Trump iyo Kim Jong-un oo wali isu Hanjabaya

Diyaaradaha Mareykanka

Xigashada Sawirka, US PACIFIC COMMAND

Qoraalka sawirka, Diyaaradaha Mareykanka

Madaxwaynaha Mareykanka ayaa mar kale hanjabaad u jeediyay xukuumada Kuuriyada Waqooyi .

Madaxwayne Trump ayaa ka jawaabayay hadal ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Waqooyi oo khudbad kulul jeediyay.

Ri Yong-ho ayaa ku tilmaamay Mr Trump in uu yahay nin ay awooda madax martay islamarkana ku jira howlgal ismiidaamin ah.

Madaxwayne Trump ayaa ka jawaabayay hadalkaasi islamarkana sheegay in Mr Ri iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi aysan sii daahi doonin hadii aysan joojin ficilada ay wadaan.

Aflagaadadan cusub ayaa ku soo beegmaysa xilli diyaaradaha wax duqeeya ee Mareykanka ay ku dhawaadeen xeebta Kuuriyada Waqooyi.

Wasaarada gaashaandhiga Maraykanka ayaa sheegtay in u jeedkoodu ahaa in ay muujiyaan in Mareykanka ay khiyaarka ugu jirto tillaabo militari si khatarta loo soo afjaro.

Xiisadda ayaa sii kordhaysay tan iyo intii ay xukuumadda Pyongyang ay tijaabisay hubka Niyukleerka.

Iyada oo ay jirto hadalada kulul ee la is waydaarsanayo ayaa hadana khubarada waxa ay meesha ka saareen suurtagalnimada dagaal dhex mara labada dhinac.