Maxaa kajira in wariye Bushaaro Baanday la gaarsiiyay dhaawacyo ka dib xarriggeeda?

Tebinta tooska ah ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Dadkii ku waxyeelloobay dagaalka Ukraine oo la sheegay in ay u badnaayeen waayello

    Ukraine

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qiyaastii saddex meelood meel dadkii ku dhintay dagaalkii Ukraine waxay ahaayeen dad da' ah, 4,187 dhibanayaal ah oo la diiwaan galiyay, 1,346 waxay da'doodu ka weyn tahay 60 sano, sida lagu sheegay warbixin ay soo diyaariyeen kormeerayaasha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay.

    Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka ayaa ogaaday in dadka da'da ah ay si gaar ah u saameeyeen mugdiga sababo la xiriira weerarrada Ruushka ee kaabayaasha muhiimka ah tan iyo Oktoobar 2022.

    Dadku waxay ku dhamaadeen guryo dabaqyo ah oo ay awoodi waayeen inay koraan ama ka dagaan markii wiishka ay raaci lahaayeen uu shaqeyn waayay.

    Qaar waxay ahayd in degdeg loo daadgureeyo, qaar kalena waa la badbaadin kari waayay.

    Ruushka ayaa si isdaba joog ah u beeniyay in uu bartilmaameedsanayo rayidka iyo kaabayaasha rayidka ee Ukraine.

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 18,500 oo dhimasho ah, oo ay ku jiraan in ka badan 6,660 lagu dilay dhulka ay Ukraine maamusho tan iyo bishii Febraayo 2022.

  2. Diyaarad dagaal oo ku burburtay Sudan

    Suudaan

    Xigashada Sawirka, REUTERS/ABDULLAH ABDEL MONEIM

    Wararka ka imaanaya dalka Suudaan ayaa sheegaya in diyaarad dagaal oo ay leeyihiin militariga ay ku burburtay deegaanka Omdurman oo ku dhow magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

    Ma cadda in la bartilmaameedsaday ama in ay la kulantay cillad farsamo.

    Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya diyaaradda oo gubaneysa ka hor inta aysan dhulka ku dhicin.

    Sawirro kala duwan ayaa muujinaya laba duuliye oo ku soo degaya baarashuud.

    Muuqaal kale, nin dhaawac ah oo ku labisnaa dareeska ciidanka, isla markaana dawakhsan ayaa fadhiya dhabarka dambe ee gaadhiga, iyadoo sida muuqata ay gacanta ku hayaan rag hubaysan oo dabaaldegaya.

    Waxaana dadka deegaanka ay soo sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal xooggan.

    Tani waxay dhacday maalintii labaad ee xabbad joojinta oo yaraatay, balse aan soo afjarin iska horimaadyada.

    Xabbad-joojintu waxay ujeeddadeedu tahay in la fududeeyo gaarsiinta gargaarka aadka loogu baahan yahay.

    Shaqaalaha bini'aadantinimada ayaa sugayay ogolaanshaha amniga iyo dammaanad qaad.

  3. Daawo: Wareysiga danjiraha Mareykanka Larry Andre

    Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC uga hadlay doorashada qof iyo cod ee Puntland iyo khilaafka u dhaxeeya Muqdisho iyo Garowe. Halkan ka daawo wareysiga

  4. In kabadan 30 haween ah oo halmar la afduubtay haddaba maxay sameeyeen?

    Cameroon

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Kooxaha gooni u goosadka ah ee gobolka waqooyi-galbeed ee Cameroon ayaa afduubtay in ka badan 30 haween ah waxayna dhaawaceen tiro kale oo aan la cayimin, sida ay saraakiishu sheegeen.

    Haweenkan ayaa laga afduubtay tuulada Big Babanki oo u dhaw xadka Nigeria, iyadoo lagu eedeeyay inay ka dhiidhiyeen bandow iyo canshuuro ay kusoo rogeen kooxaha gooni u goosadka ah.

    "Ku dhawaad ​​30 haween ah ayaa waxaa afduubtay kooxaha gooni u goosadka ah weli ma aynaan helin," Kornayl ciidan ayaa sidaasi u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

    Qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warramaya in tirada dadka la la’yahay ay intaas ka badan tahay is amarkaana ay gaarti karto ilaa 50 haween ah.

