Xuutiyiintu maka qeyb-qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Iiraan?

Xuutiyiinta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Intii uu qarxay dagaalka ay iska kaashanayaan Maraykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Iran, mowqifkii hore ee kooxda Ansaaru Allah, waxa uu u muuqday mid ku kooban taageero siyaasadeed, maadaama hoggaamiyahooda Cabdul Malik al Houthi uu ku dhawaaqay taageero buuxda oo uu la garab taagan yahay Iiraan isla markaana uu cambaareeyay weerarka.

Si kastaba ha ahaatee, hadalladiisii u dambeeyey waxa ay muuqdeeyn kuwo isbeddel ku yimid, maadaama al-Houthi uu mar kale ku celiyay in ciidamadiisu diyaar u yihiin inay qaadaan tallaabo milatari haddii xaaladdu sidaan ku sii socoto, loona baahdo. Hadaba heer intee la eg ayey ku lug yeelan kartaa kooxdu dagaalka mudada socda, suuragal se ma tahay in mowqifkoodu uu noqdo mid ka gudba taageero afka ah oo ay si toos ah uga qeyb qaataan dagaalka?

Dr. Hazam al Assad, oo xubin ka ah xafiiska siyaasadda ee kooxda, ayaa wareysi telefoon ah oo uu siiyay BBC News Arabic ku sheegay in arrinta ku lug lahaanshaha tooska ah ee milatari ee dagaalka "ay ku xiran tahay qiimeynta hoggaanka sare ee dhaqdhaqaaqa," isagoo carrabka ku adkeeyey in ka koox ahaan ay Iiraan u arkaan waddan militari ahaan ku filan dagaalka iskagana aada dhinacyada kasoo horjeeda, iyada oo aan loo baahnayn faragelin milatari oo ka timaadda Xuutiyiinta.

Wuxuu yiri: "Iiraan ma aysan codsan faragelin milatari oo ka timaadda xuutiyiinta, mana u baahna," isagoo xusay in Iiraan ay khasaare gaarsiineyso gudaha Israa'iil. Wuxuu intaas ku daray in "Iiraan aysan ku jirin xaalad la mid ah tan Xamaas, oo laga yaabo inay u baahato taageero milatari oo toos ah," taas oo macnaheedu yahay in ay suuragal tahay in ku lug yeeshaan dagaalka, sidii ay hore u sameeyeen, walow aysan hadda miiska saarneyn.

Marka laga hadlayo taageerada kooxdaan, Xuutiyiintu waxa ay door ka qaateyn dagaalkii u dhexeeyey Xamaas iyo Israa'iil sanadkii hore bishii Oktoobar 2023 ka dib weerarradii Oktoobar 7, markaas oo Xuutiyiintu ku dhawaaqeen taageeradooda xulufada ay Iiraan hoggaamiso ee loo yaqaan "xuddunta iska-caabbinta." Inkastoo ay fuliyeen hawlgallo ka dhacay Badda Cas oo la xiriira dagaalka Qasa.

Isagoo arrintan ka hadlaya, qoraaga ku takhasusay arrimaha Yaman, Anwar Al Ansi, ayaa aaminsan, tallaabo la'aanta Xuuriyiinta ay salka ku hayn karto laba arrimood midkood, tan kowaad 'qiimeyn ay sameesay kooxda kadibna ay usoo baxday halista iyo kharashka ku bixi kara falcelinta ka iman doonta Maraykanka iyo Israa'iil, kuwaas oo hore weeraro ba'an ugu qaaday kooxda, tan labaad, in arrintu tahay in Xisbullaah iyo Xuutiyiintuba ay sugayaan go'aan ka imanaya Iiraan, kaas oo ku xirnaan doona mudnaanta Tehran, waqtiga ku habboon, iyo qaabka ay uga qayb geli karaan. "Xuutiyuuntu waa u madax bannaan yihiin in ay qeyb-qaataan, inkasta oo ay muuqdaan kuwo aad u kooban oo aysan ahayn kooxda sidii hore iyo xilliyadii ay weerari jireen marinada maraakiibta Badda Cas iyo Gacan Cadan, iyada oo mudnaanta la siinayo hoos u dhaca ku yimid isku socodka gaadiidka ee labada marin badeed ee u dhexeeya Baabal Mandab iyo Kanalka Suweys", ayuu yiri Anwar.

