ee ku dhex qariyay guriga ay sheegtay in uu xanaaqay.
Ethel Gee waxay isku dayday inay la xiriito dadkii uu la shaqeyn jiray ee madaxda u ahaa sanadkii 1956 in seygeeda uu macluumaad sir ah u gudbinayay dad aysan habbooneyn in loo gudbiyo.
Farrinteeda wuxuu gaaray laanta sirdoonka Ingiriiska ee UK MI5 balse waxbo kama aysan soo qaadin.

Xigashada Sawirka, KEYSTONE
Waxay ogaadeen in Houghton ay kala tageen xaaskiisa isla markaana xaaskiisa Gee ay bunbuniso eedeymo ka dhan ah isaga.
Mid kamid ah saraakiisha ayaa sheegay in sheekada ay u muuqato inay ka dambeyso maseyr iyo muran ay waddo xaaska.
Wuxuu fadhigiisu ahaa safaaradda Ingiriiska ee Warsaw ee Poland sanadkii 1952-waana xilliggii uu bilaabay xog sir ah uu ka iibiyo sirdoonkii Poland.
Waxay usoo marsiin jireen sirdoonkii Ruushka ee KGB marka uu kusoo laabto Ingiriiska.
Markii la dhageystay dacwadda Houghton, E.M Furnival Jones oo ka tirsanaa MI5 ayaa sheegay inay baareen war horey soo gaaray oo ku saabsan arrintani.
"Haddii ay jiri laheyd fursad aan ku ogaaneyno macluumaad ku saabsan inay maamuli jireen koox sirdoon ah...waxay aheyd in aan joojinno warka laisku dusinayay...afar sano ka hor"
Sirdoonka Ingiriiska ayaa iska dhaga tiray macluumaad ku saabsan 'baasasnimadii' ugu weyneyd ee lasoo tebiyay xilliggi dagaalkii qaboobaa taas oo uu sheegay inay ka timid haweeney maseyrsan oo laga tagey, sida lagu sheegay xog ay sanadkii 2019-ka soo bandhigeen sirdoonka MI5.











