Maxaa dhici kara haddii ay Kurdiyiinta kusoo biiraan dagaalka Iiraan?

Xigashada Sawirka, AFP
Waxaan halkan ku eegeynaa saddex maqaal oo ka hadlaya aragtida saamaynta dagaalka sii xoogeysanaya ee Iran. Waxaa ka mid ah arrimaha ay ka hadlayaan warbixinadan, suurtagalnimada in colaadda ay sii fido haddii Kurdiyiintu ku biiraan dagaalka, saamaynta xiisadaha ay ku yeelan karaan shidaalka iyo gaaska mara Hormuz iyo suuqyada tamarta caalamka.
Waxaan ku bilaabaynaa magaal uu Bloomberg ku qoray Mark Champion oo cinwaankiisu yahay, "Dagaalka Iran ma waxa uu noqonayaa mid aan dhammaad lahayn haddii Kurdiyiintu ku biiraan dagaalka?" Qoraagu wuxuu ku doodayaa haddii Kurdiyiintu ku biiraan dagaalka ka dhanka ah Iran, in ay colaadda u rogi karto dagaal dheer oo adag oo ay adkaan karto in la xakameeyo.
Wuxuu sheegay hadii Kurdiyiinta ay kacdoon ka bilaabaan gudaha Iran kaas oo lagu ridayo taliska in taasi ay keeneyso dagaal weyn.
Wuxuu aaminsan yahay in xaaladdan ay keeni karto dagaal daba dheeraada, oo aan khasab ku ahayn in ciidamo Maraykan ah lagu soo daadiyo dhulka, balse ay ku iman karto faragelin shisheeye oo kicisa colaado maxalli ah, kadibna gobolka ku reebta xasillooni darro muddo dheer socota.
Wuxuu kaloo qoraagu sheegay in madaxweyah Maraykanka, Donald Trump, uu soo dhaweeyay ka-qaybgalka Kurdiyiinta dagaalka isla markaana uu la xiriiray hoggaamiyayaashooda, xilli dhaqdhaqaaqyo ciidan lagu arkay meel u dhow xadka Ciraaq iyo Iran. Tehran waxay fulisay weerarro gantaallo ah oo lagu bartilmaameedsaday ciidamadaas.
Champion wuxuu sheegay in ay adag tahay in talis lagu badalo weerar cirka ah, wuxuu qabaa in ay ku xiran tahay kacdoon gudaha isagoo tusaale u soo qaatay wixii Libya ka dhacay sanadkii 2011-kii taas oo keentay xaalad fowdo ah oo ilaa maanta taagan.
Qoraaga wuxuu kaloo sheegay in xiriirka u dhexeeya Maraykanka iyo Kurdiyiinta uu taariikh ahaan isbedbedelayay. Washington waxay marar badan ku tiirsanayd Kurdiyiinta dagaallo kala duwan. Waxaa dhacday marar badan in laga tago Kurdiyiinta marka danaha siyaasadeed is beddelaan taas oo keentay khasaare weyn oo soo gaara dagaalyahannada Kurdiyiinta.
Qoraagu wuxuu kaloo sheegay in dagaalyahannada Kurdiyiintu ay la kulmi doonaan dhul buuraley ah oo adag oo ku yaalla Buuraha Zagros kaas oo ay adag tahay in horumar dagaal laga gaaro.
Maqaalka wuxuu kaloo ka hadlay in ay adag tahay ina la daciifiyo Iran, hadii la daciifiyana ay horseedi karto mowjad cusub oo xasillooni darro ah oo ka dhacda Bariga Dhexe, taas oo saameynteedu gaari karto dalalka deriska ah iyo suuqyada tamarta caalamka.

