Liiska 10-ka haween ee ugu quruxda badan adduunka sannadkan 2023

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tobanka haween ee ugu quruxda badan sannadkan 2023 ayaa waxaa ka mid ah atariishooyin caan ah. Sida laga soo xigtay bogga awbi.org waxaa kaalinta koowaad gashay Jodie Comer.
1. Jodie Comer

Xigashada Sawirka, Getty Images
Magaceeda oo buuxa waa Jodie Marie Comer, waa jilaa Ingiriis ah. Waxay ku dhalatay kuna soo barbaartay Liverpool. Sannadkii 2008 ayay shaqadeeda billowday. Jodie Comer waxay kaalinta koobaad ka gashay liiska 10-ka haweenka ugu quruxda badan adduunka sannadka 2023.
Jodie Marie Comer waa 30 jir, filimadeeda caanka ah waxaa ka mid mid ah Free Guy, Help, The White Princess, Doctor Foster, Killing Eve, iyo kuwa kale.
Waxay kaloo ku guulaysatay abaal-marinno ay ka mid yihiin Abaalmarinta Telefishanka British Academy Award ee Jilaaga ugu Fiican, Shaashada Jilayaasha Guild Award, Golden Globe iyo Abaalmarinta Emmy Award.
2. Ariana Grande

Xigashada Sawirka, Getty Images
Magaceeda oo dhammeystiran waa Ariana Grande-Butera. Waa fannaanad iyo jilaa caan ah oo ree Mareykan ah. Ariana ayaa kaalinta 2-aad kaga jirta liiska 10-ka haweenka ugu quruxda badan adduunka. Waxaa lagu tilmaamaa inay tahay ruux aad u karti badan.
29 jir dhalatay 26 June 1993 waxayna ku guulaysatay abaal marino aad u badan oo ka mid yihiin labo ay ka heshay Grammy Awards, Hal ay siiyeen Award Brit, Hal kale oo ay ka heshau Bambi Award, labo ay ku doonsiisay Billboard Music Awards iyo 30 abaalmarin oo ay Guinness World Records siyeen iyo kuwa kale.
3. Zendaya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xirfad ahaan waxaa loo yaqaan Zendaya laakiin magaceeda oo buuxa waa Zendaya Maree Stoermer Coleman. Waa jilaa reer Mareykan ah, moodeel iyo heesaa. Aad ayey u qurux badan tahay oo waxay boos ka heshay 10-ka haween ee ugu quruxda badan adduunka.
Waa 22 jir oo kaliya, waxayna boos ka heshay 100-ka qof ee ugu saamaynta badan adduunka sida ay qortay majaladda Time. Waxay caan ku tahay doorkeeda jilaa ee aflaanta kala ah Spider-Man: Homecoming, Dune, Malcolm & Marie, Euphoria iyo taxanaha kale ee Spiderman.
Waxaa la siiyay Abaalmarinta Golden Globe Award iyo laba Abaalmarin oo kale oo ay ka heshay Primetime Emmy Awards.
4. Beyonce

Xigashada Sawirka, Getty Images
Magaca buuxa ee Beyonce waa Beyoncé Giselle Knowles-Carter. Waa fannaanad, jilaa iyo soo-saare reer Mareykan ah. Waxayna sidoo kale ku jirtaa liiska 10-ka dumar ah ee ugu quruxda badan. Waa 41 jir si fiican isu ilaalisay.
Waxay dhashay afar carruur ah oo qurux badan. Waxaa lagu tiriyaa inay tahay mid ka mid ah haweenka ugu guulaha badan jiilkeeda, waxay caan ku tahay farshaxanka iyo codkeeda halaasiga ah.
5. Bella Hadid

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waa Moodeel Ameerikaan ah oo aad caan u ah waxayna gaartay guulo badan. Marka loo eego saamiga quruxda, wejigeeda ayaa la xaqiijiyay inuu yahay wejiga ugu quruxda badan. Waxay la dhalatay Gigi Hadid. Magaceeda oo buuxa waa Isabella Khairiah Hadid.
Haddii aan ka hadalno guulaheeda waxay ka soo muuqatay 29 goor international Vogue covers oo ah jornaal lagu daabaco xayeysiyiinta. Sannadkii 2022, waxaa loo magacaabay Moodeel-ka Sannadka ee British Fashion Council. Sida Zendaya majaladda Time ayaa waxay ku magacawday mid ka mid ah 100-ka qof ee ugu saamaynta badan adduunka.
6. Deepika Padukone

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida aan aragno waa atirishada kaliya ee Hindi ah oo ku jirta liiska 10-ka haween ee ugu quruxda badan adduunka. Shaki kuma jiro in ay ku faanto Hindiya. Deepika waa atariishada ugu mushaarka badan Hindiya. Waxay sidoo kale la shaqeysay shirkadda Hollywood. Majaladda Time ayaa ku tilmaantay mid ka mid ah 100-ka qof ee ugu saameynta badan adduunka sanadkii 2018-ka.
Deepika waa 36 jir waxayna heshay abaal marinno aad u badan oo ay ka mid yihiin seddex ay siisay Filmfare Awards, sido kale waxay kasoo muuqatay liiska shaqsiyaadka ugu caansan qaranka.
7. Taylor Swift

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxay caan ku tahay quruxdeeda iyo kartida badan ee ay leedahay. Waa fannaanad sidoo kalana qorta heesaha, waa soo saare rikoor dhigtay, waxay gaartay heerka agaasimonimo sidoo kale waa ganacsato hawl kar ah.
Quruxdeeda ayaa magaceeda kusoo daray liiska 10-ka haween ee ugu quruxda badan adduunka. Xirfadaheeda gaarka ah ee qorista heesaha ayaa ka dhigaya mid ka duwan kuwa kale. Taylor waxay ku guulaysatay koobab badan oo la siiyo shakhsiyadeeda kartida leh.
8. Kim Kardashian

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waa gabadha ganacsato ah oo soo jiidashada leh, moodeel-kana caan ku ah. Waa mid ka mid ah shakhsiyaadka ku jira liiska 10-ka haween ee ugu quruxda badan adduunka. Aad ayay u guulaysatay waxayna haysataa hanti dhan 120 milyan oo doolarka Mareykanka ah.
Magaceeda oo buuxa waa Kimberly Noel Kardashian waana 42 jir. Waxay ku guuleysatay abaalmarinta Glamour ee ganacsiga, Abaalmarinta moodeelka, Abaalmarinta CFDA iyo Abaalmarinta Filimka MTV.
9. Jourdan Dunn

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jourdan Sherise Dunn waa magaceeda oo buuxa waana model reer Ingiriis ah. Quruxdeeda ayay ku gashay liiska 10-ka haween ee ugu quruxda badan adduunka.
Waxay ku faantaa xayeysiinta dharka madow sababtoo ah waxay ahayd moodelkii ugu horreeyay ee madow ee ku socda wadada Prada sanado badan ka dib. Waa qof dumar ah oo karti leh.
10. HoYeon Jung

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waa model iyo atariisho caan ah oo ku nool Kuuriyada Koonfureed. Waxay ka mid ahayd jilaayaasha cajiibka ah ee taxanaha Squid Game. Waxay leedahay hibo kale oo ah, farshaxanka. Farshaxankeeda waxa lagu soo bandhigaa galleries iyo bandhigyo kale oo adduunka oo dhan ah.
Shaqadeeda kartida leh waxa lagu abaalmariyay Abaalmarinta Jilayaasha Shaashada ee Waxqabadkii Wanaagsanaa. Waa 41 jir.













