Alteeso iyo dadkii kale ee marka ay ka degeen Somaliland la xiray

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Wararka aanu ka heleyno magaalada Hargeysa ee jamhuuriyadda goonni isu taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu xiray wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Idiris Alteeso, kaas oo kamid ah dadka wax ku soo qora baraha bulshada gaar ahaanna Facebook-ga.
Wiilkan ayaa la sheegay in xabsiga loo taxaabay, xilli uu ku sugnaa hoteel ku yaalla xaafadda Jigjiga yar.
Idiris wuxuu kamid yahay dhalinyarada qoraallada kala duwan soo dhiga baraha bulshada, balse ilaa hadda ma cadda in sababta loo xiray ay la xirriirto qoraallada uu soo dhigo bartiisa Facebook-ga.
Booliiska Somaliland ayaan war kasoo saarin sababta loo xiray.
Idiris uguma horreeyo dadka caanka ah ee lagu xiray Somaliland, isla markaana xariggoodu uu hadalheynta badan dhaliyay.
Waxaa sidoo kale ka mid ah:
Cumar Seerbiya

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Bishii June ee sanadkii hore ayaa Cumar Xasan Seerbiya oo ka mid ah weriyeyaasha Soomaalida, gaar ahaanna ka hadla arrimaha fanka ayaa sheegay in lagu xiray garoonka Hargaysa oo uu markaas ka dagay.
Ma uusan sheegin sababta, balse farriin uu soo dhigay degelkiisa Facebook ayuu ku sheegay in la xiray.
Cumar ayaa ka hawlgala talefishinka Astaan ee magaalada Muqdisho, isaga oo daadihiya barnaamijyada fanka, wuxuuna dhowaan qorey buug ka hadlaya fanka Soomaaliya.
Qamar Suugaani

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Bishii Oktoobar ee sanadkii 2020 waxaa magaalada Burco ee Somaliland lagu xiray fannaanka Maxamed Cabdi Cabdullaahi (Qamar Suugaani).
Fanaanka ayaa inta uusan ku laaban Hargeysa ku sugnaa magaalada Muqdisho, isaga oo bandhigo faneed dhowr ah ku qabtay.
Laamaha amniga Somaliland kama aysan hadlin sababaha ay u xireen fannaanka Qamar Suugaani.
Fanaanka oo dhowaan tegay Hargeysa kaddib muddo uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in mar kale la xiray xilli uu ku sugnaan garoonka Cigaal ee Hargeysa.
Hase yeeshee, maamulka garoonka ayaa BBC-da u xaqiijiyay inaan la xirin fannaanka, balse saacado kooban uu ku sugnaa garoonka.
Abwaan Ilig

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Bishii December ee sanadkii 2021 booliska Jahmuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay nin dhalinyaro ah oo abwaan ah oo lagu magacaabo Idiris Siciid Maxamed (Ilig).
Wararka qaar waxay sheegayaan in abwaanka loo xiray riwaayad ay jileen oo lagu magacaabo 'Ruwaayadda Xaaji Dicin iyo Xukuumadda'
Hadal heyn xooggan ayaa ka dhalatay xiritaanka abwaanka, guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa cambaareeyay xilligaas.
"Waxaan halkan ka cambaareynayaa xarigga dhalinyaradii sheekadii qosolka sameysay ee mataleysay dowlad aan waxbo qaban laakiin inamo yar yar oo dhalinyaro ah oo sameeyay riwaayad qosol ah marka la yiraahdo waa la xiray marka xoriyatul qowlkii baa meel kaha dhaceynaa" ayuu yiri Feysal Cali Waraabe oo la hadlayay warbaahinta.
Wuxuu ugu baaqay madaxweynaha in lasoo daayo abwaanka la xiray.
Idris Siciid Maxamed ayaa barta TikTok kusoo bandhiga maansooyinka Soomaalida.
Bilaal Bulshaawi

Xigashada Sawirka, Bilaal Bulshaawi/Facebook
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sanadkii 2020 ayaa waxaa Hargeysa lagu xiray Bilaal Bulshaawi oo caan ka ah baraha bulshada, gaar ahaanna Tiktok.
Xariggiisa ayaa dhaliyay hadalheyn badan, iyadoo ay soo baxeen baaqyo badan oo ku aaddan sii deyntiisa.
wasiirka arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay inuu aqbalay codsiyada ah in la sii daayo Bilaal Bulshaawi oo loo yaqaanno Madaweynaha TikTok.
Qaar ka mid ah dad ka soo qeyb galay munaasabad ka dhacday magaalada Hargeysa xilligaas oo billad sharaf lagu guddoonsiinayay duuliye hore Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) oo la sheegay inuu diiday in diyaarad uu waday ay duqeyso Hargeysa sanadkii 1988, ayaa ugu baaqay dowladda Somaliland inay sii daayaan wiilkaas.
Wasiirka oo isagana munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inuu aqbalay codsiyada loo soo jeediyay, ayna arrinta wiilkaas tallaabo ka qaadi doonaan.
Muuqaal laga soo duubay qoyska Bilaal ayaa waxay sidoo kale codsi ugu gudbiyeen Somaliland inay sii deyso wiilkooda.
Booliiska ayaa sheegay in Bilaal loo xiray muuqaal uu iska soo duubay isaga oo shaah ku midabeysan calanka Soomaaliya ku cabaya maqaayad ku taalla Hargeysa.
Ajakis

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Allaha u naxariistee majaajiliistihii Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) ayaa ka mid ah dadka aadka loo xusuusto ee lagu xiray garoonka Hargeysa.
Sanadkii 2017 ayaa Ajakis laga qabtay garoonka Hargeysa, waxaana markii dambe dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho oo uu ka yimid, waxaana la sheegay uu uga sii gudbi lahaa Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.
Ajakis oo markii uu magaalada Muqdisho ku soo laabtay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sida uu hadalka u dhigay lagu eedeeyay in uu aflagaaddo ku geystay madaxweynihii xilligaas ee Somaliland.













