Maxay Israa'iiliyiintu ka yiraahden dagaalka lagula jiro Iiraan?

Israa'iil iyo Iiraan

Xigashada Sawirka, Abir Sultan / EPA/Shutterstock

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Inkasta oo weerarrada ka dhanka ah Iiraan aysan muujin wax calaamado ah oo iftiiminaya inay yaraanayaan, haddana waxaa jira dareen ah in noloshu Israa'iil si tartiib tartiib ah ugu soo laabanayso caadi.

Qiyaastii toddobaad ka dib, iyadoo weerarrada aargoosiga ah ee Iiraan ay yaraadeen, tallaabooyinkii halkan laga qaaday, sida mamnuucidda isu imaatinnada waaweyn iyo xiritaanka dukaamada iyo xafiisyada, ayaa sidoo kale la dabcinayaa. Dadka dalka oo dhan ku nool ayaa raadsanaya hoy marka digniinaha weerarrada cirka la maqlo.

Chaya Dekel, oo ku jirta 70-meeyada ayaa sheegtay inay lumisay tirada dagaallada ay soo aragtay. Iyadoo muujinaysa daalkeeda, Dekel waxay difaacday dagaalka, iyadoo ku dooday in Iiraan "aysan rabin nabad."

"Waxaan halkan ku noolnahay annagoo rajeynayna in tani ay mar uun dhammaan doonto. Qof kasta oo Israa'iil ku nool wuxuu rajeynayaa inaan nabad kula noolaado dadkeenna iyo deriskeenna," ayay tiri.

Taageerada dagaalka ayaa aad uga xooggan dalka. Sida ku cad ra'yi ururin uu Machadka Dimuqraadiyadda Israa'iil daabacay Arbacadii, 5-tii Maarso, 93% bulshada Yuhuudda ah ayaa taageeraya dagaalka, halka tiradani ay hoos ugu dhacayso 26% marka laga hadlayo Carabta Israa'iil.

"Runtii tani waa is-afgarad guud. Xitaa ma aanan gaarin tirooyin sidan u sarreeya intii lagu jiray ololihii dhowaa ee ka dhanka ahaa Iiraan," ayay tiri Professor Tamar Hermann, oo ah cilmi-baare sare oo ka qayb qaatay daraasadda.

Sida uu sheegay, mid ka mid ah sababaha arrintan loo arko ayaa ah in khasaaraha ka dhashay weerarradii aargudashada ah ee Iiraan ee Israa'iil uu yahay "mid aad, aad u kooban."

Iiran iyo Isreal

Xigashada Sawirka, Reuters

Xaaladdan waxay ka dhalatay nidaamyada difaaca cirka ee horumarsan ee Israa'iil. Sida ay sheegeen mas'uuliyiintu, nidaamkan difaaca ee dhowr lakab ka kooban ayaa qabtay oo burburiyay 80 ilaa 90 boqolkiiba gantaalladii lagu soo riday dalka intii uu socday dagaalku.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ilaa hadda, 10 qof ayaa ku dhintay weerarro ka dhacay meelo kala duwan oo Israa'iil ah.

Qodob kale ee ay xustay Professor Hermann waa dib u soo celinta kalsoonida dadweynaha ee ciidanka iyo hay'adaha sirdoonka, kadib fashilaadihii amni ee horseeday weerarradii ay fulisay Xamaas 7-dii Oktoobar 2023. Xamaas waa mid ka mid ah kooxaha hubaysan ee ay taageerto Iran si ay u abuuraan waxa loo yaqaan "giraan dab ah" oo ku wareegsan Israa'iil.

Laakiin waxa ugu muhiimsan waa midnimada ku saabsan arrinta Iran, oo muddo tobanaan sano ah ay dad badan ku tilmaameen "khatar jiritaan".

Tan waxaa ka mid ah Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu.

Laga bilaabo buuggiisii 1995 ee "Combating Terrorism" ilaa khudbaddiisii caanka ahayd ee 2012 ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, halkaas oo uu ku soo bandhigay sawirka bam si uu u muujiyo sida ay Iran ugu dhowdahay hubka nukliyeerka, Netanyahu marar badan ayuu dunida u sheegay in Iran laga joojiyo.

Bishii Juun ee la soo dhaafay, Netanyahu, oo ah ra'iisul wasaaraha ugu muddada dheer Israa'iil soo maray, wuxuu amray weerar si weyn u waxyeelleeyay awoodda nukliyeerka iyo milatari ee Iran.

Maraykanka ayaa ugu dambayntii ku biiray dagaalka, waxaana dagaalkan loo bixiyay Dagaalkii Laba-iyo-Tobanka Maalmood.

Ololahan waxaa Israa'iil gudaheeda loogu dabaaldegay guul, wuxuuna kordhiyay taageerada ay ciidanku ku leeyihiin gudaha dalka.

Horraantii sannadkan, ciidamada ammaanka ee Iran ayaa si arxan darro ah u cabburiyay mudaharaadyo ka dhan ah dowladda, taasoo sababtay dhimashada kumannaan qof.

Mudaharaadyadu waxay muujiyeen caro ballaaran oo dadweyne, waxayna kicisay su'aalo ku saabsan sharciyadda dowladda Islaamiga ah iyo dhaqaalaha oo ku jira xaalad qalalaase qoto dheer.

Iyadoo cadaadis saaranyahay hoggaanka Iran, difaac daciifay, iyo saameynta xoogagga wakiillada ah Israa'iil iyo Maraykanka waxay arkeen fursad aan la seegi karin oo lagu weeraro Iran.

Madaxweyne Donald Trump ayaa diray waxa uu ku tilmaamay "armada" ciidamo Bariga Dhexe; tani waxay ahayd isu-diyaarintii milatari ee ugu weynayd ee Maraykanku ka sameeyo gobolka tan iyo duullaankii Maraykanku hoggaaminayay ee Ciraaq sanadkii 2003.

Si kastaba ha ahaatee, isaga iyo Netanyahu midkoodna si cad uma sheegin nooca khatarta ay Iran keentay ee u baahanayd in la adeegsado awood milatari, ama waxa ay yihiin ujeeddooyinka dagaalkan cusub, kaas oo Iran ku tilmaantay sharci-darro oo aan wax sabab ah lahayn.

Mas'uuliyiin Israa'iiliyiin ah, oo uu ku jiro Netanyahu, ayaa si fagaare ah u muujiyay rajo ah in tani ay keeni karto isbeddel dowladeed oo ka dhaca Iran.

Hadda, xitaa kadib dilkii Hoggaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Cali Khamenei, oo lagu dilay duqeyn cirka ah oo lagu beegsaday xaruntiisa Tehran maalintii ugu horreysay ee dagaalka, arrintaas uma muuqato mid aad u suurtagal ah.

Khamenei marar badan ayuu ku baaqay in Israa'iil la burburiyo, wuxuuna dadka ku dhiirrigeliyay inay toddobaad kasta ku dhawaaqaan "Dhimasho ha ku timaaddo Maraykanka".

Netanyahu ayaa horraantii toddobaadkan sheegay in dagaalku "keeni doono xilli nabadeed oo aynaan waligeen qiyaasi karin."

Wuxuu sidoo kale ku gacan seyray eedeynta sheegaysa inuu isagu Maraykanka ku jiiday dagaalkan, isagoo ku tilmaamay "hadal aan macno lahayn".

Maraykanka gudihiisa, halkaas oo taageerada dadweynaha ee Israa'iil ay si weyn hoos ugu dhacday kadib dagaalkii ka dhanka ahaa Xamaas ee Qasa, kaliya afar qof oo ka mid ah midkood ayaa taageeraya weerarrada ka dhanka ah Iran, sida lagu sheegay sahan ay sameeyeen Reuters iyo Ipsos.

Fikirka ah in dagaalkan loo wado difaaca danaha Israa'iil ayaa sii dhaawici kara sawirka Israa'iil ee indhaha dadweynaha Maraykanka.

Colaadda Bariga Dhexe

Xigashada Sawirka, EPA

Si kastaba ha ahaatee, gudaha Israa'iil, go'aanka Netanyahu ee ah inuu dagaal galo wuxuu helay dhaleeceyn aad u yar, xitaa ka timid mucaaradkiisa.

Sida ay muujisay afti uu sameeyay Machadka Dimuqraadiyadda Israel, 57% Yuhuudda ayaa aaminsan in duqeymaha aan la joojin ilaa hoggaamiyeyaasha hadda ee Iiraan xilka laga tuuro.

Falanqeeyaha Israa'iil-Iiraan borofisar Meir Javedanfar oo ka tirsan Jaamacadda Reichman University ee Herzliya ayaa yiri:

"Israa'iiliyiintu waxay arkaan in dadka reer Iiraan ay wadaagaan hadafkan… sidaas darteed waxay u arkaan inay tani tahay fursad lagu fulin karo, Israa'iiliyiinta iyo Maraykanku in ay hawada ka weeraraan, halka dadka reer Iiraan ay gudaha uga kacaan."

Isagoo ka soo baxay hoy dhulka hoostiisa ah ,Tom Dan ayaa yiri:

"Shan sano ayay qalalaase joogto ahi uu socday. Marka hore isbeddelka garsoorka qorshaha dowladda ee lagu xaddidayo awoodda Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa sababay mudaharaadyo waaweyn, ka dib dhacdooyinkii 7-dii Oktoobar, ka dibna Iiraan sanad ka hor.

Wuxuu intaas ku daray:

"Dabcan, dad badan oo kale ayaa ku nool nolol aad u adag… laakiin waxaa jira dareen ah in tani ay tahay sabab wanaagsan. Nidaamka Iiraan wuxuu go'aansaday inuu burburiyo Israa'iil."