    Saraakiishu waxay sheegeen in haweenka qaarkood ay "si xun u jirdileen" fallaagada aadka u hubaysan, kuwaas oo inta badan qafaala dad rayid ah, inta badanna madaxfurasho ka qaata.

    Ciidamada ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo si ay u soo furtaan haweenkaasi.

    Cameroon ayaa waxaa ragaadiyay dagaallo tan iyo markii gooni u goosadka ku hadla afka Ingiriisiga ay bilaabeen kacdoon 2017-kii.

    Colaadda ayaa galaaftay nolosha in ka badan 6,000 oo qof waxayna ku khasbeen in ka badan hal milyan oo qof inay ka cararaan guryahooda, sida ay sheegtay kooxda xasaradaha.

  5. Hal Milyan oo qof oo shan bilood gudahood ku barakacay gudaha Soomaaliya

    UNHCR

    Xigashada Sawirka, Google

    Hay’adda Qoxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR iyo Hay’adda Qoxootiga ee dalka Norwey ee NRC ayaa diiwangaliyay tiradii ugu badanayd ee muddo 130 maalmood ah ku barakacda gudaha Soomaaliya.

    Intii u dhaxaysay 1-dii Janaayo illaa 10 kii Bishan May ee sandkan waxa gudaha Soomaaliya ku barakacay inkabadan hal milyan oo qof, kuwaas oo ay guryahooda ka saareen colaadda ka taagan gobollada qaar, abaartii darnayd ee ka jirtay wadanka iyo fatahaaddaha ku soo rogmaday gobollada Hiiraan iyo Gedo.

    Saraakiisha Hay’addaha Gargaarka ayaa ka baqdin qaba in xaaladdu ka sii darto billaha soo socda.

    Cabaas Axmed oo kamid ah saraakiisha Hay’adda NRC, haddana ku sugan magaalada Baydhabo ayaa weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan uga waramay tirada cusub ee boqollaalka kun ee qof ee gudaha ku barakacay ee la diiwangaliyay, waxa uuna yiri “inta hadda aan ognahay dhacdadan oo kale weli ma dhicin in tiro intan la’eg ay muddo yar ku barakacaan, waa dhacdo nagu cusub haddii aan nahay hay’adaha gargaarka, magaalooyinka ay dadku usoo barakeceen kama heli karaan adeegyada aas aasiga ah qabadaas ayaa iyada jirta.”

  6. Maxaa ka jira in wariye Bushaaro Baanday la gaarsiiyay dhaawacyo kaddib xarriggeeda?

    Bishaaro Baande

    Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

    Waxaa maalintii 9-aad xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa ku xiran weriye Bushaaro Cali Maxamed (Bushaaro Baanday) oo lagu qabtay magaalada xuduudeedka Wajaale. Inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin eedeymaha loo haysto weriyaha, ayaa hadda qareenkeeda Mubaarik Maxamuud Falaag waxa uu sheegay in ay tuhunsan yihiin qoraallo ka dhan ah Madaxweynaha Somaliland oo ay ku faafisay boggeeda Facebook.

    Hay'adda u doodda xuquuqda weriyayaasha ee the Committee to Protect Journalist (CPJ) ayaa ku baaqday in degdeg loo sii daayo weriye Bushaaro Baanday.

    Waxa jiray dhaawacyo la sheegay in la gaarsiiyay Bushaaro taas oo hadal heyn badan oo isugu jirta beenin iyo rumeyn ka dhex dhalisay baraha bulshada haddaba qareen Mubaarik Maxamuud Falaag Oo ka hadlaya waxa ka jira in dhaawacyo la gaarsiiyay Bishaaro ayaa yiri “17-kii bisha ayaa lagu qabtay wajaale kadib ayaa loosoo gudbiyay Hargeysa markii lasoo qabanayay ayaa waxa gaaray labo nabar mid addinka ayuu ka gaaray oo wey duubantahay, waxa ay ii sheegtay in markii lasoo qabanayay ay lugtu isku laabantay oo uu dhaawacaasi gaaray sidaas ayey ii sheegtay weyna duubantahay halkan kale ee wajiga garan meyso waxa kaga dhacay laakiin waa nabar intaas ayan ogahay”

    Mar la weydiiyay qareenka waxa keenay xarrigga Bushaaro ayuu yiri “Weli garan meyno eed rasmi ah welina waa waqti hore waxa jira baaristiina CID-da ayaa gacanta ku heysa laakiin waxa ay u badantahay in lagu haysto waxyaabo ayku qoreysay baraha bulshada”

    Waxa uu sheegay in berri oo qamiis ah la hor geyn doono maxkamadda.

