Siduu wiilkan shan jirka ah ugu biiray booliska Mareykanka?

Dayrtii hore, Cameron Baker waxaa laga helay heerka shanaad ee kansarka kalyaha ah oo dhif iyo naadir ah.
Waqooyiga-galbeed ee gobolka Indiana hay'adda sharci-fulinta ayaa wiilka siisay calaamadda sheriff oo micneheedu tahay inuu ka mid noqonayo booliska ama ciidamada ammaanka taas oo loogu dabaaldegayo ka soo kabashadiisa cansarka.
"Hooyo Susanne Baker ayaa tiri "ma jirto wax ka wanaagsan inaad maqasho ereyada ah inaad u dabbaaldegayso canuugaaga ooo ka raystay kansar, "laga bilaabo maalinta koowaad ee lagu sheegay xanuunlka had iyo jeer waxaa jirtya rajo."
Cameron ayaa kansarka keliyaha laga helay dhammaadkii sannadkii 2020-ka. Isaga iyo qoyskiisa ayaa u dabbaal-degay daweyntiisa xanuuunka.
Jason Baker, oo ah aabahii ayaa yidhi "Maanta waxay ahayd maalin farxad iyo xoogaa murugo leh". "Runtii, hadal kuma sheegi karo safarkii aan soo marnay."
Xilligan taariikhiga ah waxaa xitaa ka sii qaas ah Amarka Bilayska ee ismamulka Lake oo, oo ay weheliyaan dhammaan sharci fulinta waqooyi galbeed Indiana, iyagoo qorsheeyay xaflad gaar ah oo lama filaan ah, oo ay ku dhameystiran yihiin ilaalo dhameystiran oo bilays ah iyo maamuus sharafeed.
Kadis ayaa munaasabadda looga dhigay, markii loo yeeray ee gitaarka la garaacay aad ayuu u naxay Cameron oo waa uu qaadan waayay bilad sharafeedkaasi.
Waa uu istaagaay isagoo baqaya waxaa hal mar istaagay saraakiisha iyagoo ku maamuusaya wiilkan ee ka adkaaday xanuunka kansarka.
"Waa shan jir oo misaankiisu yahay 20 kiilo iyo bar, waana arrim mucjisa ah in wiilkaan yar uu ka kaco kansarka, waa arrin dhif iyo naadir ah," ayuu yiri hogaamiyaha ismaamulka Lake.
"In inagoo sidaan u badan aan ka soo qeybgalno xafladda Cameron oo ka badbaaday xanuunka cansarka waa tallaabo boogaadin mudan," ayay tiri Susanne Baker oo dhashay wiilka yar.
Waalidiintiisa ayaa u mahadceliyay maamulka, iyagoo sheegay in dhiiragelintan ay u horseedaysa mutaqbal wanaagsan waxayna rajeynayaan in wiilkooda keliya aysan ku ekaanin oo la sii wado boogaadinta noocaan ah.
Jason Baker oo ah aabaha dhalay wiilka ayaa yiri: "xanuunka kansarka ma ahan inaad ka niyad jabto oo dhimashada uun sugto waan la dagaalanataa ilaa aad ka adkaanayso."
Waalidiinta Cameron waxay sheegeen in akhlaaqda wanaagsan ee wiilkooda ay gacan ka gaysatay sidii qoysku u wajahay xilliyadii ugu adkaa, halka Cameron uu sheegay in walaalkiis ka weyn, oo 10 jir ah oo la yiraahdo Weston, uu ahaa taageeradiisii iyo dhiirigelintiisii ugu weyneyd.










