Haddii aan cunno raashiinka Japan maka heleynaa cimri-dheeri?

Sushi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, What's the secret of Japanese food?

Dadka Japan waxay ka mid yihiin kuwa ugu cimriga dheer adduunka, iyadoo dadka dalkaasi ay qaarkood gaaraan 100 sano iyo ka badan. Afartan iyo siddeed qof oo katirsan 100,000 ee qofba ee dalkaasi ku nool ayaa nolol ku gaara qarni.

Ma jiro dal kale oo caalamka ka tirsan oo u soo dhow Japan. Waa maxay waxa ay heystaan ee aan innagu aynaan heysanin? Ma waxa ay cunaan baa?

Ancel Keys oo u dhashay Mareykanka, kuna takhasusay nafaqada ayaa sannadihii 1970-meeyadii wuxuu ka hadlay cunto-badeedka ay cunaan dadka dadka Talyaaniga, oo xilligaas ay aad ugu yareyd cunidda hilibka xoolaha.

Sanadihii 1990-meeyadii, baare kale oo nafaqada ku takhasusay oo lagu magacaabo Walter Willett, ayaa qoraal uu qoray ku xusay sababta bulshada Japan u cumri dheer yihiin, iyo tirada dadka u dhinta xanuunnada wadnaha oo aad u yar.

Tan iyo xilligaas, baaritaanno dhowr ah ayaa lagu tijaabiyay in arrintan lala xiriirin karo cuntada iyo in kale. Haddii ay taasi jirtana, waa kuwee noocyada cuntada ee ay tahay in aan annagana liiska ku darsanno?

seaweed

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Caleenta dhir ka dhex baxda dhagaxaanta xeebaha, oo lagu daray waxyaabo la khamiiriyay, ayaa ka mid ah cuntada aasaasiga ah ee Japan

Cuntada Japan waa mid ballaaran, sida uu sheegay Shu Zhang oo ah baare, mana ahan hal nooc keliya.

Weli, qiimeyn dhowaan lagu sameeyay 39 daraasadood oo lagu baarayay xiriirka ka dhexeeya cuntada Japan iyo caafimaadka, ayaa lagu ogaaday inay jiraan kuwo yar oo ay ka mid yihiin: cunto-badeedka, khudaarta, digirta nooca soy iyo waxyaabaha laga sameeyo, sida soy sauce, bariiska, iyo maraqa.

Miso soup

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Maraqa Miso ayaa leh faa'iidooyin aad u badan

Dabcan, guud ahaan, cunitaanka noocyadan cuntada ka mid ah ayaa lala xiriiriyay in ay dadka ka badbaadiyaan xanuunnada wadnaha, sida uu sheegay Zhang, inkastoo aysan ku jirin xanuunnada gaarka ah sida kansarka.

Arrinta xiisaha leh waxay tahay, inay sidoo kale u muuqato in lala xiriiriyay yaraanta dhimashada ka dhalata dhalmada.

Tsuyoshi Tsuduki, oo cilmiga cuntada ka dhiga Jaamacadda Tohoku, ayaa baaritaan ku sameeyay nooca cuntada Japan ee lala xiriirin karo cimri dheerirka.

Markii hore, isaga iyo saaxiibbadiis ayaa tiro-koobka qaranka u adeegsaday inay la yimaadaan cuntada loo nisbeyn karo Japan sanadihii 1990-meeyadii iyo qeyb ka mid ah cuntada Mareykanka isla muddadaas dhexdeeda.

Cuntooyinkan ayaa firinjeerka lagu qallajiyay, muddo saddex toddobaad ah ayaana lagu quudinayay jiir, kuwaas oo ay baarayaashu si aad ah ula socdeen caafimaadkooda.

A girl eating broccoli

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dhammaan cuntada Japan isku mid maaha

Jiirkii lagu quudiyay cuntada Japan waxaa la ogaaday in dufan yar ay ku jirto calooshooda iyo dhiiggooda, inkastoo labada cuntaba ay ku jireen xaddi isku mid ah oo dufan, borotiin, iyo karboon isugu jira.

