Madaxweyne Trump
ayaa lagu wadaa in uu hadlo daqiiqadaha soo socda balse mar sii horeysay waxa
uu khadka taleefoonka kula hadlay wariyaha CNN Jake Tapper mudo 9 daqiiqo ah
isaga oo sheegay in mowjadihii ugu waynaa ee howlgalka Iran y wali soo socdaan.
"Waan u dhammeyneynaa,"
Trump ayaa la sheegay inuu u sheegay Tapper. "Waxaan u maleynayaa inay si
wanaagsan u socoto, aad bay u awood badan tahay, waxaan leennahay militariga
ugu weyn adduunka, waana isticmaaleynaa."
Waxa uu intaa ku
daray: "Xitaa ma aanan bilaabin inaan si adag u garaacno. Hirarka weyn
xitaa ma dhicin. Midka weyn ayaa soo socda dhawaan."
Madaxweynaha
Mareykanka oo wax laga weydiiyay ilaa inta uu dagaalku socon doono, wuxuu
sheegay muddo bil ah. "Ma doonayo inaan arko inay aad u dheer tahay.
Waxaan had iyo jeer u maleynayay inay noqon doonto afar toddobaad. Wax yarna
waan ka horraynay jadwalka, "ayuu yiri.
Hoos ka akhri sheekooyinka Bariga Dhexe: