Sidee dagaalka Iiraan u saameynayaa aadidda Cumrada?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Muslimiinta, gaar ahaan kuwa ka yimid Afrika, oo ku sugan dalka Sacuudiga, si ay u soo gutaan Cumrada bisha barakeysan ee Ramadaan, ayaa waxay la kulmeen caqabad, ka dib markii Israa'iil iyo Mareykanka ay weerarro ku qaadeen dalka Iran, taasi oo hakad gelisay isu socodka dadka.

Dagaalka ka socda Bariga Dhexe ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka hawada, waxaana uu saameyn ku yeeshay howlihii safaradaha dadka u qaadi jiray si ay u soo gutaan Cumrada.

Malaayiin Muslimiin ah ayaa Cumrada ku gudanaya dalka Sacuudiga inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ilaa 122 milyan oo qof ayaa cumrada soo gutay sanadkii 2025-kii.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalka ka socda Bariga Dhexe, ayaa sababay in garoomada diyaaradaha ay xirmaan, taasoo keentay in dadkii u aaday Cumrada, gaar ahaan kuwa Nigeria, ay la yaabban yihiin inay gaari karaan hadafkooda oo ay soo gudan karaan Cumrada iyo in kale.

Iran, Ciraaq, Israa'iil, Suuriya, Kuwait, Qadar, iyo Imaaraadka Carabta ayaa albaabbada loo laabay garoomadooda, kadib markii Mareykanka iyo Israa'iil ay weerar ku qaadeen Iran ayna hakiyeen isu socodkii hawada.

Ilaa hadda maamulka Sacuudiga ma aysan shaacin in la xiray garoomadooda, balse waxaa jirta cabsi laga qabo in haddii ay sii socdaan weerarrada ka dhanka ah Iran ay saameyn ku yeelan karto socdaalka gobolka.

Alhaji Zaharaddeen Abubakar, oo ka mid ah xujeyda rajeynaya inay ka qeybgalaan cumrada Sacuudiga, ayaa BBC-da u sheegay in uu ka baqayo in ay isu diyaariyeen in ay u safraan heer ay ka bixiyaan kharashka hoteellada, iyo in ay joogsadaan duulimaadyada, lagana yaabo in ay safri waayaan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Kuwa ku sugan Sacuudiga waa inay iyaguna soo laabtaan markay cibaadadooda dhammeystaan, haddii duullimaadyada soo laabanaya la waayo, waad aragtaan, taasna waa walaac," ayuu yiri Alhaji Zaharaddeen.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku nuux-nuux saday in maaddaama ay tahay hawl diimeed, aysan noqon doonin mid caajis ah inta ay jirto fursad lagu safro.

Alhaji Zaharaddeen Abuubakar ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda Sacuudiga inay qaadaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo in Muslimiinta caalamka ka kala imaanaya ay fursad u helaan inay soo gutaan Cumrada iyadoo aysan jirin wax caqabad ah.

Waxa uu intaasi ku daray "Xajkii ugu dambeeyay waxa ka dhacay dagaal u dhexeeya Iran iyo Israa'iil, waxaana saamayn ku yeeshay Iran, balse Sucuudigu waxa uu siiyey gabbaad, waxaana uu ka caawiyay in aanay wax caqabad ah la kulmin ilaa uu dagaalku ka dhammaanayo. Waxaana uu rajeynayaa in Sacuudiga uu sidaas oo kale mar kale sameeyo sanadkan.

Alhaji Musa Rabiicu Muxamed waa maamulaha shirkadda socdaalka ee Murna Travel Agency oo fadhigeedu yahay magaalada Kano ee dalka Nigeria, ayaa BBC u sheegay in ay jireen dad diyaarada raacay oo doonayey in ay dhoofaan, balse ay ku qasbanaadeen in ay soo gaabiyaan safarradoodii, haddana ay guryahooda ku sugan yihiin.

Wuxuu intaas ku daray in sida uu og yahay aysan hadda jirin wax argagax ah, balse mar kasta oo uu dadka kula hadlaayo Jeddah ay sheegaan in weli cabsi ay jirto.

Maraykanka iyo Israa'iil ayaa sii wada weerarada ay ku hayaan Iran.