Milicsi dhif ah; Nolol Maalmeedka Kuuriyada Waqooyi

Xigashada Sawirka, NK News
Iyadda oo warbaahinta caalamka ay buuxisey hanjabaadaha ay isweydaarsadaan Donald Trump iyo Kim Jong-un, dadka Kuuriyada Waqooyi nolol maalmeedka si caadi ah ayey isaga wataan.
Sawiro ay qaadeen koox ka socotey warbaahinta Kuuriyada Waqooyi, bishii Sebtember ayaa muujinaya, dadka oo nolol maalmoodkooda si caadiya isaga wata. Meelo kooban ayuun baa waxa ka muuqda saameynta cunaqabateynta iyo dacaayada lagaga soo horjeedo Mareykanka.
Dadka Kuuriyada Waqooyi oo sita cunto, oo heesaya ayaa waxay ku dalxiisayaan meel u dhow biya dhaca Ullim oo u dhow magaalo xeebeedka Wonsan, ma jiraan wax muujinaya xiisad, lagamana dareemayo wejiyadooda.

Xigashada Sawirka, NK News
Ardeydan oo jooga goob ardeydu timaado ayaa dalxiisaya iyaga oo xidhan dhar haddii aad usii fiirsatid ay ka muuqato calaamadaha shirkadaha Nike ama Adidas. Waxay u badan tahay in, dhalintana warba aanay u hayn in calaamadahan laga leeyahay dalalka reer Galbeedka.

Xigashada Sawirka, NK News
Markabkan weyn ee rakaabka ahi wuxuu isku xidhi jirey dekadaha Wonsan ee Kuuriyada Waqooyi iyo Niigata oo Jabaan ku taala. Adeegii markabkan ayaa la xidhey markii cunaqabateynta la saarey Kuuriyada Waqooyi sannadkii 2006dii. Ilaa waagaas ma uu shaqayn Markabkani, laakiin wali shaqaalihiisa wey joogaan.

Xigashada Sawirka, NK News
Cuntadan badda laga soo saaro waa la isku casuumaa, waxaana laga cunaa magaalooyinka xeebaha. Inta badan waa la dhoofiyaa, dadka deegaankuna ma cunaan.
Ilaa iyo intii cunaqabateyntii u danbeysay oo lagu mamnuucay dhoofitaanka cuntada badda, bishii Ogoost, iminka waxay u badan tahay in suuqyada wadanka laga helo.

Xigashada Sawirka, NK News
Muddo dheer, baaskiiladaha ku shaqeeya motoorka ee laga soo dhoofin jirey Japan iyo Shiinaha waxa lagu arki jirey uun magaalada caasimada ah, laakiin iminka waxa lagu arki karaa magaalooyinka yar yar, tan waxa laga yaabaa in ay muujineyso in dhaqaalaha Pyongyang uu si aayar ah uu kobcayo.

Xigashada Sawirka, NK News
Iyaddoo siddaas ay tahay gaadiidku waa bilow. Magaalooyin badan waxa ka buuxa baaskiilo.
Halkan waxa ka muuqda nin gaadhi lo' ku xamaalaya oo sida waxyaabo dib u warshadeyn lagu sameynayo ee magaalada Hamhung.

Xigashada Sawirka, NK News
Haweeneyda ku jirta sawirka dhexda, waxay haysataa bac balastiik ah oo ay sameysay shirkada Miniso. Sidda ay sheegeen warbaahinta Kuuriyada Waqooyi shirkadaasi markii ugu horeysey xagaagii ayey laan ka fureen magaalada caasimada ah, sabbabo la xidhiidha cunaqabateynta awgeed ayey shirkadu u xidhey laantii.

Xigashada Sawirka, Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi
Iyadda oo noloshu guud ahaan caadi u muuqato, waxa jira tilmaamo muujinaya in cunaqabateynta daba dheeraatay ay saameyn ku yeelato wadanka.
Qaar ka mid ah kaalmaha shidaalka ayaa xidhmeen, shidaal yaraanta awgeedna dadka qaar waxay sameysteen korontada ku shaqaysa qoraxda oo laga arki karo sartan oo ku taala magaalada u dhow soohdinta Kuuriyada koonfureed ee Kaesong.

Xigashada Sawirka, NK News
Iyaddoo ay jirto dhaqaale yari, laakiin waxa shaqeeya motoorka dacaayada, sannad kasta, maalinta qaranimada ayaa loogu damaashaadaa cayaaro magaalada dhexdeeda lagu qabto.
Gabadhan yari waxay u diyaar garoobeysaa damaashaadkaas.

Xigashada Sawirka, Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi
Cabsida la aaminsan yahay in ay ka imaneyso dibbada, markastaba wey taagan tahay.
Waxaa ku yaala wadooyinka boodhadh ay ku qoran yihiin halkudhigyo lagaga soo horjeedo Mareykanka. Dadka mas'uulka ka ah dalxiisayaashanna waxaa lasoo daawad siiyaa Madxafka la dhigo waxyaabaha dagaalka la xiriira ee taariikhda dalkaas.
Inkastoo xiisad taagan tahay, haddana waxyaabo badan oo dadka farxad geliya ayaa ka jira Kuuriyada Waqooyi.

Xigashada Sawirka, Alamy
Kuuriyada Waqooyi waxay markasta ku adkeystaan in ay diyaar u yihiin dagaal.
Biriijka waxa ku yaala kaabado loogu talagalay in ay celiyaan kaarayaasha.
Kaabadaha waxa ku hoos jira miinooyin loogu talagalay in lagu qarxiyo taangiyada haddii dalka lasoo weeraro si buundada ay u dunto.
Waa calaamado muujinaya in uu dalku dagaal diyaar u yahay.

Xigashada Sawirka, NK News
Dhamaan muuqaaladan waxa qaaday Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi.