Weriye Al xussein Al Bukhaiti, oo kamid ah dadka aadka ugu dhaw xuutiyiinta, ayaa u sheegay BBC, in mowqifka xuutiyiinta Ansaaru Allaah uu hadda yahay in ay Iiraan ka taageeraan dhanka siyaasadda iyo warbaahinta, isaga oo xusay in kaalinta laga filan karo kooxdu uu yahay mid ku kooban bartilmaameedsiga maraakiibta lala xiriirinayo Israa'iil iyo Mareykanka ee ku sugan Badda Cas, maadaama meesha ugu muhiimsan ee istaraatiijiyadeed ee Yaman ay tahay marin-badeedkan muhiimka ah, kaas oo sida uu qiyaasayo aad muhiim ugu ah isku socodka maraakiibta.

Kumanaan dibadbaxayaal ah, oo sita calanka Iiraan iyo sawirrada Hoggaamiyaha Sare ee Ayatollah Ali Khamenei.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Muxuu ku xiran yahay ka qeyb-galka siyaasadeed iyo militari ee Xuutiyiinta?

Kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan ayaa xukuma inta badan waqooyi-galbeed ee Yaman tan iyo markii ay ka saareen dowladda caalamku aqoonsan yahay gobolkaas ku dhowaad toban sano ka hor, taas oo dhalisay dagaal sokeeye oo aad u ba'an. Bishii Janaayo ee sannadkii hore, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale ku daray Xuutiyiinta liiska "ururrada argagixisada caalamiga ah," sababo la xiriira weerarradooda ka dhanka ah maraakiibta ku sugan Badda Cas iyo in ay bartilmaameedsadaan Israa'iil.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Si kastaba ha ahaatee, sida uu markale qabo qoraaga Anwar Al-Ansi, ma aha mid macquul ah in Xuutiyiintu gebi ahaanba ay ka maqnaadaan dagaalkaan. Isaga oo ka hadlaya ka-qaybgal la'aantooda waxa uu yiri "waxay muujin kartaa daciifnimadooda marka loo eego cadawgooda gudaha ee sugaya fursad, waxayna sidoo kale hoos u dhigi kartaa sumcaddooda iyo muuqaalkooda dibadda, gaar ahaan kuwa uga mahadceliyay oo taageeray weerarradooda inkastoo saameyntood la xiriirta dagaalka Qasa ay ahayd mid kooban."

Anwar wuxuu sharxay in ikhtiyaarka ugu weyn ee u haray uu yahay inay Israa'iil ku beegsadaan gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn, waa haddii ay weli haystaan qaar ka mid ah hubkaas ka dib weerarro xooggan oo ay la kulmeen. Si kastaba ha ahaatee, arrintani waxay si weyn ugu xirnaan doontaa sida uu u socdo dagaalka ka dhanka ah Iiraan iyo kan Xisbullaah ee ka socda dalka Lubnaan.

Inkasta oo aysan weli caddeyn sababta saxda ay Xuutiyiintu uga maqan yihiin dagaalka illaa iyo hadda, hadana waxaa jira warbixino sirdoon oo isa soo taraya, kuwaas oo muujinaya in kooxdu ku mashquulsan tahay in ay isku dayayaan in ay horumarinayaan awooddooda gantaallada. Tani waxay xoojinaysaa aragtida ah in gelitaankooda colaadda uu dhici karo wakhti kasta, iyadoo ku xiran sida uu u sii socda dagaalka iyo xisaabaadka istaraatiijiyadeed ee gobolka.

