Maxay kalinimadu u noqotay mid ka mid ah dhibaatooyinka caafimaad ee qarnigan 21-aad?

Xigashada Sawirka, getty images
Bishii Luulyo, joornaalka The Lancet, oo ka mid ah joornaallada sayniska ee aadka loo ixtiraamo, ayaa ku dhawaaqay dhismaha guddi daraasad ku sameeya kalinimada iyo is go'doominta bulshada.
Baadhis ku saabsan mawduucan, iyo kororka daabacaadda ayaa tilmaamaya in dhibaatadani ay kor u kacday sannadihii u dambeeyay oo loo arko inay tahay arrin saameyn leh oo ku saabsan caafimaadka jidhka iyo maskaxda bani’adamka sida uu qoray joornaal tacliimeedka The Lancet oo la aas-aasay sanadkii 1823.
Yoolka komishanku, ayaa ah in sida ugu dhakhsaha badan ay u eegaan mawduucan, in si sax ah ay u qeexaan waxa ay kalinimadu tahay, iyo waxa ay yihiin hababka ugu muhiimsan ee loola dagaallamo, iyadda oo loo eegayo caddaynta sayniska ee ugu habboon ee la helo.
Laakiin tani waa mid ka mid ah hindisayaal badan oo mowduucan la xidhiidha oo lagu dhawaaqay sannadihii la soo dhaafay. Dawladaha Ingiriiska iyo Japan, ayaa abuuray"wasaaradaha kalinimada" si sara loogu qado wacyiga bulshada ee mowduucan. UK ayaa markii ugu horeysay sameysay wasaaradan sanadkii 2018 halkan Japan ay iyaduna ku dhawaaqday 2021kii.
Dr. Vivek Murthy, oo hadda ah Dhakhtarka Qaliinka Guud ee Maraykanka oo ka mid ah madaxda sare ee caafimaadka ee Maraykanka -ayaa sheegay bishii May ee sanadkan in dareenka kalinimada uu la mid yahay cabbista 15 sigaar ah maalintii marka loo eego dhaawaca caafimaad ee uu qofku u geysta.
Laakiin waa maxay sababta kalinimadu ay caan u noqotay beryahan danbe?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Suurtagal ma aha inaad kaligaa faraxsanaato?
Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn marka laga fekerayo saameynta kalinimada ayaa ah in si sax ah loo qeexo waxa ay tahay raaxo-darradani.
"Dareenka kalinimada waa khibrad shakhsiyeed. Kuma filna in la go'doomiyo; si kastaba, dad badan ma dareemaan cidlo marka ay keli yihiin. Dhanka kale, waxaa jira dad aanan dareemin weheel xitaa haddii ay ku hareereysanyihiin shaqsiyaad kale, "ayuu yiri dhakhtarka dhimirka Lucas, oo ah cilmi-baare ka tirsan Machadka Maskaxda ee Jaamacadda Katooliga Pontifical ee Rio Grande do Sul .
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Kalinnimadu waa dareen is go'doomin, ka mid ahaansho la'aan koox bulsheed, taas oo leh saameyn shucuureed iyo mid dabeecadeed, oo ku xidhan natiijooyin xun oo maskaxeed iyo mid jireed," ayuu raaciyay hadalkiisu dhakhtarku.
Daraasado taxane ah ayaa si balaadhan u diiwaan geliyay xidhiidhka ka dhexeeya kalinimada iyo dhaawaca jidhka iyo kan maskaxda ee bulshada.
Mid ka mid ah daraasadaha, oo laga fuliyay 2010 Jaamacadda Brigham Young ee Mareykanka, ayaa shaaca ka qaaday in dadka leh xidhiidhka bulsheed ay 50% aad ugu dhowdahay inay sii noolaadan waqti dheer marka loo eego kuwa jecel kalinimada.
Khabiirku waxa kale oo uu soo qaatay daraasad 80 sano ka hor ay Jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanka ku samaysay boqollaal qofood.
"Qorayaasha daraasaddan waxay arkeen in qodobka ugu muhiimsan ee lagu dareemo farxad dhamaadka noloshu aysan ahayn guusha dhaqaale, shaqo caaqibo leh, caannimada ama lacagta, laakiin ay tahay isdhexgalka bulshada," ayuu yiri Spanemberg. .
"Isbeddelka ugu weyn ee la xidhiidha dareenka farxaddu waxa uu ahaa in la yeesho xidhiidh muhiim ah oo macno leh nolosha oo dhan," ayuu raaciyay.
Kalinnimadu waa foolkaano daboolaysa wax kasta

Xigashada Sawirka, Getty Images
Juliana Teixeira Antunes oo ah Kalkaaliso, ka socota Machadka Federaalka ee Minas Gerais Norte, ee Brazil., ayaa tilmaamaysa in muddo dheer kalinimada lala xidhiidhinaayay waayeelka. Dhab ahaantii, dadka da'da ah ayaa laga yaabaa inay dareemaan kelinomo marar badan oo guud ahaan ay ku adkaato inay la jaanqaadaan waxyaabo cusub.
Dhimashada xubnaha qoyska iyo asxaabta isku jiilka ah ayaa sidoo kale qeyb ka ah dareenka kalinimo, ayay yidhaahdeen xirfadlayaasha caafimaadka oo ay wareysatay BBC News laanta Brasil.
"Laakin maanta waxaan aqoonsanahay kalinimada in dhammaan marxaladaha nolosha ay qeyb ka tahay," ayay tiri.
Cilmi-baaruhayaa intaa raacisay "Nasiib darro, maalmahan, kelinimadu waxay saamaysaa tiro badan oo dhallinyaro ah,”.
Laakin maxay kalinimadu u noqotay arrin caafimaad sannadihii la soo dhaafay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhakhtar cilmi-nafsiga ah oo ka tirsan shaybaarka neerfaha ee Machadka São Paulo ee Brazil ayaa isna qaba in dhowr arrimood ayaa gacan ka geystay dhacdadan.
"Waxaan hadda ka soo baxnay masiibadii Covid-19 ah, taas oo u baahneyd go'doon bulsho, tusaale ahaan," ayuu yidhi.
Antunes ayaa tilmaamaysa in kalinimadu ay si tartiib tartiib ah u dhaliso dareeno kale oo halis badan.
"Maanta kuma jirno xaalad caafimaad darro, haddana dadka badan ma rabaan inay meelo aadaan ama qof kale ay la kulmaan," ayaay sharaxday.
Suurtagal ma tahay in la farageliyo kalinimada ka hor inta aysan waxyeello u geysan caafimaadka?
Marwo Kamkhagi, ayaa aaminsan in ay muhiim tahay in la ogaado farqiga u dhexeeya kalinimada qofku iskiisu isu go’doomiya iyo kalinimada wakhtigu keena.
"In lagu heshiiyo waqtiyada kalinimada waa muhiim waana caafimaad," ayaay tidhi Kamkhagi.
"Dhibaatadu waxay soo ifbaxdaa marka aad si joogto ah uga go'do adduunka intiisa kale," ayay raacisay.
Dhakhaatiirta cilminafsiyeedka ayaa intaa ku daray in kalinimadu ay inta badan barbar socoto in qofku dayaco caafimaadkiisa iyo muuqaalkiisa, isla markaana uu lumiyo daryeelkiisa.













