Hurdo Soomaalida qaar caado u ah oo la sheegay in caafimaad muhiim ah ay leedahay

Xigashada Sawirka, Getty Images
In aan si joogta ah hurdo yar waqti ugu helno maalinkii waxay u wanaagsan tahay maskxadeenna waxayna inaga caawinaysa in ay korto maskaxdu, sidaasi waxa yiri cilmi baarayaasha jaamacadda London.
Kooxdu waxay muujiyeen in maskaxda dadka maalinkii indha guduudsada ay tan dadka kale ka weyntahay 15 sentimitar oo saddex jibbaaran taas oo u dhiganta dib dhigis gabow oo saddex illaa lix sano ah.
Hase yeeshee waxay saynisyahannadu soo jeediyeen in hurdadan iyada ah lagu koobo wax ka yar nusu saac.
Balse waxay sheegeen in hurda maalinkii ahi ay ku adagtahay dadka qaar ee ka shaqeeya meela badan oo kala duwan xamaasadda shaqada awgeed.
“Waxaan soo jeedinaynaa in qof waliba uu ka faaiidayo hurdo yar oo maalinkii ah,” ayey tiri Dr. Victoria. “ waxay ku tilmaantay natiijada mid farxad leh oo wanaagsan”.
Waxaa la ogaa in hurdada yar ee maalinkii ay aad muhiim inoogu tahay xilliga caruurnimada, iyo in ay aan aad loo daneyn inta aan soo weynaanano balse dib loo soo celiyo xilliga da’da, iyada oo 27% dad ka weyn 65 ay soo sheegayaan in ay maalinkii seexdaan.
Dr Garfield waxa ay sheegtay in talada seexashada ay tahay "wax aad u fudud" in la sameeyo marka la barbardhigo miisaan dhimista ama jimicsiga oo "ku adag dad badan".
Inta ay da’deenu weynaanayso maskaxduna way sii yaraataa, laakiin haddii hurdada maalinkii ay kaa caawin karto ka hortagga cudurrada sida cantatabka waxay weli u baahan doontaa cilmi-baaris dheeraad ah.
Guud ahaan caafimaadka maskaxda ayaa muhiim u ah ka hortagga cudurka ilowshaha waxaan tan lala xiriiriyaa hurdo la’aanta amaba hurdada oo xumata.
Cilmi-baarayaashu waxay soo jeedinayaan hurdo-xumodu inay dhaawacayso maskaxda waqti ka dib taasoo keenta caabuq iyo inay saamayso xiriirka ka dhexeeya unugyada maskaxda.
"Sidaa darteed, hurdada joogtada ah waxay ka ilaalin kartaa dhimashada neerfaha iyadoo buuxunaysa kaalinta hurdada yaraatay," cilmi-baare Valentina Paz ayaa tiri.
Si kastaba ha ahaatee, Dr Garfield shaqada dhexdeeda kama hesho meel xasiloon oo ay hurdo maalinkii ah seexato balse siyabo kale ayey u ilaalisaa caafimaadka maskaxdeeda.
"Runtii, waxaan jeclaan lahaa inaan 30 daqiiqo jimicsi sameeyo intii aan seexan lahaa, waxaan isku dayaa inaan kula taliyo hooyaday inay sameyso."
Sidee jawaabta lagu helaa

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
In hurdada la darso waxay noqon kartaa caqabad adag.
Indha guduudsigu wuxuu kobcin karaa caafimaadkaaga, balse sidoo kale wuxuu noqon karaa taas lidkeda maadaama caafimaadku uu kaa dhigi karao qof daallan saas dartedna aad u baahan doonto hurdo badan.
Saas darteed waxay cilmi-baarayaashu sameeyeen qaab xeeladaysan oo ay ku cadeynayaan in seexadka maalinkii uu faa’iido leeyahahy.
Waxay adeegsadeen tijaabo dabiici ah oo aad u weyn oo ku salaysan hiddi sidaha (DNA) lambarka hidde sidaha ee aan ku dhalanay. Daraasado hore ayaa lagu ogaaday 97 qaybood oo DNA-dayada ah kuwaas oo ama naga dhigaya kuwa kuwa u dhow inaan maalinkii seexanno ama awood innaa siinaya maalinka oo dhan.
Markaa kooxdu waxay xogta ka soo qaadatay 35,000 oo qof, oo da'doodu u dhaxayso 40 ilaa 69, oo ka qayb qaadanaya mashruuca Biobank loogu yeero ee Ingiriiska waxayna si fudud usugu barbar dhigeen hidde-sideyaasha "kuwa indha gaduudsada" iyo "kuwa aan sameyn".
Natiijooyinka, oo lagu daabacay joornaalka Hurdada, ayaa muujiyay farqi 15 sentimitir oo saddex jibbaaran ah- oo u dhiganta da’ 2 sano iyo bilooyin ilaa lix sano ah. Wadarta mugga maskaxda dadja daraasadda ka qayb qaatay waxay ahayd ilaa 1,480 senti mitir oo saddex jibbaaran.
"Waxaan ku raaxaystaa hurdo gaaban maalmaha fasaxa ah, daraasaddan ayaa igu qancisay inaanan dareemin hurdo caajis ah, xitaa waxay ilaalinaysaa maskaxdayda," Prof Tara Spires-Jones, oo ka tirsan Jaamacadda Edinburgh, isla markaana ah madaxa ururka ay ku mideysan yihiin saynisyahnnada neerfuhu ee British Neuroscience. ayaa sidaasi sheegtay.
Waxay sheegtay in natiijooyinka "xiisaha leh" ee daraasaddan ay muujiyeen "koror yar laakiin koboc weyn oo ku aaddan mugga makaxda" waxayna "ku daraysaa xogta muujinaysa in hurdadu ay muhiim u tahay caafimaadka maskaxda".
Cilmi-baadhayaashu si toos ah uma daraasayn hurdo badan oo maalinta badhkeed ah, laakiin waxay sheegeen cilmi-baadhistu in farta ku fiiqday hurdo nus saac ah maalinkii.