Iska-horimaadyadii hore iyo doorka Xuutiyiinta

Taageerayaasha Iiraan ayaa dibadbax ka dhigay magaalada Sanca, iyagoo wata sawirka Hoggaamiyihii hore ee Iiraan Cali Hosseini Khamenei

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inkasta oo Xuutiyiintu ku jiraan xulufada loo yaqaan "xuddunta iska-caabbinta" oo ay hoggaamiso Iiraan, haddana kooxdu mar walba si toos ah ugama qayb qaadato colaadaha ka dhaca gobolka Bariga dhexe. Go'aannadoodu badanaa waxay ku xiran yihiin arrimaha muhiimka ah ee ka jira gudaha dalka Yaman iyo isku dheelitirka awoodda ee gobolka.

Tusaale ahaan, xilliyadii xiisadda u dhaxaysay Iiraan iyo Maraykanka ee ka jirtay Khaliijka, gaar ahaan ka dib dhacdooyinkii lagu beegsaday laba markab oo shidaal qaada oo ka dhacay Gacanka Cummaan sanadkii 2019, kuwaas oo Iiraan lagu eedeeyay inay ka dambeysay, kooxdu waxay soo saartay bayaano ay ku taageerayso mowqifka Iiraan, isla markaana ku cambaareyneysay cadaadiska Mareykanka ee Tehran, balse kama aysan qayb qaadan milatari ahaan iska-horimaadyadaas.

Sidoo kale, ka dib dilkii taliyihii Ciidanka Qudus ee Qassem Soleymaani oo lagu khaarijiyay hawlgal Mareykan ah oo ka dhacay Baqdaad sanadkii 2020, Xuutiyiintu waxay si adag u cambaareeyeen hawlgalkaas. Hoggaamiyaha kooxda Cabdul-Maalik al-Houthi ayaa ku dhawaaqay taageerada kooxdiisu u hayso Iiraan", isagoo dilkaas ku tilmaamay "dambi weyn." Si kastaba ha ahaatee, kooxdu ma aysan qaadin wax tallaabo milatari oo toos ah oo jawaab u ah hawlgalkaas.

Sidoo kale sanadkii 2024, markii ay Israa'iil weerarro ku qaaday gudaha Iiraan ah, iyadoo ay jirtay xiisad sii kordheysa oo u dhexeysay labada dal, Xuutiyiintu waxay ku dhawaaqeen taageeradooda siyaasadeed ee Tehraan, iyagoo xaqiijiyay garab istaaggooda. Si kastaba ha ahaatee, taageeradaas waxay ku koobnayd bayaano siyaasadeed iyo khudbado warbaahineed, iyada oo aan jirin faragelin milatari oo toos ah.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay xarunta Sanca Strategic Studies oo cinwaankeedu yahay "Dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Iiraan, khubarada Xarunta waxa ay sheegeen "Xuutiyiintu waxay Iiraan u sheegeen inaysan awoodin inay qaadaan tallaabooyin milatari oo dheeraad ah sababo la xiriira cadaadiska milatari iyo go'doominta lagu hayo. Tani waxay muujinaysaa inay leeyihiin madax-bannaanida go'aannadooda milatari.

Mowqifyadan waxa uu muujinayaan in taageerada Xuutiyiinta ee Iiraan aysan mar walba ku xirneyn dhinaca milatariga. Mararka qaarkood kooxda waxay doorataa inay muujiso taageero siyaasadeed iyo mid warbaahineed oo ay la garab taagan tahay Tehran iyada oo aan si toos ah ugu biirin dagaalka. Tani waxay ka tarjumaysaa isku dheelitirnaan ay sameeyaan u dhexeeya waajibka ka saaraan in ay dhaqan geliyaan shuruudaha"xuddunta iska-caabbinta" iyo arrimaha kaga furan gudaha Yaman.