Xigashada Sawirka, Reuters
Dhibaatada ma gaartay suuqyda tamarta caalamka?
Maqaal lagu daabacay wargeyska Financial Times oo uu qoray Daniel Yergin, waxa uu ka digayaa in dagaalka oo sii xoogaysta uu dib u soo celin karo mid ka mid ah xaaladaha ugu khatarta badan ee suuqyada tamarta caalamka. Waxaana ka mikd ah hakad ku yimaada socodka shidaalka iyo gaaska ka imanaya gobolka, kaas oo ah halbowlaha dhaqaalaha caalamka.
Wuxuu sheegay in khatarta ugu weyn ay tahay carqalad ku timaadda maraakiibta dhex marta Marinka Hormuz, oo ah mid ka mid ah marinada badda ee ugu muhiimsan dunida, kaas oo ay maraan qiyaastii 20% ganacsiga shidaalka.
Yurub iyo Afrika waxay si weyn ugu tiirsan yihiin Marinka Hormuz si ay u helaan shidaalka diyaaradaha, taas oo macnaheedu yahay in haddii dagaalku sii socdo uu keeni karo qiimo koror kale oo saameeya suuqyada tamarta caalamka.

Xigashada Sawirka, SCMP
Mustaqbalka aan la hubin ee Iran wuxuu Shiinaha gelinayaa xaalad istiraatiiji
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maqaal lagu daabacay wargeyska South China Morning Post oo ka soo baxa Hong Kong uuna qoray Alexander Claxton ayuu kaga hadlay in dagaalka Iran ka dhanka ah uu gelinayo Shiinaha xaalad istiraatiiji ah oo muhiim ah taas oo saameyn karta tamarta Shiinaha iyo doorkiisa Bariga dhexe.
Maqaalku wuxuu kaloo ka hadlay in xiriirka Shiinaha iyo Iran uu inta badan ku saleysan yahay arrimo dhaqaale, isla markaana uu xoogeystay tobankii sano ee la soo dhaafay iyadoo loo marayo waxa loo yaqaan "iskaashi istiraatiiji oo dhammaystiran," oo ay ku jiraan heshiis iskaashi oo 25 sano ah iyo xiriir dhinaca tamarta ah.
Shiinaha waxay Iran u aheyd il muhiim ah oo uu ka helo shidaalka. Celcelis ahaan maalintii wuxuu ka heli jiray 1.38 milyan foosto. Inta badan waxa uu ku heli jiray qiimo dhimis taas oo ka caawisay Tehran in ay ka gudubto cunaqabateynta. Iran si weyn ayey ugu tiirsaneyd Shiinaha.
Welwelka ugu weyn ee Beijing waa in tamar la hubo uu dalka helo. Shidaalka ugu badan ee uu helo Shiinaha wuxuu soo maraa Marinka Hormuz. Sidaas darteed carqalad kasta oo ku timaada maraakiibta ama kororka kharashka caymiska maraakiibta waxay saameyn kartaa warshadaha sifeynta shidaalka ee Shiinaha.
Isbeddel ku yimaada Tehran wuxuu sidoo kale dib u qaabeyn ku sameyn karaa xiriirka dhaqaale, maadaama dowlad cusub oo Iran ah ay dib uga wada xaajoon karaan heshiisyada tamarta ama ay u jeesan karto saaxiibo kale haddii xiriirka ay la leedahay Galbeedka uu hagaago.
Danaha Shiinaha ee Iran kuma koobna shidaalka oo keliya. Shiinaha wuxuu maalgeliyay mashaariic uu ka mid yahay kan loo yaqaan Belt. Isbeddel kasta oo siyaasadeed oo ka dhaca Tehran wuxuu ku keeni karo dib u qiimeyn lagu sameeyo mashaariicdaas.
Qoraagu wuxuu aaminsan yahay in hadafka ugu weyn ee Beijing uusan ahayn ilaalinta talis gaar ah oo Tehran ka jira, balse uu yahay ilaalinta xasilloonida iyo hubinta helista joogtada ah ee tamarta iyo ganacsiga ee gobolka, kaas oo ah mid ka mid ah halbowlayaasha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha Shiinaha.













