War hor leh oo ka soo kordhay wiilkii yaraa ee xubinta taranka laga jaray

Wiilka yar ayaa maray ilaa saddex qaliin si loo dabiibo

Xigashada Sawirka, Qoyska dhalay wiilka

Qoraalka sawirka, Wiilka yar ayaa maray ilaa saddex qaliin si loo dabiibo

Waxaa dhawaan la xukumay nin ku eedaysnaa in uu xubinka taranka wiil yar kaga jaray degmada Danood ee gobolka Doolo ee dawlad deegaanka Soomaalida bishii May.

Ninkan oo tan iyo marka uu falka geystay ku jiray gacanta booliska ayey maxkamad ku taal magaalada Wardheer bishii Juun ku xukuntay 15 sano oo xarig ah kadib markii lagu helay dembigii uu ku eedaysnaa.

Balse aabaha dhalay wiilka yar ee dhibaatadu gaartay, Maxamed Cabdullaahi Xaydh oo BBC la hadlay ayaa ka warramay dareenkiisa maxkamadda iyo xaaladda wiilkiisa ee hadda.

Aabbahan oo aan weydiinnay dareekiinsa ku aaddan xukunka ay maxkamaddu ku riday qofka wiilkiisa dhibaatada u geystay ayaa sheegay in uusan ku qanacsanayn xukunka. ''kuma qanacsani xukunka ninkan lagu riday'' ayuu yiri Maxamed.

"Waxaan ku idhi anigu ma aqbalin mana yeelayo ee haddi ay cadaaladi jirtu ninkaa xabsi daa'in hala iig xukumo," ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Xaydh, aabaha dhalay wiilka laga gooyaya xubinka taranka.

"Waxaa la igu yiri hawshani waa hawl dawladeed, adiga way kaa madax bannaan tahay, dawladdaa xaqeeda ka oofsanaysa," ayuu yiri Maxamed oo ka warramaya jawaabta uu ka helay maxkamadda ka dib markii uu gudbiyey cabashadiisa ku aaddan xukunka

Ninkan dhibka geystay oo magaciisa iyo tilmaamihiisa gaarka ahba la qariyay ayaa la qabtay kadib markii uu weeraray wiil yar, kaas oo si xoog ah xubinta taranka uu uga gooyay. Falkan ayaa ka dhacay degmada Danood ee gobolka Doolo.

Wuxuu Maxamed BBC-da u sheegay in ninka dhibka geystay uu guriga yimid xilli isaga iyo xaaskiisuba ka maqnaayeen guriga sidaasna uu cidlo uga helay wiilka yar.

Dhanka kale aabe Maxamed cabdullaahi ayaa ka warramaya xaaladda wiilkiisa ee hadda, ''Wiilkeyga hadda xaaladiisa way wanaagsantahay ilaa seddex qalliin ayuuna maray," ayuu yiri Maxamed Cabdullahi.

Wiilka oo isbitaalka yaalla

Xigashada Sawirka, qoyska wiilka dhibaatadu gaartay

"Guriga oo cidlo ah, oo aan aniga iyo wiilka hooyadii maqannahay ayuu qofkaas guriga yimid. Gabar yar oo 5 jir ah oo wiilka u qubaynaysay ayuu weydiiyey in aan joogo, markii ay u sheegtay in aan maqanahayna middi afweyn ayuu cunugga oo loo qubaynayey kaga jaray xiniinyaha" ayuu yiri Maxamed Cabdulaahi Xaydh.

"Mar labaad ayuu middida ka geliyey kellida. Xiidmihii iyo calooshii ayaa isa soo shubay. Anigu suuqa ayaan ka soo maqlay qaylo ka baxaysa guriga iyo dumar barooranaya" ayuu xilikgaasi sii raaciyey.

Ninka weerarka gaystay oo iminka la xukumay ayaa wiilka ka weeraray xiniinyaha iyo kellida.

Qof la tuhmay oo laga soo xiray tuulada Laandheer ayaa lagu hayay saldhiga booliska ee degmada Danood. Boolisku saldhiga Danood ee koonfur berri ka xiga ayaa xiligaas sheegay in wareysiyo iyo baaritaano hordhac ah oo la la yeeshay eedeysanaha in uu qirtay in uu geystay weerarka lagu waxyeeleeyay ilmaha yar.

Aabaha wiilka

Xigashada Sawirka, Qoyska wiilka dhibaatu gaartay

Saraakiil boolis iyo dad si dhow ula socda kiiska ayaa xiligaas BBC u sheegay in qofka la xiray uu sheegay in uu wiilka yar u weeraray si uu uga aarguto dhaawac hore oo wiilka aabehii u geystay ninka hadda wax dhaawacay. Xogtu waxay intaa ku dartay in aabeha wiilka dhaawaca ah uu horey xaniinyaha uga laaday ninka weerarka geystay, taas oo ninku sheegay in ay saameysay tarankiisa. Booliska degmada ma leh awood iyo farsamo lagu hubiyo fayoobida maskaxda ee dadka falalka noocan ah loo xiro.

Maxamed Cabdullaahi Xaydh wuxuu horay dalabaday in ninkaas ciqaab sharciga waafaqsan la mariyo.