  7. Haweeney 95 sano jir ahayd oo geeriyootay kaddib markii nin boolis ah uu weeraray

    Clare Nowland

    Xigashada Sawirka, SUPPLIED

    Haweeney 95 jir ah oo ay booliisku ku qabteen qalabka ku shaqeeya qorontada ee loo yaqaano tiisarka xilli ay ku sugneyd guri lagu xanaaneeyo oo ku yalla dalka Australia, ayaa dhalisay qeylo dhaan dadweyne iyadoo ugu danbeyn ay geeriyootay.

    Clare Nowland ayaa si xun loo dhaawacay kadib markii ay booliisku ka jawaabeen wararka sheegaya in ay mindi kula dhex wareegaysay gurigeeda daryeelka abbaaraha 4-tii subaxnimo Arbacadii hore.

    Booliiska New South Wales ayaa sheegay in ay dhimatay fiidnimadii Arbacada.

    Askariga qalabka ku aadiyay Ms Nowland ayaa lagu soo oogay dacwad.

    Ms Nowland waxay ku noolayd guri daryeel oo ku yaal magaalada Cooma oo qiyaastii 114km koonfur kaga beegan Canberra, caasimadda Australia.

    Ms Nowland ayaa la rumeysan yahay in madaxa uu dhaawac halis ah kasoo gaaray iyo dhiig bax halis ah kadib markii madaxeeda ay six un dhulka ugu dhifsatay intii uu shilku socday.

  8. Safiirka Maraykanka oo ka hadlay doorashada Puntland, khilaafka Muqdisho iyo Garowe

    Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre ayaa wareysi gaar ah siiyay BBC, isaga oo ka hadlay dedaalada doorashada qof iyo cod ee ka socda Puntland, iyo khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa Puntland. Halkan ka daawo wareysiga

  9. Waa kumaa hoggaamiyaha Al-Shabaab ka tirsan ee lagu "dhaawacay" duqeyntii Jilib?

    Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay weerar dhanka cirka ah oo ay sheegtay in laga fuliyay degmada Jilib ee gobolka Jubada Hoose.

    Wasiir ku xigeenka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in weerarkan lagu dhaawacay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee Al-shabab... Halkan kasii akhri

  10. Caalim Muslim ah oo lagu waayey dembi kufsi oo lagu eedeeyay

    Tariq Ramadan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Barfasoorka caanka ah ee dhiga duruusta Islaamka, Tariq Ramadan ayaa lagu waayey kiis la xiriiray kufsi iyo galmo qasab ah oo yiilay maxakamad ku taal dalka Switzerland.

    Mr Ramadan oo haysta dhalashad dalka Swiss-ka waxaa awoow u ah Xasan Al-Bannaa oo ah aasaasihii Ikhwaanul Muslimiinkii Masar.

    waxaa kiiska keenay maxakamadda haweenay Swiss ah oo sheegtay in uu Tariq ku kufsaday hoteel ku yaala Geneva sannadkii 2008.

    Haweenayda oo ah mid soo islaantay kana mid ah taageerayaashiisa ayaa maxakadda u sheegtay in ay barfasoorka kala kulantay kufsi, garaacid iyo aflagaaddo.

    Waxay sheegtay in ay tani dhacday ka dib markii barfasoorkan dhiga jaamacadda Oxford uu ku casuumay in ay wadaagan kaxwe kadib mar uu usoo dhamaaday shir ay lahaayeen.

    Mr Ramadan oo 60 jir ah ayaa wajihi lahaa illaa saddex sano oo xabsi ah haddi lagu heli lahaa kiiska. Waa uu diiday dhaman eedaymaha, balse wuxuu qirtay in uu haweenayda la kulmay.

  11. Barfasoore baangad ku eryatay wariye oo tallaabo laga qaaday

    Baangad

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Sida lagasoo xigtay wargeyska waxay ku qaylisay, " albaabka ii dhaafa haddii kale baangaddan ayaan idinku jarjarayaa."

    Barfasoore wax ka dhigta jaamacadda Hunter ee dalka Maraykanka ayaa shaqada laga eryay ka dib markii ay weriye iyo sawir qaade ka tirsan war geyska New York Post ku handadday baangad.

