Dhacdooyin ay ka argagexeen Soomaalidu

Nin wata masaar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dilalka iyo falalka argagaxa leh ayaa kusoo badanayey bulshada Soomaalida, waxaana Mudooyinkii u dambeeyay dhacay dhacdooyin dhowr ah oo aan hore loo arag ama dhif ku ahaa bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan soo aruurinay qaar ka mid ah kuwii u dambeeyay ee ka dhacay geyiga Soomaalida, kuwaas oo argagax iyo amakaag ku riday bulshada Soomaaliyeed.

Nin ilmo uu abti u yahay qoorta gaga jaray masaar

Fal ay si weyn uga argagaxeen dad badan ayaa dhawaan ka dhacay xerada qaxootiga ee Xagardheer oo ka tirsan xeryaha qoxootiga Dadab ee dalka Kenya, kaddib markii nin dhalinyaro ah uu masaar/gudin ku dilay wiil yar oo uu abti u yahay, isagoo si xun u dhaawacay walaashii oo ah hooyada dhashay wiilka yar.

Weerarkaas waxaa sidoo kale ku dhintay ilmo ay caloosha ku sidday gabadha dhaawaca ah. Qoyska wiilkaas ayaa sheegay in todobaadyo ka hor laga soo daayay xabsi balse aanay ku ogeyn xanuun dhanka maskaxda ah oo uu caadi ahaa.

"Wiilka xanuun kuma ogeyn, cuqdad iyo xumaato u dhaxaysay isaga iyo gabadhana ma jirin, iyaga oo sheekaysanaya ayaan ka tagay , dhibaatada oo dhcdayna waan imid" ayey tiri Maryan Cabdi xuseen oo ah hooyada dhashay wiilka wax dilay iyo gabadhaba.

Maryan Cabdi Xuseen, mar ay BBC la hadleysay waxay sheegtay in uu xabsiga ka soo laabtay wiilkeedu “isaga oo si kale ah” waxay sheegtay in uu iyada qudheeda uu dhaaranayey oo ay ka dhuumanaysay ka horta inta aysan boolisku gacanta ku dhigin.

“Hadda anuu ii dhaaranayey, wuxuu dhahay (maamada iyo wiil saddex jir ah oo gabadheedu dhashay iyo gabar kale oo mar curatay oo cunug haysata markaan gowraco ayaan anigana is qalayaa) ayuu dad ugu sheekaynayey,” ayey tiri Maryan oo ka hadleysay haddllo laga sheegay wiilkeeda wax dilay oo weli u sii hanjabaya dad kale, waxayna qabtaa in aan la sii deyn si aanu dad kale u galaafan.

Waxay hooyadani sheegtay in markii hore loo xiray wiilkeeda dad uu wax ka xaday.

Masaar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Wiilka dilka geystay ayaa weli usii hanjabaya dad ay hooyadiis ka mid tahay

Wiil hooyadiis gowracay

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose waxaa bishii aan soo dhaafnay ee Juun ka dhacay fal argagax leh oo ay ka gilgisheen shacabka magaalada.

Wiil ayaa hooyadiis ku gowracay xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo. Waxaa la sheegay in hooyadani ay wiilka ka keentay qurbaha sababo la xiriira dhaqan celis, wuxuuna bireeyay hooyadii isaga dhashay.

Sawirro lagu baahiyey baraha bulshada ayaa tilmaamaya in qofka falka geystay aanu ahayn wiil yar ee uu yahay nin weyn. Inkasta oo shaki laga muujiyey in uu qabay xanuun dhimirka ah haddana ma jirin wax noo xaqiijiyey sugnaanshaha tuhunkan, waxaana dabcan keenay shakiga in uu maskaxda dhibaato ka qabo, falka oo ah mid arxan darro ah oo aan laga fileyn in uu qof miyir qaba hooyadiis u geysto.

Wiilka ayey markii dambe boolisku gacanta ku dhigeen waxayna xilligaas sheegeen in lagu hayo baaritaan ku aaddan caafimaadkiisa maskaxeed.

