Jaajuusnimada: Shukaansiga ragga Mareykanka iyo haweenka quruxda badan ee sirdoonka Ruushka ah

Xigashada Sawirka, FACEBOOK/ MARIA BUTINA
Waa haween aad u qurxoon badan waxayna soo jiiteen dad badan, balse waxaa lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen howlgallo qarsoodi ah.
Waxay xiriir la yeesheen rag kala duwan oo ku sugan Mareykanka, balse wuxuu hadafkeedu ugu weyn ahaa in xog sir ah ay ka soo uruuriyaan arrimaha ku saabsan qorsheyaasha waaweyn ee dowladda Mareykanka, si Ruushka uu ula socdo waxa ka socda guud ahaan Mareykanka.
Intooda badan waxay ku noolaayeen Ruushka sanado badan, xitaa qaarkood waxaa lagu guursaday halkaas, waxayna si toos ah u dhexgaleen bulshada si ay Mareykanka u basaasaan.
Waxaa in muddo ah taagnaa shaki ah in sirddoonka Ruushka ay howlgal qarsoodi ah ka fuliyaan Mareykanka iyo meelo kale oo ka tirsan caalamka - Mareykanka wuxuu rumeysan yahay in arrintaas aanay guuleysan doonin.
Qaar ka mid ah howgallada waxaa fulinayay haween sirddoon ah oo uu soo tababaray Ruushka kuwaas oo loo diro magaalooyinka Mareykanka si ay uga dhex milmaan bulshada Mareykanka oo ay u basasaan laamaha kala duwan ee dowladda.
Sanadihii la soo dhaafay, sirdoonka Mareykanka waxaa u suurogshay inay kala dhantaalaan shabakadaha sirddoonka ah ee Ruushka ee ka howlgalaya dalkaas, ee Moscow uga soo safray arrin jeceyl darteed, laakiin waa koox ku lug leh howlgal lagu raadinayo xog sir ah.
Maria Butina
Bishii July ee sannadkii 2018-kii, dowladda Mareykanka waxay shaacisay in la xiray haweeney u dhalatay Ruushka oo 29 sano jir ah, oo lagu magacaabo Maria Butina.
Waxaana lagu eedeeyay inay la shaqeyneysay dowladda Ruushka, isla markaana hadafkeedu ahaa in ay dhexgasho xisbiyada siyaasadda ee Mareykanka si ay u hesho xog horseedi karta in faragelin lagu sameeyo doorashada.

Xigashada Sawirka, MARIA BUTINA/FACEBOOK
Maria Butina waxay iska dhigeysay in xiriir dhaw ay la laheyd xisbiga Jamhuuriga ayna u doodeysay xuquuqda lahaanshaha qoriga, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka.
Waxaa lagu eedeeyay in si toos ah ay ula shaqeyneysay saraakiil sare oo ka tirsan aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin-ka.
Qareenkeeda ayaa ku dooday in Maria Butina aysan aheyn qof jaajuus ah, balse ay aheyd ardayad baratay cilmiga xiriirka caalamiga ah.
Waxay beenisay in ay xiriir la laheyd dowladda Ruushka.
Anna Chapman
Bishii July sannadkii 2010-kii, sirdoonka Mareykanka waxay xireen 10 qof oo lagu eedeeyay in ay jaajuus u yihiin Ruushka. Waxaa dadkaas lagu daba joogay muddo 10 sano ah.
Waxaa ka mid ah dadkaas la xiray gabadh aad u qurux badan oo si weyn sawirradeeda ay u hadal hayeen wargeysada caalamka. Dad badan waxay doonayeen in ay wax ka ogaadaan arrinta gabadhaas.

Waxaa lagu magacaabaa Anna Chapman oo 28 sano jir aheyd.
Magaceeda saxda ah waa Anna Kushchenko, waana gabadh uu dhalay mid ka mid ah diblumaasiyiinta ugu awoodda badan Ruushka.
Waxay waxbarasheeda ku soo qaadatay magaalooyinka Volgograd iyo Moscow.
Waxaa la sheegay in ay ku nooleyd dalka Britain, muddo shan sano ah oo ay ka shaqeyneysay waaxda maaliyadda, waxay guursatay nin u dhashay UK, oo ay is qabeen 2002 ilaa 2005.
Ninkii guursaday gabadhan, Alex Chapman, ayaa shaaca ka qaaday in xaaskiisa ay u sheegtay in aabaheed uu ka tirsanaan jiray laantii hore ee sirddoonka Ruushka ee KGB.











