Waa kuma horjoogaha Al-Shabaab ee markuu dowladda isku soo dhiibay ay doodda ka dhalatay

Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur oo muddo dheer ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa shalay isu soo dhiibay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug

Xigashada Sawirka, SNTV

Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur oo muddo dheer ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa shalay isu soo dhiibay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ee sugan Wisil.

Bogga Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka dib markii uu soo baxay warkan shalay lagu la soo dhigay qoraalkan:

“Horjooge Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur oo ugu sareeyey Khawaarijta joogta Gobolka Mudug ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug. Horjoogahaan oo watay Gaari nooca raaxada ah iyo Qori AK-47 ah ayaa ka yimid duurka degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, waxaana hadda lagu hayaa degmada Wisil.”

“Wasiirka Arimaha Gudaha XFS Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa ku sugnaa goobtii maanta lagu soo bandhigay horjoogaha.”

Dambiyada loo haysto inuu soo maleegay

Dambiyada loo haysto inuu soo maleegay

Xigashada Sawirka, PSF

Nuur oo la sheegay inuu Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Mudug ayaa waxaa loo haystaa gabood-fallo ka dhacay gobolka.

War kasoo baxay Taliska ciidamada PSF Puntland, ayaa lagu sheegay in Nuur Cabdullaahi Maalinguur oo ah wakiilkii Al-Shabaab u qaabilsanaa gobalka Mudug uuna ka dambeeyay shirqoolo badan oo lagu dilay haldoor iyo masuuliyiin sare oo dawladeed.

PSF ayaa sheegtay in dadka ku dhintay shirqoolka Maalinguur ay ka mid ahaayeen Guddoomiyihii hore ee gobalka Mudug, Taliyihii qeybta 21aad ee ciidamada xoogga dalka, iyo duqii hore ee Gaalkacyo oo lagu dilay qaraxyo ka dhacay Gaalkacyo.

Taliska PSF ayaa sidoo kale soo jeediyay in Nuur Maalinguur la horkeeno cadaaladda si loogu ciqaabo dilalkii haldoorka.

Waa kuma Nuur Deeq?

Ninkaan waayo badan ayuu kasoo tirsanaa madaxda ugu sareysa kooxda, wuxuuna ka howl-geli jiray koonfurta gobolka Mudug iyo bariga gobolka Galgaduud.

Wuxuu ka mid yahay shaqsiyaad xil ka hayey Al Shabaab oo dawladda Soomaaliya ay baadigoobaysay.

Wararka qaar waxay sheegayaan in uu dadka ugu yeeri jiray inay yimaadaan degmada Xaradheere, halka qaarna uu telefoonno ku weydiin jiray inay u hogaansamaan amarro uu siinayey.

Wuxuu da' ahaan Nuur ku jiraa qiyaastii dabayaaqada afartameeyada ama horraanta kontomeeyada

Sida uu BBC u sheegay Xildhibaan Cabdiladiif Sanyare, Nuur Deeq waa nin markiisi hore ganacsade ahaa, ka hor intii uusan ku biirin Al Shabaab, qoys ahaanna ka soo jeeda qoys magaalada Gaalkacyo caan ka ah oo la yiraahdo "reer Maalinguur".

Maxay tahay hadal haynta ka dhalatay ninkan dowladda isku soo dhiibay ee al-shabab ka tirsanaa?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Baraha bulshada ee ay Soomaalida ku wada xiriirto ayaa waxaa tan iyo shalay qabsaday Nuur-deeq Cabudullaah oo Al-Shabab u qaabilsanaa gobolka Mudug ee isku soo dhiibay dowladda ka dib markii qaar ka mid ah xilldhibaano ay isku heyb yihiin ay bartooda Facebook soo dhigeen qoraallo ay taageero ugu muujinayaan Nuur.

Fecabook-ga Xildhibaan Qaali Shire ayaa lagu daabaacay qoraalka: “Nuur-deeq kama xuma kuwo boqolaal laayey ee hadana xilal dowladda ka haya, caadi iska dhiga, isaga iyo Allaah ayaa ku xisaabtamaya, dowladuna cafis ayey u fidin doontaa, halkaan xabaa nooga jiray, isagana waan soo xareynay”.

Dhanka kale Guddoomiye Seynab Xaabsay ayaa barteeda Facebook ku soo qortay “Ma isla soconaa? Waxaa yimid maandheere, soo dhawaaw mudane soo dhawaaw. Inta maangaabka ahna warkooda waa in bartooda loogu tago hadii kale noqda maandheerayaal gacan save ahna soo gala, dalkaan mudo yar kadib waa wada save inshaallah.”

In kastoo Xildhibaan Qaali muuqaal ay soo dhigtay barteed Facebook ay ku sheegtay in laga jabsaday Facebook-geeda qoraalkaana uusan ka turjumeyn aragtideeda.

Sidoo kale waxay dadku aad u dhaliilayeen sawirradii ay Nuur la soo galeen wasiir Fiqi iyo Xildhibaan Cagaweyne oo ay isku hayb yihiin.

Qoraalka Codka, Xildhibaan Cabdiladiif Sanyare oo ka hadlaya sarkaalkii Al Shabaab ka soo goostay

Xildhibaan C/ladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo la dhashay guddoomiyihii gobolka Mudug ee la dilay, Axmed Muuse Nuur, wuxuu sheegay in ninkaas uu ahaa nin jariimooyin gaystay.

"Markii hore wuxuu ka shaqaynayey isku dirka Waqoyiga iyo koofurta Gaalkacyo isagoo ganacsade ah, markii dambena wuu caddaystay Shabaabnimada, wuxuuna qayb ka ahaa dagaalladii Wisil iyo qaraxyadii ka dhacay, odayaal ayaana gudaha u joogay isna lacagaha ayuu guri jiray" ayuu yiri Sanyare.

Wuxuu ka digay in aan lagu "kadsoomin" in la soo dhoweeyo qof aan ahayn wiil yar oo soo goostay. "Ninkan waa nin weyn, waana nin macluumaad badan haya. dad baaritaanka aad u yaqaanna waa in ay baaraan" ayuu raaciyey xildhibaanka oo la hadlayey BBC.

Wasiirka Arrimaha dibadda, Axmed Macallin Fiqi oo sawirka uu la galay uu muran xoog leh dhaliyey isna wuxuu meesha ka saaray sheekooyinka baraha bulshada. "Ninkaas wuxu ahaa nin abaabula dagaallo badan oo lagu hoobtay oo ka dhacay Mudug iyo Galgaduud, Xiriir socday 10kii maalmood ee la soo dhaafay oo ay la wadeen saraakiisha iyo maamulka Wisil ayuu shalay isku soo dhiibay ciidanka dawladda, wuxuuna haadda ku jiraa gacanta dawladda" ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wuxuu intaa raaciyey in uu ka faa'iidaystay cafiska madaxweynaha, lana marsiiyo hanaanka la mariyo saraakiisha ka soo goosata Al Shabaab.