Abubakar Cabdullaahi: Imaamka heystay billad-sharafta ugu sarreysa diinta oo geeriyooday

Imaam Abuubakar Cabdullaahi wuxuu rabay in bulshooyinku nabad ku wada noolaadaan

Xigashada Sawirka, US Embassy Nigeria

Qoraalka sawirka, Imaam Abuubakar Cabdullaahi wuxuu rabay in bulshooyinku nabad ku wada noolaadaan
    • Author, Damian Zane
    • Author, BBC Hausa

Imaam u dhashay dalka Nayjeeriya oo helay aqoonsi caalami ah oo uu ku badbaadiyay boqollaal qof oo u badan dad Kiristaan ​​ah intii ay rabshaduhu ka dillaaceen dalkaas ayaa geeriyooday isaga oo 90 jir ah.

Abuubakar Cabdullaahi ayaa waxa uu la xanuunsanayay xanuun dhanka wadnaha ah, waxaana lagu daweynayay isbitaal, halkaasi oo uu ku geeriyooday habeennimadii Khamiista, sida uu BBC Hausa u xaqiijiyay wiil uu dhalay.

Sannadkii 2018-kii, imaamku waxa uu arkay qoysas badan oo quus ah, oo cabsi qaba oo ku soo yaacay tuuladiisa oo ku taalla gobolka Plateau, ee bartamaha Nigeria, waxana uu go'aansaday in uu naftiisa biimeeyo si uu u badbaadiyo tooda. Dhammaan waxa uu hoygiisa iyo masaajidkaba ku martigeliyay 262 qof.

Si loo aqoonsado waxa uu qabtay, Cabdullaahi waxaa la siiyay mid ka mid ah maamuuska qaran ee ugu sarreeya iyo abaalmarinta xorriyadda diinta oo ay bixiso waaxda dawladda Mareykanka.

Abubakar

Xigashada Sawirka, SOCIAL

"Ilaah wuxuu u abuuray bini'aadamka si kala duwan, laakiin wuxuu rabaa inaan ku wada noolaanno nabad iyo is-afgarad, oo aynaan is dhibin," ayuu yiri Cabdullaahi xilligaasi.

Dadka uu badbaadiyay waxay ka yimaadeen tuulo deris la ah. Waxay ka baxsanayeen ilaa 300 oo nin oo si fiican u hubaysnaa - kuwaas oo looga shakisanaa inay yihiin xoolo-dhaqato, u badan Muslimiin - kuwaas oo bilaabay inay si teel-teel ah u toogtaan oo ay gubaan guryahooda, BBC-da ayaa werisay 2018-kii.

Qaar ka mid ah dadkii ay u suurtagashay in ay baxsadaan ayaa u cararay dhanka xaafadda ay Muslimiinta u badan yihiin ee u dhow, halkaas oo uu Imaamku degganaa.

Isla markiiba wadaadkii baa u soo gurmaday.

"Markii hore waxaan geeyey dumarkii gurigayga gaarka ah si aan u qariyo, kadibna nimankii ayaan masaajidka geeyey," Cabdullaahi ayaa u sheegay BBC Pidgin.

Kooxdii weerarka geysatay ayaa markii ay maqleen in dadkii tuuladaasi ay u carareen dhanka Masjidka, waxa ay ka dalbadeen Imaamka in uu u soo saaro kuwa uu qarinayo.

Laakiin wuu diiday.

Isaga iyo qaar kale oo ka mid ah bulshada Muslimiinta, ayaa bilaabay inay ooyaan oo baroortaan, isagoo ka codsanaya inay baxaan.

Iyaga oo yaaban ayay iska tageen - ka dibna waxay dab qabadsiiyeen laba kaniisad oo u dhowaa.

Weerarku wuxuu qayb ka ahaa mowjado rabshado ah, oo ilaa maanta socda, gobolka dhexe ee Nigeria halkaas oo bulshooyinka beerallayda ah iyo xoolo-dhaqatada lo'da ee reer guuraaga ah ay inta badan isku dhacaan - inta badan waxay ku salaysan yihiin helitaanka dhulka iyo xuquuqda daaqsinka.

Abubakar

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xoolo-dhaqatada ayaa intooda badan ka soo jeeda qowmiyadda Fulani oo Muslimiin u badan, halka beeralleyda ay u badan yihiin Masiixiyiin ka soo jeeda qowmiyadda Berom.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay dowladda Nigeria in aysan wax ku filan ka sameynin ilaalinta dadka Masiixiyiinta ah - eedeymahaas waxaa beeniyay mas'uuliyiinta Nigeria, oo sheegay in xubnaha dhammaan kooxaha diimaha ay saameeyeen rabshadaha ka socda gobollada kala duwan ee dalkaas.

Barasaabka gobolka Plateau Caleb Mutfwang ayaa ku tilmaamay geerida imaamka mid "saameyn weyn" ku leh bulshada.

"Noloshiisa waxay ku soocan tahay dadaal aan leexleexad lahayn oo ku aaddan nabadda, midnimada, iyo ilaalinta dadka jilicsan, gaar ahaan haweenka iyo carruurta", ayuu ku sheegay dhambaal tacsi ah.

Sannadkii 2022-kii Cabdullaahi waxa maamuus qaran siiyey madaxweynihii xilligaas ee Muhammadu Buhari, oo ku ammaanay geesinnimadiisa.

Saddex sano ka hor, xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa imaamka siiyay abaalmarinta caalamiga ah ee xorriyadda diinta.