Daweynta Kansarka: Kaniiniga qof walba uu isticmaalo ee daweeya kansarka horaadada

woman taking aspirin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kaniiniga loo yaqaanno "Aspirin" ee badanaa dadku ay wada yaqaannaan ayaa ka qeyb qaadan kara la dagaallanka kansarka aadka saameynta u leh ee ku dhaca naasaha, waxa uuna xoojinayaa shaqada dawooyinka kale ee loo adeegsado xanuunkaas, sida ay sheegeen dhakhaatiir cilmi baaris sameysay.

Burooyinka kansarka wata ayuu Aspirin-ta adkeynaysaa si aysan uga baxsanin dawada la dagaallameysa, sida ay khubaradu sharraxeen.

Kooxd dhakhaatiir ah oo ka tirsan hay'adda "Christie NHS Foundation Trust" ee magaalada Manchester ayaa billaabaya tijaabo arrintan ku saabsan oo lagu sameynayo bukaannada qaba kansarka naasaha.

Waxay ka shakisan yihiin in awoodda uu kaniiniga aspirin-ka u leeyahay ka hortagidda xanuunka iyo kuleylka jirka dhexdiisa ay sidoo kale gacan ka geysato xoojinta dawooyinka kansarka.

Daraasado lagu sameeyay xayawaanno ayaa durbaba lagu ogaaday natiijooyin dhiirigelin leh.

Dumarka da'da yar

Waxaa jirto caddeyn loo hayo in aspirin-ka uu ka hortagi karo noocyo kale oo ka mid ah kansarka, sidoo kalena uu hoos u dhigi karo khatarta fiditaanka ee cudurkaas.

Balse lama gaarin waqtigii dadka lagu dhiirrigelin lahaa inay isticmaalaan kaniinigaas, maadaama loo baahan yahay daraasado kale oo dheeraad ah.

Qiyaastii 8,000 oo haween ah ayuu sannad walba kansarka horaadada ku dhacaa, dalka UK, sidoo kalena waa xanuun faro ba'an ku haya guud ahaan caalamka. Pakistan ayaa ka mid ah meelaha uu saameynta ugu badan ku yeeshay.

Ma ahan nooca ugu badan ee kansarka balse khatartiisa ayaa aad u weyn, inta badanna waxa uu bartilmaameedsadaa dumarka da'da yar.

Waxaa jira dawooyin kale oo wax ka qabta la dagaallanka cudurkan, kuwaas oo in muddo ah la adeegsanayay. Hase ahaatee waa marka xilli ku habboon la ogaado jiritaankiisa.

'Mid khatar gaar ah leh'

Tijaabada la sameynayo, oo ay maalgelisay hay'adda cilmi baarista "charity Breast Cancer Now", ayaa qaar ka mid ah bukaannada lagu siin doonaa aspirin-ta iyo dawooyinka kale ee loo yaqaanno "avelumab" ka hor inta aan qalliin lagu sameynin.

Beth

Xigashada Sawirka, Breast Cancer Now

Qoraalka sawirka, Beth waxay ka mid tahay bukaannada laga daweeyay kansarka

Haddii lagu guuleysto, waxaa la sameyn doonaa tijaabooyin dheeraad ah oo lagu sameyn doono noocyada kansarka naasaha ee aan la daweyn karin.

Marxaladda aan la daweyn karin waa marka unugyada wata kansarka ay usii gudbaan qeybaha kale ee jirka qofka.

Beth Bramall, oo 44 jir ah, kana soo jeedda Hampshire waxa uu kansarka ku dhacay sannadkii 2019-kii.

Wxay tiri: "Ma jiro nooc kansarka ka mid ah oo sahlan balse midka igu dhacay loo yaqaanno "triple negative" waa mid khatar gaar ah leh, fursadda daweyntiisana ay aad u yar tahay, qorshaha daweyntiisana uu muddo dheer qaadanayo."

"Waxaa ii harsan labo sano oo dheeraad ah oo ay daawada ii soconeyso, ka dibna baaritaanno dheeraad ah la igu sameyn doono," ayay sii raacisay hadalkeeda.

Hab cusub

Woman holding aspirin tablets in her hand

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dr Anne Armstrong oo hoggaamineysa daraasadda tijaabada ah ayaa tiri: "Dhammaan noocyada kansarka naasaha kuma dawoobaan habka daweynta ee lagu xoojiyo difaaca jirka ee loo yaqaanno "immunotherapy".

"Tijaabada lagu sameynayo isticmaalka dawooyinka uu ka mid yahay aspirin-ta waa mid aad u xiiso badan, sababtoo ah waa kaniini meel walba laga heli karo, kharashka soo saaristiisana uusan badneyn.

"Waxaan rajeyneynaa in tijaabadeenna ay muujin doonto arrintaas, marka aspirin lala mideeyo habka xoojinta difaaca jirka wuxuu badinayaa saameyntiisa waxaana laga yaabaa inuu ugu dambeyn abuuro hab cusub oo lagu daweeyo kansarka naasaha."

Dr Rebecca Lee oo qayb ka ah cilmi baaristan ayaa sheegtay in natiijooyin lagu ogaaday sheybaarka ay muujiyeen in aspirin-ka uu gacan ka geysan karo ka hortagista kansarka, gaar ahaan inuu ka difaaco wiiqitaanka difaaca jirka, balse waa marka uu la fal galayo dawooyinka kale.

"Waxaan rajeyneynaa in aspirin-ka uu yareeyo kuleylka gudaha jirka ah, si markaas uu difaaca jirka awood buuxda ugu yeesho inuu dilo unugyada kansarka wata," ayay tiri.