Itoobiya oo hirgelinaysa nidaam tijaabo booliis casri ah oo qaaradda ku cusub

- Author, Daniel Dadzie
- Role, BBC Focus on Africa
- Reporting from, Addis Ababa
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Shaashadaha kombiyuutarka ayaa iftiimaya gudaha qolal yaryar oo kala qaybsan oo ku yaalla saldhig booliis oo cusub oo Itoobiya dhistay.
Ma jiro buuq ama qalalaase. Ma jiro miis hore oo adeegbixiye fadhiyo oo yaalla aafaafka hore, ma jiro kuraas ay ku sugaan dad rayid ah oo walwalsan, mana jiro askari kala horaya dadka adeeg bixinta u baahan.
Tani waa mashruuc tijaabo ah oo loo yaqaan "saldhig booliis casri ah" ama saldhig booliis oo aan askar joogto ah lahayn, kaas oo ku yaalla degmada Bole ee caasimadda Addis Ababa. Waa tallaabadii u danbeysay ee Itoobiya ku doonayso inay kula jaanqaaddo kacaanka dijitaalka ah.
Shaashad weyn oo darbiga ku dheggan ayaa soo bandhigaysa fariimo soodhaweyn ah iyo sawirrada Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed.
Laakiin hadda waxaa halkaas jooga askar xiran direes oo muujinaysa sida nidaamku u shaqeeyo, taas oo ka dhigaysa goobtu inay u ekaato bandhig tiknoolajiyadeed.
Saldhiggan oo dhowaan la furay, shaqaaluhu "waxay joogaan si ay dadka uga caawiyaan inay la qabsadaan", ayuu BBC-da u sheegay madaxa waaxda ballaadhinta tiknoolajiyadda ee booliiska, Taliye Demissie Yilma.
“Adeegga booliska ee mustaqbalku waa inuu noqdaa mid u dhow muwaadiniinta.”
Gudaha qol yar, wuxuu taabtaa shaashadda isagoo muujinaya tallaabooyinka lagu sameeyo warbixin.
Demissie wuxuu doortaa nooca dhacdada dembi, warbixin gaadiid ama arrin guud wuxuu geliyaa faahfaahinta kadibna wuxuu riixaa badhan si uu u diro.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kadibna askari oo ah qof dhab ah oo jooga meel fog, ee aan ahayn barnaamij kombiyuutar – ayaa ka soo muuqda shaashadda oo bilaaba inuu su'aalo weydiiyo isla markaana qoro macluumaadka.
"Haddii ay dhibaato jirto, askartu si degdeg ah ayay uga jawaabaan waxayna roondo ka sameeyaan goobta uu soo sheegay qofka warbixinta bixiyay," ayuu yiri Demissie.
Toddobaadkiisii ugu horreeyay bishii hore, saldhigga booliiska casriga ah wuxuu helay kaliya saddex warbixin: baasaboorka qof lumay, kiis khiyaano maaliyadeed ah iyo cabasho caadi ah.
Laakiin Demissie wuxuu aaminsan yahay in tirada warbixinadu korodhi doonto marka dadka deegaanka ay ka war helaan.
"Adeegga booliiska mustaqbalka waa inuu u dhowaadaa muwaadiniinta," ayuu yidhi
Isticmaalka kombiyuutar si loola xidhiidho saraakiisha ayaa laga yaabaa inuu yareeyo xidhiidhka tooska ah ee dadka dhexdooda ah, balse masuuliyiintu waxay aaminsan yihiin in saldhiggan casriga ahi kordhin karo helitaanka adeegga booliiska meelaha aan askar ku filan laga helin si loo furo saldhig buuxa.
Markii mashruuca la daahfuray 9-kii Febraayo, ra'iisul wasaaraha ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ujeeddadu tahay in hay'adaha fulinta sharcigu noqdaan kuwo "kartid leh oo tartan geli kara", isagoo arrintan ku sheegay qayb ka mid ah dadaal ballaaran oo dib-u-habayn dijitaal ah.

Saldhigga booliiska casriga ahi waa qayb ka mid ah isbeddel weyn oo lagu doonayo in lagu beddelo sida muwaadiniintu ula macaamilaan dowladda.
Istaraatiijiyadda qaran ee la bilaabay sannadkii hore oo loo yaqaan Digital Ethiopia 2030 ayaa ah qorshaha dowladda ee dijitaalaynta adeegyada dadweynaha, laga bilaabo nidaamyada aqoonsiga iyo lacag-bixinta ilaa maxkamadaha iyo maamulka dowladda.
