Maxaa ka jira in 'nolol iyo geeri' lagu la'a yahay askarta dowladda ee Cowsweyne?
Maxaa ka jira in 'nolol iyo geeri' lagu la'a yahay askarta dowladda ee Cowsweyne?
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday xero ciidan oo ku taal meel u dhow Ceelbuur oo Cosweyne la yiraa. Xeradan ayaa la dejiyay ciidamada dagaalka kula jira kooxda ee ka socda gobolka Galgaduud. Al-Shabaab waxay faafisay muuqalo muujinaya inay khasaaro weyn ay u geystay ciidamada dowladda.
Waxaa sidoo kale soo baxay warar sheegaya in nolol iyo geeri ba lagu la'a yahay qaar ka mid ah ciidamada dowladda ee ku sugnaa xerada la weeraray ee Cowsweyne.
Haddaba, maxaa ka jira arrimahaas, yaa se hadda gacanta ku haya Cowsweyne. Waxaa ka jawaabaya wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yusuf 'Cadaala' oo u waramay tifaftiraha BBC Somali Muxyadiin Rooble.