Aabaha dhalay wiilka laga jaray xubinka taranka uu dul taagan wiilkiisa oo ku sugan isbitaalka

Xigashada Sawirka, QOYSKA WIILKA DHIBAATADU GAARTAY

Qoraalka sawirka, Aabaha dhalay wiilka laga jaray xubinka taranka oo dul taagan wiilkiisa oo ku sugan isbitaalka

Nin, Wiil yar ka jaray xubinka taranka

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bishii May, booliska dowlad deegaanka Soomaalida ayaa xiray nin la sheegay in uu ku eedeysan yahay dhaawac loo geystay wiil yar oo carruur ah. Ninkan oo magaciisa iyo tilmaamihiisa gaarka ah la qariyay ayaa la qabtay kadib markii la weeraray wiil yar, kaas oo si xoog ah xubinta taranka lagaga jaray. Falkan ayaa ka dhacay degmada Danood ee gobolka Doolo.

Aabbaha dhalay wiilka oo la yiraahdo Maxamed Cabdullaahi Xaydh wuxuu BBC u sheegay in ninka falka gaystay uu yimid guriga xilli ay isaga iyo xaaskiisaba maqnaayeen.

"Guriga oo cidlo ah, oo aan aniga iyo wiilka hooyadii maqannahay ayuu qofkaas guriga yimid. Gabar yar oo 5 jir ah oo wiilka u qubaynaysay ayuu weydiiyey in aan joogo, markii ay u sheegtay in aan maqanahayna middi afweyn ayuu cunugga oo loo qubaynayey kaga jaray xiniinyaha" ayuu yiri Maxamed Cabdulaahi Xaydh.

"Mar labaad ayuu middida ka geliyey kellida. Xiidmihii iyo calooshii ayaa isa soo shubay. Anigu suuqa ayaan ka soo maqlay qaylo ka baxaysa guriga iyo dumar barooranaya" ayuu sii raaciyey.

Ninka weerarka gaystay oo ay boolisku gacanta ku dhigeen ayaa wiilka ka weeraray xiniinyaha iyo kellida. "Caloosha hadda waa lagu celiyey" sida uu sheegay aabaha wiilka Maxamed C/laahi Xaydh.

Nin bireeyay gabar lix jir ah

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa bishii Juun gacanta ku dhigay nin magaalada Muqdisho ku bireeyay gabar 6 jir ahayd.

Taliska ayaa qoraal ku sheegay in Ciidanka Saldhigga Booliska Degmada Yaaqshiid ay gacanta ku soo dhigeen ninkaasi, oo ay ehel ahaayeen gabadha yar.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in booliska loo gaarsiiyey in ninkaasi uu dhimirka la’yahay, balse ay baarayaan.

“Gacan ku dhiiglaha ayaa la sheegay in madaxa looga jiro, waxaana ku socda baaris.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.

Cabdullaahi Yuusuf Sheekh Axmed ayay xubnaha qoysku sheegeen in uu Anisa Iidle Sheekh Axmed ku gowracay hoygooda oo ku yaala deegaanka Daarusalaam ee Degmada Yaaqshiid.

Iidle Sheekh Axmed oo ah aabaha dhalay Anisa ayaa sheegay in uu adeer u yahay Cabdullaahi Yuusuf, isagoona xaqiijiyay inuu yahay nin madaxa looga jiro.

Cabdullaahi Yuusuf oo da’diisa lagu sheegay 26 jir ayaa dhacdadaasi ka dib ka baxsaday goobta, inkastoo maalin ka dib ay ciidamadu ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan.

mindi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Haweenay ninkeeda ka goysay xubinka taranka

Kow iyo tobankii bishan Luulyo waxaa degmada waaberi ee magaalada Muqdisho ka dhacday arrin iyaduna argagax iyo layaabba leh, taas oo ah gabar ninkeeda ka jartay xubinka taranka.

Gabadha ninkeeda ka goysay xubinka taranka ayaa la sheegay in ay sidan samaysay kadib markii ay ka maseertay xaas kale oo lala guursaday.

BBC ma xaqiijin karto in booliska lala wadaagay dhacdadan iyo in kale, Waxaanse ka xigannay xogtan baraha bulshada. Waxay wararku sheegayaan in arrintaas si hoose loo xalliyay.

Wiilka dhibaatadu soo gaartay ayaa isbitaalka loola cararay halkaas oo lagu dabiibay.

Dhacdooyinka argagaxa leh ayaa si guud ugu soo batay caalamka, si gaar ahna waxaa bulshada Soomaaliyeed kusoo badanayey falalka iyo dilalka aan hore looga baran in ay geystaan dadka caadiga ah, kuwanina waa kaliya qaar ka mid ah kuwii dhacay saddexdii bilood ee u dambveeyay.