TOOS, Tehran ayaa hanjabaad cusub u dirtay maraakiibta Khaliijka, halka Maraykankuna sheegay ‘weerarradii ugu xoogganaa ee Iran lagu qaadi lahaa wali hadhsanyahiin’

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa digniin ay soo saareen ka digay "weerar ba'an" oo jawaab celin ah, iyagoo sheegay inay weerari doonaan saldhigyada Mareykanka iyo Israa'iil.

Kooban

Tebin toos ah

Abdishukri Haybe

  1. War deg deg ah, Qiimaha lacagaha lagu kireeyo maraakiibta qaada shidaalka oo gaadhay meeshii ugu sareysay abid

    ,,

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qiimaha lagu kiraysto markab weyn oo shidaal qaada si uu shidaal uga raro Bariga Dhexe una geeyo Shiinaha ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyay abid, in ka badan $400,000 (£298,300), sida ku cad xogta Kooxda suuqa Sarifka Saamiyada ee London.

    Qiimahan wuxuu ku dhowaad laba jibbaar ka yahay kii uu ahaa toddobaadkii hore, markaas oo Maraykanku ku hanjabay inuu weerari doono Iiraan.

    Iiraan ayaa bartilmaameedsatay maraakiibta mara marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin muhiim ah oo ku yaalla koonfurta dalka, halkaas oo ku dhowaad shan-meelood-meel ka mid ah shidaalka iyo gaaska dunida la marsiiyo.

    Lacagaha rikoodhka ah waxaa lagu dalacaa maraakiibta ugu waaweyn ee qaada shidaalka, kuwaas oo qaadi kara ilaa laba milyan oo foosto oo saliid caydhiin ah.

    Qiimayaashan waa mid ka mid ah siyaabaha muujinaya sida ay siciradu kor ugu kaceen tan iyo weerarradii Israa’iil iyo Maraykanku ku qaadeen Iiraan dhammaadkii toddobaadka.

  2. War deg deg ah, Safaaradda Maraykanka ee Riyadh oo lagu weeraray diyaarad aan duuliye lahayn

    Wasaaradda Difaaca ee Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay in safaaradda Maraykanka ee Riyadh lagu weeraray laba diyaarad oo aan duuliye lahayn (drone), sida ku cad qiyaasaha hore.

    War-saxaafadeed lagu daabacay barta X, safaaraddu waxay sheegtay in tani ay sababtay “dab xaddidan iyo khasaare yar oo hantiyeed oo ku yimid dhismaha.”

    Xarunta Maraykanka ee Sacuudi Carabiya ayaa soo saartay ogeysiis ah in dadka ay joogaan meelaha ay hadda ku sugan yihiin ee gabaadka ah magaalooyinka Jeddah, Riyadh iyo Dhahran, waxayna sheegtay inay xaddidi doonto safarrada aan muhiimka ahayn ee lagu tagayo xarumaha milatari ee gobolka.

  3. War deg deg ah, Saldhig baddda oo ay isticmaaleen ciidamada Australia oo ku yaala agagaarka Dubai oo la duqeeyay

    Wasiirka difaaca Australia ayaa xaqiijiyay in saldhig badda ah oo ay ciidamada Australia isticmaalaan kuna yaala agagaarka Dubai lagu dhuftay drone dhamaadkii toddobaadka, isagoo intaa ku daray inaysan wax reer Australia ah ku dhaawacmin weerarka.

    “Habeenkii ugu horreeyay waxaa weerar lagu qaaday Saldhigga Diyaaradaha Al Minhad, laakiin dhammaan Australian-ka halkaas joogaa waa nabad qabaan,” ayuu Richard Marles u sheegay wariyeyaasha.

    Saldhigga cirka ee Imaaraatka Carabta ayaa ay adeegsadaan ciidan badan oo reer Galbeed ah, wuxuuna yahay xarunta dhexe ee Ciidanka Difaaca Australia ee Bariga Dhexe. Marles ayaa sheegay in Australia ay leedahay 100 shaqaale oo ku sugan Bariga Dhexe, inta badanna UAE ku sugan

    Ra’iisul Wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa hore u sheegay in dalkiisu uu taageersan yahay tallaabada Mareykanka iyo Israa’iil “si looga hortago in Iiraan hesho hub nukliyeer ah iyo in laga hortago Iiraan inay sii wado khatar gelinta nabadda iyo amniga caalamka.”