Pakistan: Dabaaldeg aroos oo tacsi isu beddelay

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Gabriela Pomeroy
- Author, Usman Zahid
- Reporting from, in Islamabad
Lammaane dhowaan aqal galay ayaa geeriyooday kadib markii uu ku qarxay guri ay ka degganaayeen magaalada Islamabad ee dalka Pakistan xilli ay hurdayeen, sida ay booliisku sheegeen.
Lix qof oo kale - oo ay ku jiraan martidii arooska iyo xubno qoys - oo halkaas ku sugnaa ayaa iyaguna ku dhintay qaraxa. In ka badan toban qof ayaa ku dhaawacmay.
Qaraxa ayaa dhacay shalay abbaare 07:00 xilliga gudaha, kaasoo sababay in saqafka sare uu soo dumo.
Qaybo ka mid ah darbiyada ayuu qaraxu la kacay, taasoo keentay in bulukeetiyo, alwaaxyo waaweyn oo shub ah iyo alaabta guri ay dhulka ku daataan. Dadka dhaawaca ah ayaa ku hoos jiray burburka hoostiisa, waxaana shaqaalaha samatabixintu ay ku qaadeen bareello.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shaqaalaha gurmadka deg degga ah ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay gaaska oo dibadda usoo baxay, kaasoo qolka buuxiyay kadibna qarxay. Saddex guri oo deris la ah ayay sidoo kale waxyeello soo gaartay.
Guddoomiyaha golaha Senetka ee Pakistan, Yusuf Raza Gilani, ayaa ku tilmaamay "dhacdo qalbi jab leh oo dabaaldag u beddeshay murugo".
Xaniif Masih oo ah aabbaha dhalay wiilka arooska ah ayaa sheegay in wiilkiisa uu guursaday maalin ka hor, lammaanaha is guursaday oo ay wehliyaan xubno qoys iyo marti ayaa ku jiray guriga xiliga qaraxa uu dhacayay.
Masih wuxuu sheegay in qof walba uu seexday abbaaraha 03:00 waqtiga maxalliga ah Axadda (22:00 GMT ee Sabtida), uuna ku soo toosay burburka.
Wiilkiisa, gabadhii uu soddogga u ahaa, xaaskiisa iyo dumaashidiis ayaa dhammaantood geeriyooday.
Booliiska ayaa sheegay in ay xireen goobta uu qaraxa ka dhacay, islamarkaana ay baarayaan sida uu u dhacay qaraxa. Saraakiisha dambi baarista oo xiran suud cad ayaa loo diray in ay burburiyaan burburka.
Taliye ku xigeenka booliiska Sahibzada Yousaf ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in eeyaha wax uriya iyo tignoolajiyadda casriga ah loo adeegsaday si loo hubiyo in qof walba laga soo badbaadiyay burburka.

Xigashada Sawirka, EPA
Qoysas badan oo Pakistani ah ayaa shidaal iyo cunto karinta u isticmaala gaaska dareeraha ah. Haanta gaaska ayaa lala xiriiriyay shilal kale oo dad badan ay ku dhinteen oo ay sababaan gaaska oo kasoo dusa haanta.
Gilani ayaa walaac ka muujiyay qaraxa, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in wax badan laga qabto si loo xakameeyo "isticmaalka gaaska ee aan badbaadada lahayn".
"Dhacdooyinka noocan oo kale ah waxay dalbanayaan in waaxaha ay khusayso ay u gutaan waajibaadkooda si dhab ah ayna xaqiijiyaan tallaabooyinka amniga," ayuu ku yiri hadal uu la wadaagay warbaahinta maxalliga ah.













