Muxuu yahay shidaalka laga baarayo Somaliland?

Shidaalka

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Fatuma Maalim Abukar
    • Role, BBC News Somali

Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ayaa Axaddii shaacisay inay bilaabmeyso marxaladdii ugu dambeysay ee baaridda batroolka ku jira Somaliland, taasoo lagu qodayo ceelka Toosan 1 oo ku yaalla agagaarka deegaanka Xood ee gobolka Togdheer.

Wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland Cabdillaahi Faarax Cabdi oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ceelkan uusan ahayn mid shidaal, balse uu yahay mid lagu hubsanayo in batrool uu halkaasi ku jiro.

“Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu riiggu madaxa la galo batrool badan, kheyraad badan oo aynu ka faa’iidno. Ceelkaa haddii aynu helno, meelo kale oo ciiddaa ka badan oo dhowr iyo 16 gaaraya oo saas oo kale batrool lagu tuhmayo ayaa daadsan Togdheer ilaa Saraar,” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka ayaa sheegay in ceelkan uu yahay kan ugu weyn, sababta loo doortayna ay tahay in si jaaniska heliddu u weynaado loo dalooliyo tan ugu weyn.

“Ceelal badan oo boqollaal ka badan ayaan qodan doonnaa, nolosheenna way beddelmi doontaa sida Carabta haddii Alle yiraahdo, niyad-wanaag iyo wada shaqeyn unbaa nalooga baahan yahay iyo samir,” ayuu intaa raaciyay wasiirka.

Somaliland ma aysan carrabaabin faa'iidada laga heli doono qodidda ceelkan iyo sida loo qeybsan doono. Balse shirkadda Genel ayaa u aragta inay raad wanaagsan ku yeesheen bulshada ayna arrintan muhiim u tahay guushooda.

"Waxaan shaqo uga billownay Somaliland si aan gacan uga geysanno wax ka qabashada abaarta, iyadoo barnaamijyo bulsho oo dheeri ah la sameyn doono billowga ceel qodidda" ayuu yiri Andrew Benbow oo ah madaxa xiriirka ee shirkadda oo BBC-da la hadlay.

Wasiirka ayaan sheegin xilliga rasmiga ah ee la bilaabayo qodidda ceelkan oo qandaraaska qodiddiisa ay isla wadaan shirkadda Genel Energy oo laga leeyahay dalka Ingiriiska iyo CPC oo laga leeyahay dalka Taiwan.

Wuxuu wasiirku sheegay in muddo dhowr iyo toban sanadood ay soo socotay sahminta shidaalka, sababtana ay tahay inay tahay howl adag oo u baahan cilmi badan, iyo lacag badan.

“Intaa waxaa noo dheer duruufo badan. Sanadkii 2013-kii waxaa dhacday in howluhu ay hakad galaan, waxaa dhacday in sahamiskii la waday uu xumaado oo muddo saddex sano ah uu dib u dhaco. Waxaa ku xigay labo sano oo aan ku jirnay cudurkii Covid-ka.” Ayuu yiri wasiirka.

Ma aha makrii ugu horreysay ee la sheego in Somaliland lagu arko shidaal. Sanadkii hore ayay ahayd markii wax loo maleeyay shidaal uu ka soo burqaday ceel-biyood laga qodayey degmada Salaxley oo koofur ka xigta magaalada Hargeysa.

Somaliland ayaa ku tilmaantay inuu ahaa raad shidaal, ceelkaasi ayaa muunada laga soo qaaday waxaa la geeyay magaalada London, halkaas oo lagu baarayay.

Muddo intee ah ayay qaadan kartaa?

Shirkadda Genel Energy oo qeyb ka ah qodidda ceelkan ayaa sheegtay in kahor qodidda ceelkan laga baarayo shidaalka, ay ka horreeyaan arrimo dhowr ah, isla markaana ay qaadan karto muddo.

Andrew Benbow ayaa sheegay in Genel ay qorsheyneyso inay qodidda billowdo lixda bilood ee ugu horreysa 2024, iyadoo ceelkuna qaadanayo ugu badnaan saddex bilood kahor inta aan natiijo la gaarin.

Genel ayaa sheegtay inaysan jiri doonin saameyn dhanka deegaanka ah oo qodidda ceelkan ay ku yeelan karto bulshada deegaanka.

"Waxaan ku faaneynaa wax ka qabashadeenna badqabkeenna, caafimaadka, iyo deegaanka, waxaana laga arki karaa warbixinteenna sanadlaha ah, ma jiraan dhibaatooyin deegaan oo ka dhashay howlaheenna wax qodidda," ayuu yiri Andrew.

Muranka shidaalka ee dowladda Soomaaliya iyo Somalilad

Genel energy

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bishii December ee sanadkii la soo dhaafay, dowladda Soomaaliya ayaa si caro ku dheehan tahay uga hadashay howlaha ay shirkadda Genel Energy shidaal qodidda uga sameyneyso deegaanno ka tirsan Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, arrintaas oo markii dambena ay war kasoo saareen mas’uuliyiinta Somaliland qudhooda.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markaas soo saartay war-saxaafadeed ay ku diidday wax ay ugu yeertay “sheegasho sharci darro ah” oo ay shirkadda Genel Energy ku sheegtay in ay heysato fasax ay sahmin shidaal uga sameyso Somaliland.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda ayaa looga digay khatarta ka dhalan karta maalgashi iyo sahminta ay shirkaddaas waddo.

Wasaaradda Batroolka ee Soomaaliya ayaa intaas ku dartay in ay iyada keliya tahay hay’adda sida sharciga ah u oggolaan karta howlo laga fuliyo gudaha Soomaaliya.

Shirkaddan ayaa sanadkii 2012 qorshaheeda shidaal sahminta ka billowday Somaliland, iyadoo heshiis la saxiixatay shirkadda OPIC Somaliland Corporation.

Dhanka kale, bishii October ee sanadkii hore, Soomaaliya ayaa heshiis shidaal sahmin ah la gashay shirkadda Coastline Exploration ee fadhigeedu yahay dalka Mareykanka.