Sida ay isu waafaqeen xaqiiqda iyo khiyaaligii sirdoonka ee Le Carré

John le Carré
Qoraalka sawirka, Le Carré wuxuu si buuxda u ilaalinayay runta ku saabsan waqtigii uu ka tirsanaa sirdoonka Britain

Qoraal uu Twitterka soo dhigay madaxa sirdoonka milatariga Britain, oo uu uga tacsiyeynayay geerida qoraagii arrimaha sirdoonka, John le Carré, kuna ammaanayay shaqadii uu soo qabtay, waxaa dhoollacaddeyn ay murugo ku dheehan tahay uga falcelin lahaa ninka geeriyooday laftiisa haddii isagoo nool ammaantaasoo kale loo jeedin lahaa. Xiriirkii ka dhaxeeyay qoraagaas iyo dadkii ay horay iskula shaqeyn jireen wuxuu mar walba ahaa mid aan hagaagsaneyn - sidaasoo kalena waxaa la mid ahaa fikirka ay ka aaminsanaayeen.

John le Carré wuxuu geeriyooday 12-kii bishan December.

Xirfaddii qoraanimo ee Le Carré waxay ku dhisantay khibraddii uu helay xilligii uu ka tirsanaa laanta sirdoonka. Xitaa sheekooyinkii male'awaalka ahaa ee uu ka qoray arrimaha basaaska waxay dunida kale u muujiyeen habka uu u shaqeeyo sirdoonka Britain, oo ay ka mid tahay sida dadka jaajuusiinta ah laftooda ay uga hadlaan arrimahooda.

Dadka buugaagta qora waxay sheekooyinkooda ku saleeyaan nolosha dhabta ah, laakiin maadaama le Carré ay khibraddiisa oo dhan ku saabsaneyd arrimo sir ah oo aan toos loo sheegi karin - xilliga uu shaqada basaasnimada ah hayayna ay jireen waxyaabo badan oo sir ah - wuxuu isku dhex dari jiray waxyaabo khiyaali ah iyo kuwo dhab ah oo aan marna la kala saari karin wixii run ka ah iyo wixii male'awaal ka ah.

Dad badan waxay mucjiso u arkayeen qaabka uu u fakaro iyo waxyaabaha uu aaminsan yahay.

Waxaa suuragal ah in qoraagan uu sheekooyin badan oo khiyaali ah ka sameeyay xilligii uu ka soo shaqeeyay laamaha sirdoonka milatariga Britain ee MI5 iyo MI6, balse wuxuu mar walba ilaalin jiray xaqiiqooyinka dhabta ah si uusan arrimo sir ah u faafinin.

"Waxaa xasuuso iskhilaafsan ka heystaa shaqadeydii hore, mararka qaarna aniga qudheyda ayaa ku wareera waxyaabaha aan aaminsanahay," ayuu yidhi mar uu la hadlay wariye ka tirsan BBC-da.

Wuxuu intaas ku daray: "Waan ku faraxsanahay in cidna aysan ilaa hadda igu eedeynin inaan dibadda soo dhigay arrimo xaqiiq ah oo la xiriira shaqada sirdoonka."

Xilliga uu ninkan oo magaciisa dhabta ah uu yahay David Cornwell kasoo shaqeynayay sirdoonka Britain wuxuu ahaa waqti aad u cakiran oo dunida uu ka jiray jahwareer badan.

Khiyaano iyo labo-wajiilenimo

Dad badan oo khiyaano qaran sameeyay ama bixiyay xogta sirdoonka ayaa mid mid loo fashilay.

"Tababarkeyga ma uusan si fiican u dhammaanin markii George Blake, oo muddo dheer ahaa nin lagu kalsoonyahay la ogaaday inuu jaajuus u ahaa Ruushka," ayuu hadda ka hor yidhi le Carré.

Fashilitaankii khiyaanoole kale oo ku jiray Sirdoonka Britain, oo lagu magacaabi jiray Kim Philby, ayaa le Carré ku dhiirrigaliyay inuu ku guuleysto qoritaanka buugaagtiisii ugu caansanaa ee uu ku kala magacaabay "the Tinker, Tailor, Soldier iyo Spy trilogy".

Kim Philby

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dadkii labo wajiileyaasha ahaa ee la ogaaday - sida Kim Philby - ayuu Le Carré ka qoray sheekooyin cajiib ah

Shaqadiisa qoraanimo wuxuu diiradda ku saaray khiyaanooyinkii dhinaca sirdoonka ee dhacay xilligii uu socday dagaalkii qaboobaa ee adduunka.

Dadka qaar waxay sheegaan in uu luuqadda ingiriiska kusoo daray qaar ka mid ah erayada loo adeegsado arrimaha sirdoonka, sida "mole" oo lagu qeexo qofka sida tartiib tartiibta ah sare ugu kaca darajooyinka dhinaca basaasnimada.

Erayada uu soo hidnisay waxaa aad u adeegsan jiray dadka sirdoonka ka shaqeeya laftooda.

Hase yeeshee, wareysi uu bixiyay sanadkii 1976-kii ayuu le Carre ku sheegay in uusan isagu soo hindisin erayga "mole", balse uu yahay eray ka yimid laantii sirdoonka ee Midowgii Soviet, oo magaceeda loo soo gaabiyo KGB.

Kooxda CIA-da Mareykanka ee sida gaarka ah uga shaqeysa arrimaha ka dhanka ah Moscow ayaa muddo sannado badan ah loo yaqaannay magaca "Russia House" ama (Guriga Ruushka), magacaasna waxaa laga soo minguuriyay buug isla magacaas loo bixiyay oo uu le Carre qoray sanadkii 1989-kii.

Alec Guinness as George Smiley in Smiley's People
Qoraalka sawirka, Le Carré wuxuu wax ka qoray jaajuusiin labo wajiileyaal ahaa, sida George Smiley, oo magaciisa dhabta ah uu ahaa Alec Guinness

Sir Richard Dearlove, oo horay usoo noqday madixii laanta sirdoonka milatariga Britain ee MI6, ayaa dhowr sano ka hor ku dhaliilay le Carré inuu yahay nin aragtiyihiisa ay ka muuqato cuqdad.

Laakiin qoraagu wuxuu hadalkaas ku tilmaamay mid suuqa looga xirayay buug uu markaas soo saarayay.

Khiyaaliga jaajuusiinta

sannadihii ugu dambeeyay, hayadaha sirdoonka waxay noqdeen kuwo aan inta badan howshooda qarsoodi ka dhigin, iyagoo iska fogeeya magacyada khiyaaliga ah ee ay adeegsadaan, maadaama ay raadinayaan inay taas baddalkeeda shaqadooda xaqiiqda ku saleeyaan.

"Sida aan khubraddeyda ku arkay, way kala duwan yihiin xaqiiqda iyo khiyaaliga, waa inaan la isku khaldin," ayuu BBC-da ku yidhi Sir John Scarlett, oo horay usoo noqday madaxa laanta sirdoonka milataiga Britain ee MI6, kaddib markii uu maqlay geerida qoraaga.

Le Carré qudhiisa wuu ogaa in khiyaaligii uu male'awaali jiray uu sii huriyay quraafaadka ay adeegsadaan jaajuusiinta, mararka qaarna wuxuu sheegi jiray hadallo arrintaas ka hor imaanaya.