Shan feeraryahan oo muujiyay in la sameysan karo nolol ka baxsan musaaracadda

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, .

Inaa xirfad ahaan u doorato musaaracada ama noqoto feeraryahan ayaa ah mid u baahan adkeysi badan iyo naf-uhurid xooggan.

Marka la eego khataraha joogtada ah sida dhaawaca iyo ku dadaalida istcimaalka raashiin dheeli-tiran, majirto waddo sahlan oo lagu noqon karo xiddig ama lgu yeelan karo magac.

Balse sida inta badan lagu yaqaano ciyaaraha, xirfada noocaan ah ayaa caadiyan mid lagu nagaado muddo kooban.

Marka haddaba maxaa ay qabtaan feerarayahandu marka ay isaga tagaan xirfadahooda?

Perhaps Glenn Jacobs, oo taageerayaashiisa musaaracada u yaqaanaan Kane, ayaa ka warramaya waxyaabaha dhiirigalinta ah.

Perhaps Glenn Jacobs, oo 51 sano jir ah ayaa loo doortay meeyarka gobolka Tennessee oo ka tirsan Mareykanka.

Balse ma ahan feeraryahankii ugu horeeyay ee yeesha xirfad labaad.

Waa kuwaan shan ka mid ah feeraryhanada ugu caansan caalamka oo yeeshey xirfado kale.

1. Jesse Ventura

Jesse Ventura

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Jesse Ventura

Ninkaan ayaa lagu naaneysaa "Murqa weyne", waxa uuna caan ku noqday musaaracada iyo faaleynta sanadihii 1970 ilaa 1980.

Kaddibna waxa uu u xusul duubtay inuu meeyar ka noqdo gobolka Minnesota ka hor inta uusan qabanin xaflad uu uga tagayo shaqadan sanakdii 1998 si uu u noqdo meeyarka gobolkaasi.

Caqabad kasta oo uu kala kulmay hadafkiisa ugu dambeyntii waa uu ka guuleystay, waxa uuna sidoo kale ka guuleystay musharaxiinta u tartameysay labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqaraadiga.

"Haatan maxay tahay inaa qabanyo?" ayuu yiri daqiiqado kaddib guushiisii.

2. Dwayne Johnson

Dwayne Johnson

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dwayne Johnson

Dwayne "the Rock" Johnson, Xirfadiisu waxa ay ka bilaabatay inuu ka mid noqdo Kooxda Kbadda Cagta ee Mareykanka balse mardambe ayuu isaga baxay kooxda kubada Cagta sanadkii 1995.

Waxa uuna noqday mid ka mid ah feeraryhanada ugu caansan caalamka xiliyadii 1990-kii, isaga oo la hardamayay saaxiibadiisa Steve Austin iyo Triple H.

Waxa xataa mar lagu qalqaaliyey ninkaa in uu noqdo siyaasi si uu ugu dambaysta isugu sharraxo madaxweyne nimo sanadka 2020 laakiin arintaa wuxu ka laabtay horaantii sannadkan.

3. Hulk Hogan

Hulk Hogan waa feeraryahan caan ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Hulk Hogan waa feeraryahan caan ah

Hulk Hogan waxa uu bilaabay xirfada feeraryhannimada sanadkii 1977, waxa uuna noqday mid ka mid ah feeraryahanada ugu caansan caalamka.

Xilli hore waxa uu dhowr mar ku guuleystay abaal marinada ugu sareeyo musaaracada.

Hulk Hogan oo horey u lahaa xirfad dhanka korontada ah, ayaa waxa ay ku gacansiisay in isaga iyo ehelkiisa ay sameystaan telefishin taasi u gaar ah.

Telefishinkaan ayaana waxa uu baahin jiray barnaamij loogu magac daray Hogan Knows Best- kaasi oo soconayay labo sano.

Sidoo kale waxa uu albaabada u furay tiro maqaayado ah, oo ay ka mid tahay maqaayad muddo yar ku taalay gobolka Minnesota.

4. Dennis Knight

Inkasta oo uusan caan u ahayn sida saaxiibadiisa musaaracada ee Hulk Hogan iyo Rock, Haddana Dennis Knight ayaa xirfadiisa feeraryahannimo waxa ay sii jirtay ku dhawaad toban sano.

Waxa uu lasoo shaqeeyay isaga oo naynaasyo kala duwan wata dhowr shirkaddo ah oo ay ka mid yihiin Mideon iyo Tex Slazenger.

Dabayaaqadii 1990 waxa uu ku guuleystay abaal marin waxa uuna horkacayay kooxo badan oo ka qeybqaatay tartamo kale.

Haseyeeshee, Dennis Knight waxa uu bilaabay xirfad kale waxa uuna noqday cuno kariye. Waxa uu sidoo kale ka furtay Clearwater iyo mgaalada Florida shirkaddo sameeya cunooyinka fudud oo uu isagu gaar u lahaa.

5. Debrah Miceli

Xidigta Debrah Miceli

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xidigta Debrah Miceli

Debrah Miceli, waxaa sidoo kale loo yaqaanaa Alundra Blayze iyo Madusa, waxa ayna ahayd ku dhawaad 20 sano feeraryahan laga baqo.

Yaraanteydii iskuulka waxa ay ku fiicneed orodka balse tan iyo markii ay isaga tagtay orodyahnimada waxa ay gaartay guulo badan.

Sanadkii 2000 ayay noqotay darawal gawaarida xamuulk ah, waxa ayna ka mid noqotay dumarka tirada yar ee leh xirfada darawalnimada.

Miceli waxa ay noqotay haweyneydii ugu horeysay ee ku guuleysata tartanka caalamiga ee jambiyoniska loo yaqaano Monster sanadki 2005, iyada oo ka guuleysatay tababaraheedii Dennis Anderson.