Wariye Bushaaro Baanday oo 3 bilood oo xabsi ah kadib maanta lasii daayey

Bushaaro

Xigashada Sawirka, Social Media

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegaya in maxkamada gobolka Maroodi-jeex, ay hal sano oo xabsi ah ku xukuntay weriye Bushaaro Cali Maxamed (Bushaaro Baandey) oo muddooyinkii la soo dhaafay xirneyd.

Sida uu qareenkeeda Mubaarik Maxamuud Falaag BBC u sheegay waxaa Bushaaro lagu haystay "eedo ciqaabtooda qaar ay shan sano ahayd, qaarna afar sano, qaarna saddex sano," ayuu yiri qareen Mubaarik.

Waxaa lagu waayey eedaymihii loo hasytay qaar ka mid ah, halka lagu helay labo eedaymood oo kala ah, "shaac ka qaadis sir qarsoon" iyo "kicin dadweyne iyo dacaayad ka dhan ah qaranka" sida uu qeexay qareenka oo maxkamadda soo xiganaya.

Labada eedaymood ayaa min lix bilood oo xabsi ah lagu xukumay kuwaas oo hal sano isku noqonaya.

Balse xukunka halka sano ah ee lagu riday Bushaaro ayaa ah xariga la iibsan karo, kaas oo ah wixii hal sano dhan aan ka badnay sida uu sheegay qareenkeedu."Hal sano oo xarig ah ayey maxakamadda gobolka Gabiley ku xukuntay, kadibna xeer ilaalintu racfaan kamay qaadan, saas darteed xariigii halka sano ahaa ayaan u iibinay." sidaas ayeyna xorriyadeedii dib ugu heshay sida uu yiri qareen Mubaarik Maxamuud Falaag oo BBC la hadlay.

Dhanka kale hooyada dhashay Bushaaro oo warbaahinta gudaha la hadashay xukunka kadib ayaa muujisay sida ay ugu faraxsantahay go'aanka maxkamaddu ku riday gabadheeda, waxayna u mahad celisay xildhibaanno ay sheegtay in ay garab taagnaayeen muddadaas.

Bushaaro oo aan isku daynay inaan la hadalno nooma suurta galin balse qareenkeeda oo aan waydiinay sida ay hadda xaaladeedu tahay ayaa yiri: “Inkastoo ay tirsanaysay tacaddi badan oo ay xarig sharci darro ah tirsanaysay, oo xukunka qudhiisa ay u arkaysay xukun aanay qabin oo aan sax ahayn, hadana ugu dambeyntii mar haday heshay xorriyadeedii way iska faraxsanayd.”

Bushaaro

Xigashada Sawirka, Social Media

Bushaaro oo bishii May ee sanadkan la xiray ayaa dhowr jeer dib loo dhigay kiiskeeda, waxaana arrintaa walaac ka muujinayay wariyaasha iyo dadka u dooda xuquuda aadanaha.Hay'adda u doodda xuquuqda weriyayaasha ee the Committee to Protect Journalist (CPJ) ayaa horey ugu baaqday in degdeg loo sii daayo Bushaaro.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa jiray dhaawacyo la sheegay in la gaarsiiyay Bushaaro taas oo hadal heyn badan oo isugu jirta beenin iyo rumeyn ka dhex dhalisay baraha bulshada haddaba qareen Mubaarik Maxamuud Falaag Oo ka hadlaya waxa ka jira in dhaawacyo la gaarsiiyay Bishaaro ayaa markaas oo uu BBC-da la hadlay yiri “17-kii bisha ayaa lagu qabtay wajaale kadib ayaa loosoo gudbiyay Hargeysa markii lasoo qabanayay ayaa waxa gaaray labo nabar mid addinka ayuu ka gaaray oo wey duubantahay, waxa ay ii sheegtay in markii lasoo qabanayay ay lugtu isku laabantay oo uu dhaawacaasi gaaray sidaas ayey ii sheegtay weyna duubantahay halkan kale ee wajiga garan meyso waxa kaga dhacay laakiin waa nabar intaas ayan ogahay,” ayuu yiri qareenkeedu.

Mar xilligaas la weydiiyay qareenka waxa keenay xarrigga Bushaaro ayuu yiri “Weli garan meyno eed rasmi ah welina waa waqti hore waxa jira baaristiina CID-da ayaa gacanta ku heysa laakiin waxa ay u badantahay in lagu haysto waxyaabo ay ku qoreysay baraha bulshada,” hadda oo isla maalinkii xukunkeeda lagu dhaqaaqay xabsigana lagasoo saaray ayuu qareenku ka dhawaajiyay qaar ka mid ah eedaymaha loo hastay gaar ahaan kuwa lagu xukumay.