Tan waa da'da aynu ugu farxad yar nahay nolosha (balse dib ayey ka wanaagsanaataa)

Afar dumar oo da' ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxa lagu sheego in dhibaatada cimri dhexaadku tahay, maaha arrin been ah. Sidaa waxa sheegtay daraasad mug leh oo laga sameeyey 132 dal oo uu sameeyey dhaqaale yahanka David Blanchflower.

Darasaddaas oo uu daabacay January, xafiiska cilmi baadhista dhaqaalaha qaranka oo ah mac-had Maraykan ah, ayaa Blanchflower waxay muujisyey in "hoobadka farxaddu" ka jiro dalalka badankooda.

Waxaa laga yaabaa in ay tahay wax dheer ee arimaha deegaanka iyo bulsho ee isku keen keena.

"Waa wax si qoto dheer ugu jiraa hidosidaha aadamaha," ayuu Blanchlower u sheegay BBC.

Dhibaatada cimri dhexaadka

Jaamacadda Edinburgh koox ka socotay ayaa waday daraasadan sheegtay in dhibaatada cimri dhexaadka ay keenaan arrimo bay'oolojiyeed ee aanay ahayn arrimo bulsho.

Getty
The dreaded slump

At which point of our lives does dissatisfaction settle in?

  • 48.2"Unhappiest age" in developing countries

  • 47.2"Unhappiest age" in developed countries

Blanchflower (2020)

Blanchflower oo bare ka ah kulliyada Dartmouth College ayaa ogaaday in celcelis ahaan in dadka ku jira da'da farxad la'aanta ah ee ku nool yihiin dalalka horumaray ay yihiin 47.2.

Dalalka soo koraya ayay ka yihiin 48.2 sannadood. Waana halka ugu hoosaysa celcelis ahaan, laakiin arrimuhu way is bedelaan. Hadaba waa maxay sababtu?

"47 marka ay ihiin dadku, waxay noqdaan dad xaqiiqada aqbala. Waxay isla markaaba aqablaan in aanay noqon karin madaxweynaha dalka," ayuu yidhi dhaqaaleyahankaas waxaanu ku daray in aanu rumaysnayn in aynu keli ku nahay xaaladdaas.

"Daanyeertu waxay sidoo kale muujiyaan hoobadka faxadda."

Blanchflower wuxuu tix raacayaa daraasad 2012-kii laga sameeyey 508 daayeer oo muujiyey in xawayaankuna leeyihiin dareenka farxadda markay gaadhaan 20 illaa 30 oo ah da'da u dhiganta midda aadanaha ee daayeerka.

Dhibaatadu dadka ayey jeceshahay

Waxa layaabka lihi waxa weeyi in hoobadkani soo noqnoqdo, dunida oo dhan, in kasta oo lagu kala duwanyahay dhaqaalaha iyo dhaqanka.

Waxaan dareennaa farxad marka aan kurayda nahay, marka aan ku sii dhawnahay dabayaaqada 40 jirka ayay hadan wax is bedelaan ka dib ayaan hadana farxad dareennaa, markaan sii gabowno.

Caadi ahaan waxay arrimuhu xumaadaan cimri dhexaadka, marka qofku ugu fayo qab badan yahay oo ah bilowga isbedellada nolosha ka dambaysa 50 jirka.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ka dib 50 sano jirka, Blanchflower wuxuu sharaxayaa "waxaad noqonaysaa mid intii hore ka mahadnaq badan."

Aduunka dadka ku jira heerkan ayaa ku nool 95 dal ee soo koraya iyo 37 dal oo kuwa horumaray ah ee daraasadda laga sameeyey, waxayna muujisay arrin la yaab leh.

"Waxay runtu tahay in dalalka celcelis ahaan mushaharku badanyahay ee dadka ku noolina ay cimir dheer yihiin marka la barbar dhigo meelaha aan sidaasi ka jirin," ayuu qoray.

Himilo kooban

Marka laga eego xaga cilmu nafsiga waxa jiro dhawr aragtiyood oo qeexi kara arrintan.

Waxaa ka mid ah in dadku markay weynaadaan ay ogaadaan meelaha ay ku fiicayihiin iyo meelaha ay ku liitaan. Waxaana hoos u dhacaya himiladooda aan suurto galka ahayn.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dood kalena waxay tahay in marka dadku mutafaa'ilka noqdaan ay u badan tahay in ay cimri dheeraadaan taas oo ay marag u yihiin daraasado aqooneed oo badan oo la sameeyey.

"Waxa dhici karta in dadka faraxsani ay caadi ahaan ka cimri dheeryihiin kuwa murugada badan," ayuu ku qoray Blanchflower, daraasad kale oo dhawaan soo baxday oo isla arrintaas uun ka hadlaysa - farxad la'aanta iyo da'da - taas oo sharixi doonta sababta dadka waawayn ay badanaa u faraxsanyihiin.

Waxa kale oo jira arinta dhaqaalaha: Blachflower wuxu ku dooday in cimriga dhexe marka lagu jiro nolosho sidoo kale ay dhibaatooyin soo gaadhaan, taas oo uga sii darta haddii qofka dhibaato adag oo dhaqaale soo marto sida tii dhacday 2008-9 kii.

Arrintaas ayaa sii adkaysa in qofku guud ahaan caqabadaha nolosha u adkaysto.

Isbedelka maskaxda

Jonathan Rauch oo ah cilmi baadhe ka tirsan mac-hadka Brookings ee ku yaal Washington ayaa sidoo kale darsay arintan oo ku faahfaahiyey buugiisii 2018-kii soo baxay ee The Curve of Happiness: Maxay nolosha u wanaagsanaataa ka dib da'da 50-ka sano?

Markuu waraystay khubaro badan oo cilmiyo kala duwan ku takhasusay (Blanchflower na ku jiro), Rauch wuxu ogaaday in maskaxda ay isbedello ku dhacaan marka aynu weynaano. Mar kastana ay hoos u dhacdo himiladeeda doonista oo ay isku koobto arrimo shakhsi.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Waa isbedel caafimaad, laakiin waxa jiro kala guur aan farxad badnayn ee xilliga cimir dhexaadka," ayuu qoray.

Rauch wuxuu sheegay in dhibaatada 40-ka "oo ah cimiriga himilada," ay tahay mesha ay dad badan hamigoodii wixii ay hiigsanayeen u rumoobaan.

Isagu sida uu qabo dadka da' yarta ahi waxay galaan "saadaal qaldan" sababtoo ah waxay buun buuniyaan farxadda taas oo keenta in la gaadhayo yool la doonayo.

Dhanka kale da'da weyni waxay shiiqisaa himilada waxaanay dadku yeeshaan xirfado kale oo ay ku maareeyaan shurcuurtooda.

Rauch wuxuu ku doodayaa in aanay ahayn in qof kastaa maro duruufta sida xanuunka, shaqo la'aanta iyo furiinka.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Sidaas oo ay tahay ayay haddan arrintu aad kor isugu bedeshaa oo aan la dafiri karin," ayuu qoray.

Rauch wuxuu ku dooday in halkii la iskaga deyi lahaa in "hoos u dhaca lala dagaallamo" aynu aqbalno fursada ay kordhinayso "ee fahamka, foojignaanta iyo sababaynta".

"Hoobadka farxaddu waa arin culays ah laakiin wax ka bedesha dareenka qofka oo na kobsica garaadkiisa si uu tartan uga galo dhinaca bulshada wadiiqo cusubna u furo qanaacadda iyo xikmada," ayuu ku daray.