Maxaa ka jira in al-Shabaab ay go'doomisay Baydhabo?

Magaalada Baydhabo

Wararkaka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ururka al-Shabaab ay muddo lix maalmood ah u xayiran yihiin badeecadaha ganacsi ee maamul-goboleedka Koonfur Galbeed ee gaari jirey magaalada Baydhabo.

Badeecadaha ayaa waxaa ka mid ah raashiinka iyo shidaalka Koonfur Galbeed ee gaari jirey magaaladaas.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay la xiriirto kaddib markii maamulka Koonfur Galbeed uu xirxiray ganacsato iyo maamulayaal iskuul oo uu sheegay inay macaamil la sameeyeen ururka Alshabaab.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa wacad ku maray in ay sharciga la tiigsan doonaan cid kasta oo ka amar qaadata kooxda Al-Shabaab.

Go’doomintan ayaa dadka ku nool Baydhabo ka dhigtay in ay waayaan sahay muhiim ah muddo ku dhow toddobaad.

Hase yeeshee Dawlad Gobolleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in laga badbadiyay wararka sheegaya in al-Shabaab ay go’doomiyeen magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku meel gaarka ah ee maamulkooda.

nool yahay xaalkeeda waa fiican yahay wax dhib ahna kama jiraan,” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka ee Koonfur Galbeed Xasan Cabdiqaadir Maxamed

Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Koonfur Galbeed

“Baydhabo markii horeba ma furneyn oo go’doon ayay ahayd, Baydhabo iska dhaafe gobollada dhan oo ay reer Koonfur Galbeed ay deggan yihiinba go’doon ayay iska ahaayeen, waad ogtahay gobolka Bakool degmo degmo u gudbi jirtay ma jirin, gobolka Shabeellada Hoose la mid waaye marka baltilmaameed gaar ah oo ay kooxda Al-shabaab ku haysay ayaa jiray ee wax cusub ma ahan laakiin wax la buubuuniyay oo dad farabadan oo hormarka Koonfur Galbeed ka xun, Shabaabka in lala diriro ka xun oo ay ka mid yihiin dadka aaminsan fikirka shabaabka ayaa arrinkaas buubuuniyay laakiin magaalada waa iska caadi, waa lagu nool yahay xaalkeeda waa fiican yahay wax dhib ahna kama jiraan,” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka ee Koonfur Galbeed Xasan Cabdiqaadir Maxamed oo BBC la hadlay.

Dawladda ayaa dhawaan ku celisay go’aan ahaa inaan waxa xiriir ah, nooc kasta uu yahay lala samayn karin al-Shabaab, wasiir Xasan ayaana sheegay in tallaabadaas aysan ahayn wax cusub oo ay keligood gaareen.

“Guud ahaan dowladda Soomaaliyeed ayaa go’aankaas gaartay inaan Shabaab lala macaamili karin in aan loo caddaalad doonin karin, inaan dhaqaale la siin karin in shababaab la iska dhiciyo marka arrintan waxay la xiriirtaa go’aannadaas un.”

Maamulka ayaa wacad ku maray in ay kordhinayaan dadaallada lagu sugayo amniga Baydhabo iyo in dib loo furo khadadka saadka ee gargaarka bini’aadantinimo.

Dhanka kale arrintan ayaa waxaa ka falceliyay qaar ka mid ah xidhibaannada dowladda Federaalka ee laga soo doorto Koonfur Galbeed.

"Qoladan tabarta daran ee tacbaanka ah inay maanta shacabkii Soomaaliyeed dhibaato intaa la’eg u geystaan looma dul qaadan karo maanta beydhabo galaas caano ah lama geyn karo, caruurtii baa dhiban, dadkii waaweynaa ayaan heli karin caano dowladda Soomaaliya ayaana dayacaday waxaana qaadi doonaa tallaabo cad," ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa xildhibaannada shirka jaraa’id qabatay.

Maxay dowldda Federaalka ka tiri go’doominta Baydhabo?

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa qoraal kooban shalay ka soo saaray go’doon ay Al-Shabaab geliyeen magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Soomaaliya

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa qoraal kooban shalay ka soo saaray go’doon ay al-Shabaab geliyeen magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Agaasime Xuseen ayaa sheegay inuu xanuunka la qeybsanayo shacabka magaalada Baydhaba oo go’doon adag kala kulmaya kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan xanuunka la wadaagayaa shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee go’doominta arxan darada ah ay ku hayaan Al-Shabaab,” ayuu yiri Agaasime Xuseen Sheekh.

Wuxuu sheegay in kooxdaas ay dagaal ba’an kula jirto shacabka Soomaaliyeed, “waxay tani marag madoon u tahay in dadaallada ay hormuudka ka tahay DFS ay kooxdaasi ku dabar go’i doonto,” ayuu yiri.

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya oo qoraalkaan soo dhigay bartiisa twitterka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dagaalka al-Shabaab ay u midoobaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dedejineyso dagaalka kooxda looga xoreynayo dalka, taas oo sahli doonta in laga dulqaado dadka ay ku go’doomiyeen gobollada dalka.

“Waxaan u soo jeedinayaa shacab weynaha dalkeena in ay u midoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen kooxdaan, DFS waxay xaqiijinaysaa dardar gelinta howlgallada ciidan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, lagana xoreynayo kuwa ku hoos jira arxan daradooda,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Agaasime Xuseen Sheekh Maxamuud.