Saamaynta uu dagaalka Iran ku yeeshay mid kamid ah ganacsiyada ugu wayn Itoobiya

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Xiisadda ka taagan Bariga Dhexe waxay saamayn xooggan ku yeelatay duulimaadyadii ay samayn jireen shirkadaha diyaaradaha. Mid ka mid ah shirkadaha uu khasaarugu soo gaadhay waa shirkadda Ethiopian Airlines.

Madaxa ganacsiga ee shirkadda, Lemma Yadecha, ayaa BBC u sheegay in dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa'iil iyo Iiraan oo galay maalintiisii lixaad uu dhaawac weyn ku keenayo hawlaha shirkadda iyo duullimaadyadii ay ku tagi jirtay waddamda ku yaalla Bariga Dhexe iyada oo qaada rakaab iyo noocyao kala duwan oo xammuul ah.

"Duullimaadyadii aanu ku tagi jirnay ilaa 10 magaalo oo ku yaalla Bariga Dhexe ayaan joojinnay laga soo bilaabo maalintii Sabtidii ee todobaadkan."

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Duullimaadyada la joojiyay waxa ka mid ah saddex duullimaad oo ay shirkaddaasi maalin walba ku tagi jirtay Dubai, halka Sharjah ay u duuli jirtay hal mar maalintii.

Si la mid ah waxa joogsaday saddex kale oo ay ku tagi jirtay Tel Aviv iyo isku darka saddex goor oo si maalinle ah ay rakaabka ugu qaadaysay magaalooyinka Abu Dhabi Cammaan.

Sida ay masuuliyiinta shirkadaasi sheegayaanna waxa ay taasi la micne tahay in gebi ahaanba ay joogsadeen 15 duullimaad oo ay samayn jirtay, taasi oo ay ka dhasheen saamayn dhaqaale oo laxaad leh.

" Si guud waxa aan luminnay 15 duulimaad oo aan maalin kasta ku tagi jirnay Bariga Dhexe. Waxa oo joojiinnay 100 duullimaad oo si todobaale ah aan u samayn jirnay. Dhinaca xammuulka waxa aanu qasnbanaanaynaa in aan joojinno in ka badan 160 duullimaad. Qiyaastii 40 kun ilaa 50 kun oo rakaab ah ayaan qaadi jirnay, in la waayana waxa nooga dhigan tahay khasaaare laxaad leh."

Marka laga hadlayo duulimaadyada xamuulka, mas'uuliyiintu waxay sheegeen in maalin kasta hal duulimaad loo qorsheyay meel kasta oo ka mid ah meelahii hore loogu duuli jiray.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ma aha keliya in ay lumiyeen rakaabkii ay qaadi jireen, laakiin se dhinaca kale shirkaddu waxay khasaari kartaa qiyaastii 135 milyan oo doollar oo ka so xeroon jiray rakaabka iyo laba milyan oo ahaa lacagaha ka yimaadda alaabaha ay qaadayso

Saamayn kale oo aan la dhalayalsan karin waxa ay ka dhalatay kor-u-kaca dhinaca shidaalka dalalka Bariga Dhexe ay soo saari jireen.

"Shidaalka ugu badan ee caalamku aaggan ayuu ka yimaaddaa. Haddii aanu aaggaasi xasiloonayna waxa kor u qaadaysaaa walaaca aanu qabno. Taasi waxa ay dhibaato ku tahay dhammaan shirkadadaha duullimaadyada oo ay ku jirto shirkadda duullimaadyada ee Itoonbiya. "

Dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa'iil iyo dhinaca kale Iiraan ayaa si weyn u carqaladeeyay safarrada hawada ee Bariga Dhexe, waxaana uu saameeyay dhaqdhaqaaqa boqollaal kun oo qof.

Lama saadaalin karo sida uu xaalku noqon doono maalmaha soo socda lama na hubo sida ay laga yeeli doono duulimaadyada dalalka Bariga Dhexe.

Khubaro ay la hadashay Wakaaladda Faransiiska ee Agence France-Presse (AFP) ayaa sheegay in carqaladaha duulimaadyadu ay sii socon karaan maalmaha iyo toddobaadyada soo socda.

Walaac kale oo la qabo waa haddii ay dalalka Khaliijka ay qaadaan tallaabooyin aargoosi ah, dagaalku wuu sii fidi karaa, taas oo saameyn ku yeelan karta duulimaadyada caalamiga ah.

Waxa kale oo la saadaalinayaa in haddii waddadamada Bariga Dhexe ay sii wadaan xidhditaanka hawooyinkooda, isla markaana dagaalku aanu joogsan, rakaabka ka safraya Khaliijka una socda Yurub, Afrika iyo Aasiya in ay la kulmi karaan caqabado dheeraad ah.