Muxuu yahay xeerkan ay Muslimiintu ku badbaadiyeen kumanaan Yuhuud ah?

Qoysas Yuhuud ah oo magan u ah Muslimiinta Albania

Xigashada Sawirka, Madxafka xasuusta xasuuqii Holocaust ee Maraykanka

Qoraalka sawirka, Madxafka xasuusta xasuuqii Holocaust ee Maraykanka

Albania waxa ay ka mid ahayd wadama yar oo reer Yurub ah oo dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka ay ku noolaayeen Yuhuuda tiro ahaan ka badan kuwii bilowgii dagaalka ku sugnaa dalkaas.

Qoysaska Albania, oo u badan Muslimiin, ayaa soo dhaweeyay guryahooda, waxayna ilaalinayeen kumannaan qaxooti ah oo ka yimid dalal ay ka mid yihiin Jarmalka iyo Austria kuwaas oo ka soo cararay cadaadis ya kala kulmayeen taliskii Nazi-ga.

Sannadkii 1938, hal sano uun ka hor bilawgii dagaalka, Boqor Zog kii kowaad ee Albania wuxuu magangalyo siyaasadeed siiyay in ka badan 300 oo Yuhuud ah, kuwaas oo xitaa la siiyay dhalashada Albania.

Laakiin ka ilaalinta awoodda ayaan sii socon waqti dheer. 1939 Talyaanigu waxa uu weeraray Albania isaga oo ku dhawaaqay in Albania ay tahay maxmiyad tiisa ah, Boqor Zogna waxa lagu qasbay in uu baxsado. Maadaama uu dalku ka maamul ahaan hoos tagayey Benito Mussolini, waxaa aad ugu adkeyd in Yuhuuda ay soo galaan dalka.

Si kastaba ha ahaatee, 1945-kii Albania waxay gaartay dhamaadka dagaalka iyada oo in ka badan 3,000 oo qaxooti Yuhuud ah ay ku sugan yihiin dalkeeda. Tiradan sare waxa lagu macneeyay isku duubnida soo jireenka ah ee muwaadiniinteeda iyo xeer-hoosaadyo lagu magacaabo besa oo halkaas ka jiray.

" Dadka reer Albania ayaa qoyskooda ka mid dhigi jiray Yuhuudda, wayna quudin jireen, daryeeli jireen, wayna qarin jireen. Mar kasta oo arrimuhu halis gaaraan, waxay heli jireen habab ay ugu raraan meelo kale," Shirley Cloyes DioGuardi, oo ka tirsan Ururka Bulshada Albanian ee Maraykanka ayaa sidaasi tiri.

Masjid ku yaal magaalo yar oo buuraley ah oo ku taal Albania

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Masjid ku yaal magaalo yar oo buuraley ah oo ku taal Albania

Qaar badan oo ka mid ah dadka caawiya qaxootiga waxay ahaayeen dad aan ku lug lahayn siyaasadda iyo dhaqdhaqaaqa bulshada laakiin si fudud u lahaa dareen bini'aadantinimo .

Taasi waa kiiska Arslan Rezniqi, ganacsade raashinka ka ganacsada oo naftiisa iyo tan qoyskiisaba halis u geliyey si uu u badbaadiyo boqollaal qaxooti Yuhuud ah, sida ay sheegtay Helena Bonham Carter.

Qoyska Arslan waxay ahaayeen Muslimiin, islaamkuna wuxuu ahaa diinta ugu badan Albania, halkaas oo 17% oo kaliya dadka ay yihiin Masiixiyiin, laakiin wuxuu isu arkayey in uu ugu horreeyo qayb ka mid ah bulshada Albania, oo uu ku faani karo dabeecadeeda bini'aadantinimo, isaga oo xitaa maanta ku dhegan xeerka besa.

Besa, xeerka gobanimada ee Albania

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xeerka Sharaf dhowrka ama gobta ee besa waa xeer adag oo ku salaysan naxariista iyo dulqaadka dadka kale . Besa macneheedu waa "ballanqaad sharafeed" balse inkasta oo aad u baahan tahayin aad dib ugu noqoto dhaqamadii qarnigii 15aad si aad u hesho asalka erayga, weli waaa dhaqan ka jira Albania.

"Besa waxay isku xirtaa sharafta shakhsi ahaaneed ee ixtiraamka iyo sinnaanta dadka kale. Waxaa ka mid ah qiyamka ugu muhiimsan ee ilaalinta martida, taas oo xitaa aadi karta ilaa in uu qofka martida loo yahay naftiisa halis gelinayo," ayey tiri DioGuardi.

