Maamulka Trump oo sheegay in ciidamo dheeraad ah loo diri doono Minnesota

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Maamulka Trump ayaa sheegay in ay boqollaal kale oo ka mid ah saraakiisha federaalka u diri doonaan magaalada Minneapolis, maalmo kadib geeridii haweeney uu toogtay sarkaal ka tirsan waaxda Socdaalka iyo Kastamyada Mareykanka ee magaaladaas.
Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem ayaa u sheegtay Fox News in "boqollaal kale" loo diri doono aaggas "si loogu oggolaado ICE iyo shakhsiyaadka ilaalada xudduudaha ee ka shaqaynaya Minneapolis inay si nabad ah u gutaan waajibaadkooda."
Dibad-baxyo looga soo horjeedo sharciga socdaalka ayaa lagu qabtay magaalooyin badan oo Maraykanka ah ka kaddib markii Renee Nicole Good, oo 37 jir ah, la toogtay iyadoo ku jirta gaarigeeda Arbacadii.
Maamulka Trump ayaa sheegay in wakiilku uu u dhaqmay si is-difaac ah. Saraakiisha deegaanka ayaa ku adkeysanaya in haweeneydu aysan wax khatar ah samayn.
Noem, waxay sheegtay in saraakiishu gaari doonaan "maanta iyo berri" waxayna ka digtay in tallaabooyin la qaadi doono haddii dadku isku dayaan inay carqaladeeyaan shaqadooda.
"Haddii ay sameeyaan dhaqdhaqaaqyo rabshado ah oo ka dhan ah sharci fulinta, haddii ay carqaladeeyaan hawlgalladayada, taasi waa dambi, waxaana kula xisaabtami doonnaa cawaaqibka ka yimaada," ayay tiri.
Banbaanbaxayaal ayaa isku soo baxay Minneapolis sabtidii, kuwaas oo looga soo horjeeday ICE, sidaas oo kale dibad-baxyo la mida ayaa ka dhacay meelo ka duwan oodalka Maraykanka ah oo ay ku jiraan magaalooyinka Austin, Seattle, New York iyo Los Angeles.
Booliska Minneapolis waxay qiyaaseen in "tobanaan kun oo qof" ay ka qayb galeen banaanbaxa "ICE ha ka baxdo Minnesota" iyo banaanbixii socodka, kaasoo ka bilaabmay Powderhorn Park Sabtidii.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Duqa Magaalada Minneapolis, Jacob Frey, wuxuu sheegay in mudaaharaadku ahaa "mid nabdoon".
Booliisku waxay sheegeen in 31 qof la xiray ka dib markii ay jireen mudaharaadyo Jimcihii iyo Sabtidii.
Minnesota hore ayaa loogu arkay koror tirada saraakiisha fulinta sharciga federaalka ah maadaama maamulka Trump uu xoojiyay dhaqan gelinta sharciyada socdaalka ee gobolka.
Iyadoo la hadlaysa CNN, Noem ayaa sidoo kale laba jibaartay qiimeynteeda in Good ay ku kacday fal "argagixiso gudaha ah", iyadoo sheegtay inay "hub ka dhigtay" baabuurkeeda" si ay u weerarto sarkaalka ICE.
Isagoo ka jawaabaya hadalkaas, Frey ayaa u sheegay CNN "Qof kastaa wuu arki karaa in dhibbanahani aanu ahayn argagixiso gudaha ah", wuxuuna sheegay in ficilkeedu uu ahaa qof isku dayay inuu sameeyo wareeg saddex geesood ah si uu uga baxsado goobta.
Duqa magaalada Minneapolis wuxuu intaas ku daray in ciidamada sharciga ee maxaliga ah "tirada ahaan ay ka yaraayeen tirada wakiillada ICE iyo kuwo kale"
Axaddii, senatarrada laga soo doorto Minnesota Tina Smith, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayaa ku eedeysay maamulka Trump inuu isku dayay inuu qariyo toogashada.
"Waxaan u maleynayaa waxa aan halkan ka aragno waa dowladda federaalka, Kristi Noem, Madaxweyne-ku-xigeenka Vance, Donald Trump, oo isku dayaya inay daboolaan waxa halkan ka dhacay," ayay Smith u sheegtay ABC News.
"Uma maleynayo in dadka halkan iyo dalka ku nool ay aaminsan yihiin," ayay intaa raacisay.

Xigashada Sawirka, Bloomberg via Getty Images
Bayaan ay soo saartay, afhayeenka Aqalka Cad, Abigail Jackson, ayaa ku eedeysay Smith inay sheegtay been, iyadoo tiri: "Beenta Tina waxay kaliya u adeegtaa inay sii huriso xiisadaha iyo kicinta rabshadaha ka dhanka ah saraakiisha fulinta sharciga."
Muuqaallo laga soo duubay dhacdada ayaa muujinaya wakiillo ICE oo gaariga ku soo socda isagoo jooga bartamaha waddada, iyaga oo ku amraya haweeney fadhida kurisga wadaha inay ka soo baxdo gaariga noocisu ahaa ahaa SUV. Mid ka mid ah wakiillada ayaa gacanta ku haystay daaqada dhinaca darawalka.
Markii gaariga uu isku dayay inuu dhaqaaqo ayaa mid ka mid ah wakiiladii ku sugnaa afaafka hore ee gaariga uu qoriga ku taagay darawalka, waxaana la maqlayay dhowr xabbadood.
Gaariga ayaa ka dib sii socday isagoo ka sii fogaanayey sarkaalka kadibna uu u leexda wadada dhinaceeda.
Askariga rasaasta ku furay Good waa Jonathan Ross, oo ah wakiilka ICE oo khibrad dheer leh, kaas oo horay ugu dhaawacmay isaga oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo markii uu gaari jiiray.
FBI-da ayaa sheegtay inay baaritaan ku sameyn doonto toogashadaasi.
Jimcihii, mas'uuliyiinta Minnesota waxay sheegeen inay furan doonaan baaritaankooda ka dib markii ay sheegeen in laga joojiyay baaritaanka federaalka. Markii hore, madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance wuxuu sheegay in baaritaanku uu yahay arrin federaal ah.













