Faransiiska oo xirashada cabaayadaha ka mamnuucay gabdhaha

Xigashada Sawirka, AFP
Gabdhaha Muslimiinta ah ee wax ka barta Faransiiska ayaa laga mamnuucayaa xirashada cabaayadaha oo ah dhar waaweyn oo astur ah, waxaana la qorsheynayaa in laga mamnuuco dugsiyada ay maamusho dowladda Faransiiska, sida uu sheegay wasiirka waxbarashada.
Sharciga ayaa la qorsheynayaa in la dhaqan geliyo isla marka sanad dugsiyeedka cusub uu billowdo 4ta Sebtembar.
Faransiiska ayaa si adag uga mamnuucaya calamadaha diiniga ah dugsiyada dowladda iyo xarumaha dowladda intaba, iyaga oo ku doodaya in ay xadgudb ku tahay shuruucda cilmaaniga ah.
Xirashada xijaabka ayaa mamnuuc ka ahayd dugsiyada dowladda ay maamusho tan iyo 2004-kii.
"Markaad gasho fasalka, waa inaadan aqoonsan karin diinta ardayda adigoo eegaya kaliya," Wasiirka waxbarashada Gabriel Attal ayaa u sheegay TV-ga Faransiiska ee TF1, isagoo raaciyay: "Waxaan go'aansaday in cabbaayadaha aan la gashan karin hadda xilliga waxbarashada iskuulka."
Tallaabadan ayaa timid kadib dood bilo ah oo ku saabsan xirashada cabbaayadaha ee iskuullada Faransiiska.
Dharka noocani ah ayaa si aad ah ugu soo badanaya iskuullada, taas oo keentay kala qaybsanaan siyaasadeed oo iyaga ku saabsan, iyada oo xisbiyada garabka midig ay dabada ka riixayaan in la mamnuuco halka kuwa bidixda ay walaac ka muujiyeen xuquuqda haweenka iyo gabdhaha Muslimiinta ah.
"Cilmaaniyaddu waxay ka dhigan tahay xorriyadda lagu xorayn karo dugsiyada waxbarasho," ayuu Mr Attal u sheegay TF1, isagoo ku dooday in cabbaayadda ay tahay "tilmaan diimeed.
Waxa uu sheegay in uu sharci cad oo heer qaran ka soo saari doono kahor inta aan dugsiyada la furin fasaxa xagaagan kadib.
Faransiiska ayaa dhaqan geliyey mamnuucid adag oo lagu soo rogay calamadaha diinta ee dugsiyada tan iyo qarnigii 19-aad, oo ay ku jiraan calaamadaha Masiixiyiinta sida , si loo xakameeyo saamaynta Katooliga ee waxbarashada dadweynaha.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa ay cusboonaysiinaysay sharciga sannadihii la soo dhaafay si ay u muujiso isbeddelka tirada dadka, oo hadda ay ku jiraan xijaabka Muslimiinta iyo kippa-ka Yuhuudda, laakiin cabaayadaha ayaan horay si toos ah loo mamnuucin.
Doodda ku saabsan calaamadaha Islaamka ayaa sii xoogeysatay tan iyo markii nin qaxooti ah oo u dhashay Chechniya uu madaxa ka gooyay macalin Samuel Paty, kaasoo ardayda tusay sawirro uu ku tilmaamay Nebi Muxamed NNKH, waxa uuna ku dilay meel u dhow iskuulkiisa oo ku yaala Paris sanadkii 2020-kii.
Ku dhawaaqista ayaa ah go'aankii ugu horreeyay ee siyaasadeed ee ugu weyn ee Mr Attal, oo dhowaan madaxweynaha Faransiisak Emmanuel Macron uu u magacaabay wasiirka waxbarashada Faransiiska isagoo 34 jir ah.
CFCM, oo ah hay'ad heer qaran ah oo matalaysa ururro badan oo muslimiin ah, ayaa sheegtay in dharka labbiska ah oo keliya aysan ahayn "calaamad diimeed".
11-kii Abriil sanadkii 2011-kii, Faransiiskuwaxa uu noqday waddankii ugu horreeyay ee Yurub ah ee ka mamnuuca indha shareerka meelaha la’isugu yimaado.
Mamnuucidda, ayaa amreysay in aan la arki Karin qof dumar ah isla markaana ah Faransiis ama ajinabi oo awood u leh in ay bannaanka ugusoo baxaan indha shareerka ama wajigooda oo qarsoon iyadoo la sheegay in ay la kulmi karaan ganaax halis ah.
Sannadkii 2016-kii Faransiisku wuxuu soo saaray mamnuucis muran badan dhaliyay oo lagu soo rogay dharka dabaasha ee dumarka oo dhan, oo loo yaqaan "burkinis". Ra'iisul wasaare Manuel Valls ayaa dharka dabaasha ku tilmaamay "cadeynta siyaasadda Islaamka ee goobaha caamka ah".
Mamnuucida dharka asturka ah ee ay gabdhaha muslimaadka ah ku dabaashaan oo ay soo rogeen barasaabyada Riviera ee Faransiiska, ayaa markii dambe laga qaaday goobaha loo dalxiis tago ee xeebaha kadib markii maxkamadda sare ee maamulka Faransiiska ay laashay sharciga lagu mamnuucayay.