Dhaqankan ayaa qarniyo badan la soo gudbiyay isagoo qayb ka ah xeerarka Kanun oo ah xeerar aan qornayn, xeerar maamul oo la sameeyay qarnigii 15-aad si loogu xukumo qabaa'ilka waqooyiga Albania, Orgest Beqiri ayaa BBC u sheegay.

Inkasta oo Kanun loo tixgeliyo ilaha asalka ah ee besa, qaar badan ayaa ku doodaya in dhaqanku dhab ahaantii xitaa ka sii weyn yahay iyo in Kanun kaliya uu ereyo magac bixin ah ku dhejiyo caadooyinka qabiilka ee jira.

Inta badan Yuhuuda soo gaartay Albania waxay ku dhuunteen magaalooyinka yaryar iyo buuraha. Sidaa darteed, waxa ay ahayd wax aan suurtagal ahayn in masuuliyiintu ogaadaan.

Qaxootigu waxay ku dhuumaalaysanayaan godadka dhulka hoostiisa ah iyo boholaha buuraha . Laakiin mararka qaarkood xitaa uma baahnayn inay qariyaan.

Sidaas ayay ahayd. Markii Naasiyiintu qabsadeen Albania, waxay ka dalbadeen maamulka Albania inay siiyaan liisaska Yuhuudda si loo tarxiilo. Balse maamulka deegaanka ayaa diiday.

Shirley DioGuardi ayaa shaqadeeda Ururka Albaniyiinta Maraykanka waxay la kulantay sheekooyin badan oo Yuhuuda ah oo ku dhuumanaya guryaha cidlada ah.

Sidaa darteed, gargaarka la siiyo Yuhuudda waxaa loo arkaayey arrin sharaf qaran leh.

Kaasi waa aqoonsiga dabeecadda bini'aadantinimo ee Albaaniyiinta oo Ururka Yad Vashem ee Israa'iil ee dhibbanayaasha Holocaust uu abaal-marin ku siiyey ku dhawaad 25,000 oo "dad caadi ah" kuwaas oo naftooda halis geliyey si ay u ilaaliyaan bulshada Yuhuudda.

In kasta oo Dagaalkii Labaad ee Adduunka uu ahaa mid ka mid ah imtixaanadii ugu adkaa ee xeerkan bulsho uu la kulmay, cadaadiskii taliskii Nazi-ga ma ahayn caqabadii ugu horreysay iyo kii u dambeeyay toona ee xeerkan soo wajahda.

Taariikhdu way soo noqnoqotaa xitaa haddii wakhtiyada iyo dhibanayaasheedu isbedelaan.

Qoysas Muslimiin ah oo magan galiyey Yuhuud

Xigashada Sawirka, Madxafka xasuusta xasuuqii Holocaust ee Maraykanka

Qoraalka sawirka, Madxafka xasuusta xasuuqii Holocaust ee Maraykanka

Xeer aan ka tag lahayn

Dhowr sano ka dib, 1990-meeyadii, in ka badan 500,000 oo qaxooti ah, oo u badnaa qowmiyad Albaaniyaan ah, ayaa ka tagay Kosovo oo aaday Albania iyaga oo ka cararaya ciidamada Milateriga Serbia.

"Qoysaska Albaaniya waxay aadi jireen xeryaha qoxootiga Kosovo, qoys ayay ka heli jireen, kaddibna waxay geyn jireen gurigooda, ma ahayn qaraabo ama saaxiibo, waxay ahaayeen dad ajnabi ka ah, laakiin Albaaniyaanku way soo dhaweeyeen, quudin jireen, dhar siin jireen, waxay ula dhaqmi jireen sidii inay qayb ka yihiin qoyskooda," Nevila Muka, oo ay ayeeyo u tahay haweeney Albanian ah oo badbaadisay qoys qaxooti ah, ayaa u sheegtay BBC.

Markii Nevila la waydiiyay sababta ay u malaynayso in ayeeydeed samaysay, waxay ku jawaabtay, "Waa habka Albania."

Gabar ilmo yar wadda

Xigashada Sawirka, Getty Images

Nevila waxay BBC-da u sharaxay in besa uu yahay xeerka Albaaniyaanka: "Haddii qof kaa soo doonto caawinaad, waxaad siinaysaa meel uu ku hoydo."

Albania ayaa hadda mar kale bixineysa magangalyo, balse markan kuwa ka safraya Bariga Dhexe. Ka dib bixitaankii Maraykanka ee deg dega ahaa ee Afgaanistaan iyo la wareegitaankii Talibaan ee dalkaas, tobanaan qof oo Afgaanistaan u dhashay ayaa gaaray Albania.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Albania Olta Xhacka ayaa baraha bulshada ku sheegay in Albania "ay si sharaf leh u martigelin doonto 4,000 oo qaxoonti Afgaanistaan ah.