Waa sidee habka ugu habboon ee aad hurdo macaan ku heli kartaa haddaad u seexato?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadka qaar habeenkii waxa ay u seexdaan dhinaca, qaar kalena dhabarka. Laakiin waa kuwee boosaska seexashada ee ugu fiican nasashada lagu tilmaamo karo in qofkaasi seexday ‘habeenka wanaagsan?’
Haddii aad ku nooshahay meel uun ka mid ah adduunka oo uu ku saameeyay kulaylkii dhawaa, waxa laga yaabaa in aad habeenkaagii ku dhammaysato si aad u isu rogrogayso ee hurdo aad ku raaxasaysato aad u raadinayso.
Daraasado lagu sameeyay badmaaxayaal badanaa ka shaqaysta maraakiibta alxanka ka samaysan ee Nayjeeriya ayaa loo arkaa in ay aadamaha ka caain karto helidda hurdo fiican.
Hurdada oo nolosha aadamaha muhiim u leh ayaa haddana laga sameeyey tiro yar oo daraasado ah.
Haddii aad isku deydo in aad qof kala sheekaysato xalay dhinacii uu u seexday, waxa ay keliya xasusataan markii ay hurdada raadinayeen dhinacii ay u hurdeen iyo markii ay soo kaceen dhinacii ay jiifeen, badanaa inta dhex iyo haddii ay is rogeen ma ogaan karaan.
Cilmi-baadhayaashu se waxay isku dayeen farsamooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin in la duubo dadka marka ay hurdaan ama in ay isticmaalaan tignoolajiyad qofka ku xidhan oo la socota dhaqdhaqaaqooda.
Carruurta yaryar ee ka yar saddexda sano waxa ay u seexdaan keliya laba hab oo midi ka kale ka badan yahay.
Dhallaanku, waxay inta badan u seexdaan dhabarka sababtoo ah waxaa lagu seexiyaa sariirahooda ee loogu talagalay kuwaas oo u samaysan habkan, si ay u ilaaliso ammaankooda oo aanay uga dhicin.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
U seexashadu dhinacu waa booska ugu badan ee aad u seexato, dadkii cilmibaadhista lagu sameeyeyna badankooda waxa ay doorteen in uu yahay qaabka ay hurdada ugu macaan ku helaan. Daraasaddu se waxay sheegaysaa in aan dhinacyadu isku mid ahayn, oo kuwii u seexday dhanka midig ay seexdeen hurdo xoogaa ka badan kana roon kuwii u seexday bidixda, waxaana ku sii xiga kuwii u seexday dhabarka.
Badmaaxayaasha ayaa badanaa u seexda dhinac dhinaca iyaga oo sheegay in sababtu tahay in dhinaca markiiba aad ku heli karto hurdo, ka hor inta aanay goobta yar ee shaqaalaha Markabku wada hurdo khuuradu aysan is qabsan.
Daraasad kale oo yar ayaa lagu sameeyey badmaaxiinta ka shaqeeya maraakiibta ganacsiga, waxaana lagu ogaaday in dhibaatooyinka neefsashada ee sida khuurada ay aad ugu badan yihiin marka badmareennada ay u seexdaan dhabarka.
Jawaabtu si kastaba ha ahaatee, haddii aad la daalaadhacaysa xanuunka laabjeexa oo kale, waxaa mudan inaad isku daydo in aad badanaa u seexato dhinacaaga bidix mustaqbalka, taas oo kuu fiican.
Ilaa hadda waxa aan xoogga saaray u seexashada dhinaca ama dhabarka sababta oo ah taasi waa waxa ay dadka badidiisu sameeyaan. Laakiin ka warran kuwa kuwaa ka duwan - tiro yar oo laga tiro badan yahay – ayaa u seexda iyaga oo dhulka dhigta laabta?
Hagaag, aan ku bilawno, hal daraasad oo soo jeedinaysa inaysan fikrad fiican ahayn haddii uu ku xanuunayo.
Sid oo kale waxay siyaadisaa laablaabka wjiga, maadaama qaabka aad u seexanaysaa yahay iyada oo wejigaaga lagu tuujiyay barkintaada, taas oo sii siyaadinaysa laalaabkii wejiga.
Haddaba aan ku soo afmeerno, in dhinaca ugu badan ee la isku raacsan yahay in uu faa’iido leeyahay uu yahay u seexashada dhinaca, inkasta qaabka dhinac ee u seexanaysaa mararka qaar saamayn karo dhabar xanuunkaaga iyo haddii aad dareemayso xanuunno kale.
Khuurada ayaa sida oo kale la rumaysan yahay Iyana in ay saamayso qaab hurudkaaga, iyada oo badanaa ay khuuriyaan dadka dhabarka u hurdaa. Kala duwanaanshuhu se waa wax caadi waxaana qof fiican in qof kastaa u seexdo dhanka u uku helayo hurdo fiican.
Laakin xasuusnoow inaadan ku mashquulin jagooyin kala duwan ama waxaa laga yaabaa inaad soo jeeddo adigoo walwalsan.













