Eeg sida adduunka noqday, nolol suurtogal ma tahay?
Cadadkii soo baxay bisha June, majaladda National Geographic waxa ay soo daabacday tiro sawirro ah oo muujinaya heerka dhibaatada adduunka ka taagan, gaar ahaan heerka uu gaaray wasaqoowga adduuunka, taas oo dhibaato aanan la sheegi karin ku haysa noolaha, gaar ahaan xayawaanka noocyadiisa kala duwan, kuwaas oo cuna ama ku rakada.

Xigashada Sawirka, NAtional Geographic
Kani waa sawirka ugu yaabka badan, iyada oo dhan waxa ay ku xayirantahay bac, balse nasiib wanaag waxaa badbaaday qofkii sawirka qaada kadib markii uu sawiray. Waa dalka Spain.
Hal bac waxa ay dili kartaa wax ka badan hal noole: baqtiga waa uu dhammaanaya, balse bacda waa ay haraysaa, kadibna noole kale ayaa cunaya oo haddane ku dhimanaya.

Xigashada Sawirka, Jordi Chias / NAtional Geographic
Qubahan waxa uu ku martay shabaag badda gunteeda taala, waana xeebta dalka Spain, ma kula tahay in uu ka badbaadi karo, haddii aanan loo gargaarin?
Qubaha ayaa madaxa kor ugala soo baxda badda si ay neef u qaadayo, balse marka ay shabaagtan ku rakantahay, ma kula tahay in ay hawo qaadan karto?.
Agabka kalluumaysiga ee badda lagu xooro ayaa halis aad u badan ku haya noolayaasha badda ku dhex nool.

Xigashada Sawirka, SHAWNMILLER2014
Halkani waa Okinawa, Japan, waxa ka muuqda suulgoys hoy moodey furka caagad oo meesha ay dad ku tuureen.
Dadka xeebta aada ayaa uruursada aleesha, taas oo noolahan ka caawin jiray in ay gabbaad ka dhigtaan, taas badalkeed qashin kale ayay ku tuuraan xeebta.

Xigashada Sawirka, NAtional Geographic

Xigashada Sawirka, Randy Olson
Haweenay ka muuqata sawirka ayaa kala fidinaysa bacaha oo warshad laga soo saaray, marka dambane waxaa loo suuqgeeyaa suuqyada.
Tiro yar oo ka mid ah bacda ayaa dib loo warshaqeeyaa, taas oo ka dhigan in badankeed ay arlada ku maqantahay, halisna ku hayso.

Xigashada Sawirka, Brian Lehmann / National Geographic
Halkani waa magaalada Harar ee dalka Itoobiya, waxaa sawirka ka muuqda dhurwaaya wax ay cunaan ka baaranaya meel qashinqub ah.

Xigashada Sawirka, Randy Olson / NAtional Geographic
Caagadaha iyo bacaha ayaa buux dhaafiyay biyo dhaca dabiiciga ah ee Cebeles, ee bartamaha magaalada Madrid, halkaasna waxaa yaala illaa 600.000 caagado la halgaaday ah.

Xigashada Sawirka, Justin Hofman / National Geographic
Noolahan waxaa loo yaqaanaa faras badeed, waxa uu ku dhegaa cawska iyo laamaha ka baxa badda gunteeda, balse hadda eeg waxa uu ku dhaganyahay qoriga dhukeyka. Sawirqaadihii qaaday muuqaalkan Justin Hofman ayaa sheegay in uu rajaynayo in sawirkan uusan jiri lahayn.










