“Xasan Sheekh Maxamuud awood uma laha inuu idin keeno halkan” Somaliland oo si adag ugu jawaabtay Turkiga

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Wasiirka madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland Khadar Xuseen Cabdi oo goor dhow qoraal soo dhigay bartiisa X ayaa ka hadlay warkii kasoo baxay dowladda Turkiga ee ku aaddanaa aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland.
“Waxaa wax lala yaabo ah in 35 sano kadib oo ay iska indha tirayeen dadkeenna iyo qadiyadeenna, in dawlada Turkigu si lama filaan ah u ogaatay muhiimadda istiraatijiyadeed ee Somaliland. Waxaa ka sii niyad jab badan in garashadani ay isu rogtay cadaawad. Run fudud ayaa ah mid taagnaaneysa: kani waa dhulkeenna. HSM sharci iyo awood midna uma laha inuu halkan idin keeno-laakiin waxaanu leennahay sharci iyo awood aanu ku martiqaadno saaxiibadeenna” ayuu ku yiri qoraalkiisa barta X.
Hadalka wasiirka ayaa yimid maalin kadib markii wasiirka arrimaha dibada Turkiga Hakan Fidan oo ka hadlayay arrimo badan oo caalamka uu sheegay inay tahay nasiib darro weyn oo ku dhacday Somaliland isagoo kala jeeday aqoonsiga ay israa'iil ka heshay.
Isaga oo ka hadlaya ayuu yiri: “waxaan u arkaa aqoonsiga Israa'iill ee Somaliland inuu yahay musiibo ugu weyn oo ku dhici karta Somaliland. Maxaa noqon kara musiibo ka weyn tan oo ku timaadda bulsho Muslim ah, ama hay’ad siyaasadeed oo Muslim ah? Qofna ma aqoonsana, Israa'iil ayaana ku aqoonsatay. Ma aha sababta aad tahay, laakiin sababtoo ah waxaad u adeegaysaa ujeedo xun, siyaasadooda gobolka ah. Haddii Ilaah kuu oggolaaday arrintan, waa ceeb iyo ciqaab weyn dhab ahaantii. Tani waxay ka dhigan tahay in qofku u baahan yahay inuu is xakameeyo.” Ayuu yiri.
