    Saxafiyiinta ayaa isku dayayey Shellyne Rodriguez kala hadlaan dhaleecayn ay usoo jeedisay dadka u dhaqdhaqaaqa ka hor tagga uur soo xaaqidda ee laanta jaamacaddeda ee ay baraha ka tahay, ayaa lagu yiri wargeyska.

    Ms Rodriguez ayaa suxufiyiinta waddada kula daba kacday baangad sida ka muuqata muuqaal la duubay.

    Kuleejka Hunter oo qayb ka ah jaamacadda caasimadda New York, ayaa xaqiijiyey in "shaqada laga eryayay".

    Weriye Reuven oo uu wehliyo sawir qaade ayaa aaday guriga Ms Rodriguez si ay wax uga wydiiyaan muuqaal baahay oo ay ku dhaleecaynayso arday kasoo hor jeeday soo xaaqidda ilmaha oo jaamacddeeda ka tirsanaa.

    Sida lagasoo xigtay wargeyska waxay ku qaylisay, " albaabka ii dhaafa haddii kale baangaddan ayaan idinku jarjarayaa."

    Qormada wargeyska ayaa lagu sheegya in ay "suxufiyiinta qoorta ka saartay baangadda" ka dib markii ay afaafka ka furtay.

  12. Sidee ayay ganacsatada Soomaalida u saameysay koronto la’aanta baahsan ee Koofur Afrika?

    Koofur Afrika

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Koofur Afrika waxaa ku soo fool leh xilliyada qaboobaha iyadoo dalkaasna uu wajahayo koronto xumadii ugu ba’neyd abid - ilaa 16 saacadood maalintii ayay maqnaan kartaa. Dhibaatadan arrintan ayaa loo aaneynayaa maamul-xumo, musuqmaasuq iyo carqaladeyn.

    Xilli galab Khamiis ay ahayd, bishii November ee sanadkii hore, nin qandaraas lagu siiyay joogteynta korontada ayaa wuxuu gacantiisa geliyay qeyb wareegsaneysa oo ku dhex taallay xarun koronto oo qadiimi ah oo ku taalla Koofur Afrika.

    Waxay ninkan ku qaadatay sekenno yar inuu ka bixiyo bool bir ah, oo ka yar koobka kafeyga.

    Markii uu meesha ka sii tagayay, saliid qaali ah oo boolasha isku lisanka ka ilaalineysay ayaa markiiba soo qubatay. Matoorka ayaa kululaaday taasoo dhibaatada korontada sababtay. Halka ka sii Akhri sheekada

  13. Aqalka hoggaamiyihii dilay in ka badan lix milyan oo Yuhuud ah oo qorshe cusub loo sameeyay

    Aqalkii Hitler

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Aqalkii Hitlar

    Aqalka Hogaamiyihii hore ee Jarmalka - Adolf Hitler oo ku yaal dalka Austria oo xilligaas ka tirsanaa Jarmalka ayaa loo adeegsanayaa in booliska lagu siiyo tababarro la xiriira ilaalinta xuquuqda aadanaha.

    Dawladda ayaa iibsatay dhismaha oo ku yiil magaalada Braunau am in oo u dhow xadka Jarmalka, waxayna ku iibsatay dawladdu si qasab sannakii 2016 ka muran muddo dheer qaatay.

    Kali taliskan xasuuqa geystay ayaa qol kiro ah ka degganaa qaybta sare ee dhismaha sannadakii 1881.

    Dhissid dib u habeyn ah si loo beddalo dhismaha ayaa la filayaa in uu bilowdo deyrtan.

    Balse qorshaha ayaa ah mid uu muran hadheeyay. Qaar ka mid ah dadku waxay doonayaan in dhismaha ay burburiyaan, waxayna ku guddi khubara ahi go'aansadeen in ay dumiyaan dhismaha si looga hor tago in uu xarun u noqdo naasiyiinta.

    Hasa yeehsee dadka qaar ayaa taas ku tilmaamay in ay tahay inkiraad ku aaddan taariikhda Austria, halka kuwa kale ay sheegeen in loo adeegsado xarun dib u heshiisiin ama xarun samafal.

  14. Puntland oo ka hadashay fariintii Farmaajo

    Goddoomiyaha Baarlamaanka Puntalnd, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ka jawaabay farriin oo uu Madaxweynhii hore ee Soomaaliya Moxamed Cabdullahi Farmaajo soo dhooiga bartiisa Facebook.

