Twitter oo xiri doona baraha aan la isticmaalin

Twitter

Xigashada Sawirka, Getty Images

Elon Musk ayaa ku dhawaaqay qorshe uu ku xirayo baraha Twitter ee aan la isticmaalin muddo dhowr sano ah.

Mr Musk oo la wareegay barta Twitter bishii Oktoobar ee sannadkii hore ayaa sheegay inay ‘muhiim tahay in la xiro baraha aan la isticmaalin’.

Talaabadaas ayaa dad badan oo internetka isticmaala ay dhaliileen, ayadoo ay jiraan dad badan oo ka cabsi qaba inay waayaan bogagga ay Twitter ku leeyihiin dad ay qaraabo ahaayeen oo geeriyooday.

Laakinse Musk wuxuu sheegayaa in taa laga gaashaaman karo, ayadoo baraha hore u jiray la kaydin doono, halkii la tiri lahaa.

Mid dadka cabanaya ka mid ah ayaa wax ka weydiiyey cinwaanada ay leeyihiin dadka caanka ah ka hor inta aysan dhiman.

Mid kale ayaa soo qaaday qoraallada qofka magaciisa lagu xuso ee qiime taariikheed ku fadhiya, sida dadka masiibooyinku ku habsadaan.

Qaar baa codsaday in la helo qaab cinwaannadaas looga dhigo kuwo xusuus u taagan.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka X boggan

Laakin qaar kale ayaa soo jeedinaya in cinwaanadaas kayd la galiyo si loo isticmaali karo magacyada ay cinwaanadaas wateen.

Siyaasadda isticmaal la’aanta ee Twitter ayaa sheegaysa in qofka isticmaalaha ah uu cinwaankiisa gudaha u galo ugu yaraan hal mar 30kii maalmoodba, haddii aan la isticmaalinna si aan soo noqosho lahayn looga saari doono cinwaanka.

Laakin ilaa xilli dhow oo ku beegan 23 April 2023, siyaasaddu waxay sheegaysay in istcimaaleyaashu ay u baahan yihiin oo kaliya in lixdii biloodba ay hal mar galaan cinwaankaooda si uusan uga xirmin.