Saamiga dadka Itoobiya ee heli kara internet-ka weli waa mid hooseeya, taas oo sababtay in dalka uu ka dambeeyo qaar ka mid ah waddamada kale ee Afrika dhinaca isbeddelka dijitaalka.
Sidoo kale, colaado iyo qalalaase siyaasadeed oo sanadihii u dambeeyay dhacay ayaa sababay in marar badan internet-ka la damiyo.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo qaybta isgaarsiintu furantay, dalka ayaa bilaabay inuu qaato nidaamka lacag-bixinta dijitaalka ah ee taleefannada gacanta iyadoo lagu isticmaalayo birr-ta, oo ah lacagta dalka.
Dowladdu sidoo kale waxay hirgelisay nidaam aqoonsi dijitaal ah oo qaran waxayna adeegyo dowladeed oo badan ku soo bandhigtay internet-ka.
Taageerayaasha isbeddelladan waxay ku doodaan in tallaabooyinkani aad u daahnaayeen, gaar ahaan dalka oo leh koboc magaalo oo degdeg ah iyo dad badan oo da'yar ah.
Birhan Nega Cheru, oo ah injineer sare oo software-da ag kana shaqeeya Addis Ababa, wuxuu ku faraxsan yahay isbeddelkan.
"Marka ay si fiican u shaqeeyaan, waxay yareeyaan waraaqaha badan iyo safarrada xafiisyada," ayuu BBC-da u sheegay.
Laakiin wuxuu sidoo kale qirayaa in ay jiraan arrimo la xiriira amniga iyo asturnaanta, iyo khatar ah in "dadka aan aqoon dijitaal lahayn si fudud loo khiyaameeyo".
"Dadka magaalooyinka jooga, dhalinyarada, ganacsatada, kuwa haysta taleefannada casriga ah iyo xirfadaha – iyaga ayaa ugu faa'iido badan," ayuu yiri injineerku.
"Dadka waayeelka ah, bulshooyinka miyiga iyo dadka dakhliga hoose leh waxay halis ugu jiraan in laga tago."
Tirooyinka ayaa taageeraya aragtidiisa.
Warbixin ay soo saartay hay'adda waxbarashada ee Qaramada Midoobay, Unesco, sannadkii hore ayaa lagu sheegay in 79% dadka dalka aysan ku xirnayn internet-ka.
Laakiin Zelalem Gizachew, oo ah falanqeeye siyaasadda tiknoolajiyadda, wuxuu ku doodaa in istaraatiijiyadda dowladda ay si tartiib ah u yareyneyso farqiga dijitaalka.
"Aqoonta dijitaalka ahi weli waa caqabad," ayuu yidhi. "Taasi waa sababta istaraatiijiyadda Digital Ethiopia 2030 ay diiradda u saartay tababar iyo xirfado, ma aha tiknoolajiyad oo keliya."
Wuxuu tilmaamay isbeddello la cabbiri karo oo dhacay shantii sano ee la soo dhaafay.
"Lacag-bixinta dijitaalka ahi si weyn ayay u kordheen, iyadoo tirilyano birr ah hadda lagu kala wareejiyo hababka elektarooniga ah. Helitaanka internet-ka xawaaraha sare leh si weyn ayuu u ballaadhay, in ka badan 130 adeeg dowladeedna waa la dijitaaleeyay.
"Kuwani waa maalgashi aasaasi ah," ayuu yiri Zelalem. "Ma suurtagalayso in adeegyada dadweynaha la casriyeeyo haddii aan la helin kaabayaal, siyaasado iyo xirfado."
Hadda, saldhigga booliiska casriga ahi weli waa mashruuc tijaabo ah.
Waxa uu ku shaqeeyaa deegaan la xakameeyay oo askartu ku hagayaan dadka isticmaala nidaam wali baranaya sida uu u shaqeeyo. Saldhigyada dhaqameedna wali way shaqeeyaan, dadka badankoodna weli waxay ku tiirsan yihiin inay si toos ah u tagaan booliiska si ay warbixin u bixiyaan.
In qaabkani sii ballaadho waxay ku xirnaan doontaa in dadku ay doortaan inay isticmaalaan marka uusan jirin qof u sharxaya shaashadaha.
Sidaas darteed, qolkaas aamusan ee Bole ma aha mashruuc dhammaystiran. Waa tijaabo – iyo daaqad yar oo muujinaysa sida himilooyinka dijitaalka ee Itoobiya ay ugu muuqan karaan nolosha maalinlaha ah.