    “Wuu ku mahadsan yahay bogaadinta iyo hambalayada uu shacabka iyo Dawladda Puntland hawada usoo mariyey Madaxweynihii hore ee Soomaliya Mudane Moxamed Cabdullaahi Farmaajo,” ayuu guddoomiye Cabdirashiid ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook iusaga oo shegay in ay ku bogaadinayaan “taageeradiisa barnaamijka Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyada ka hanaqaaday Puntland.” Ayuu qoraalka ku yiri.

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Moxamed Cabdullahi Moxamed (farmaajjo) ayaa ka hadlay doorashada Puntland isaga oo sheegay in uu ku bogaadinayo sida reer Puntland bulsho iyo maamulba “ay ugu istaageen hirgelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka ee dadku ay codkooda ku dooranayaan hoggaanka deegaannadooda”. Ayuu yiri.

    Waxa uu sheegay in ay reer Puntland tusaale u yihiin hamuunta ay shacabka Soomaaliyeed si guud u qabaan in ay codkooda wax ku doortaan. “Hannaanka doorashada tooska ah in ay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecel nahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed” ayuu ku yiri qoraal uu soodhogay boggisa Facebook.

  15. Qaar ka mid ah sanduuqyada codeynta Puntalnd oo ay ciidammo qabsadeen

    Doorashada Puntland

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Iyadoo maalinta berri ah lagu wado in Puntland looga dareero doorashada golayaasha deegaanka oo qof iyo cod ah, ayaa waxaa xalay ciidamo diidan doorashada gacantooda galay sanaadiiqdii codeynta ee dagmada buurtinle ee gobolka gobolka Nugaal.

    Isla gobolkaas qaybo kale oo ka mid ah ayaa la soow warinayaa in aysan gaarin wali qalabka doorashada mana jirto ilaa iyo hadda cid arrimahaan ka hadashay oo ka tirsan gudiga doorashada iyo mamaulka Puntland.

    Wariye Axmed Cawil ayaa soo werinaya in ay ciddammo fara badan waddooyinka gooyeen, iyada oo ay jiraan degmooyin kale oo aysan qalabkii doorashadu weli gaarin waxaana ka mid ah degmooyinkan, Godobjiraan, Dangoroyo iyo weliba Garowe oo ay hoos tagaan degmoon badan.

    Doorashada PUntland ayaa waxaa hareeyay khilaafyo iyada oo dhawaan ay soo baxday warqad lagusoo xirayo qaar ka mid ah siyaasinyiinta deegaankaasi walow markii dambe lala laabtay warqaddaas.

  16. Haweenka foolanaya ee miciin-bida inay gaadiid ka dhigtaan geela

    Markii Muna uu qabtay xanuunka foosha, waxa keliya ee u furan ayaa ahaa inay gaadiid ka dhigato geel.

    Muna oo 19 jir ah, ayaa filaneysay safar 40km (25-meyl) ah oo isbitaalka ah oo qaada doona afar saacadood laga soo bilaabo gurigeeda waxaana intaa u dheeraa buuro raf ah. Balse waddooyin la’aan – iyadoo la daalaa dhaceysay xanuunka foosha iyo cimilada oo xumeyd – awgood wuxuu safarka ku qaatay toddoba saacadood.

    "Tallaabo walba oo geelu qaadayay, xanuun daran bay ii ahayd," ayay tiri.

    Marka geelu uu socon waayay, Muna oo seygeedu la jiro waxay lug ku tagtay isbitaalka... Sii akhri sheekada oo dhameystiran

  17. Digiin laga soo saaray halista ay baraha bulshadu u leeyihiin da' yarta

    Baraha Buslshada

    Xigashada Sawirka, PA

    Mid ka mid ah sarakiisha hormuudka u ah caafimaadka dalka Mareykanka ayaa soo saaray diginin ku aaddan halista ay baraha buslhadu u leeyihiin da,a yarta.

    Dr Vivek Murthy ayaa sheegay in caruurta iyo da'yarta oo isticmaasha baraha bulshada ay caqabado caafimaad ku tahay ayna ka dhalan karto carqalad ku timaadda cunadda ay cunaan iyo kalsoonida ay isku qaban oo hoos u dhacda.

    Warbixinta ayaa lagu sheegay in tallaabooyiinka lagu xakameynayo adeegsiga baraha bulshada ee dhalinyarada ee ilaa hadda la qaaday aysan ahayn kuwa shaqeeyay.