Arrintaas waxaa lagu sheegay inay micno sameyneyso waxyaabaha ay ku kala duwna yihiin labada cunto ee ay ka kala sameysan yihiin sida hilibka iyo kalluunka; bariiska iyo qamadiga.

Marka si qoto dheer loo eego, baarayaasha ayaa u kuur galay cuntada Japan ee 50-kii sano ee ugu dambeeyay, iyo sida cuntadooda ay isku beddeshay muddo ka dib (gaar ahaan magaalooyinka waaweyn, oo cuntadooda ay saameyn ku yeesheen tan Reer-Galbeedka).

Waxay xusheen cuntada aasaasiga u ah dalkaas ee sanadihii 1960, 1975, 1990, iyo 2005, waxayna ku quudiyeen jiir, iyagoo caafimaadkoodana aad ula socday. Markan tijaabadu waxay socotay siddeed bilood.

Waxaa soo baxday inay kala duwan yihiin cuntada Japan.

Jiirkii lagu quudiyay cuntadii sannadkii 1975, khatar badan uma gelin xanuunka macaanka iyo beer-subagga. Marka loo eego kuwa kale, marka ay saynisyahannadu baareen beerkoodana, waxay ka heleen unugyo ka hortagaya inay sameysmaan dufanka.

Cuntadaas waxay gaar ahaan hodan ku ahayd dhir ka baxda dhagxaanta xeebaha, furutada iyo waxyaabo la khamiiriyay.

A man making chicken skewers

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Cuntada inta badan waa la kariyaa intii la dubi lahaa

Tijaabo kale oo ay ku sameeyeen cuntada sannadkii 1975, waxaa lala xiriiriyay cimriga dheer ee jiirka, xusuus fiican iyo dhibaatooyin yar oo ku yimid jirkooda marka ay gaboobeen. (Xaqiiqdii, Shu Zhang, iyo asxaabtiisa ayaa dhowaan daabacay natiijada baaritaanka ku saabsan in cuntada Japan lala xiriirinayo caafimaadka iyo firfircoonida dadka marka ay sii gaboobayaan.)

Cuntada ayaa sidoo kale caafimaad wanaagsan u horseedday bani'aadamka, sida ay ogaadeen kooxda Tsuduki.

Tijaabo muddo 28 maalmood socotay oo lagu sameeyay dadka uu miisaankoodu badan tahay oo cunaya cuntada Japan amaba cuntadii 1975, ayaa lagu ogaaday in kooxda qaadatay cuntadii sannadkii 1975 ay iska rideen miisaan badan.

Sirtu maxay tahay?

Plate of fish

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dalka Japan, cuntada waxaa aalaaba lagu daraa xaddi yar oo ah waxyaabo dheeri ah oo aad dhadhan u leh

Hadaaba, iyadoo taa la eegayo, sirtu waa maxay?

Haddii noocan cuntada Japan ay leedahay saameyn wanaagsan, waxay ku xiran tahay sida loo diyaariyo iyo sidoo kale nafaqada gaar ahaan ku jirta, sida uu qabo Tsuduki.

Cuntada waxay ka kooban tahay dhowr nooc oo kala duwan, iyo dhadhan kala duwan.

Waxyaabaha ay ka kooban yihiin inta badan waa la huuriyaa intii la dubi lahaa. Sidoo kale, waxaa lagu dheehaa waxyaabo badan oo dhadhan fiican leh, intii lagu dari lahaa cusbo iyo sokor badan.

Isku soo duub, waxaa laga yaabaa in cuntada Japan aysan sal u ahayn dhirta ka baxda xeebaha amaba soy sauce, balse ay tahay in diiradda la saaro noocyo kala duwan oo cunto ah oo qaab caafimaad leh loo kariyay, iyo iyadoo la badsado khudaarta iyo digirta.

Balse xilligan casriga ah waxaa dadka Japan ku adag in ay raacaan taladan.

Tirada dadka qaba xanuunka macaanka ayaa kordhaysay sanadihii la soo dhaafay.

Waa suurtogal inay wax iska beddelaan xaqiiqda ah in Japan ay ku nool yihiin dadka ugu cimriga dheer dunida.